Faysal Cali Waraabe Oo Is Bar-bar Dhig Ku Sameeyay Kartida Hoggaamiyenimo Ee Madaxweyne Siilaanyo Iyo Daahir Rayaale Kaahin

0
686

 

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa is bar bar dhig ku sameeyay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin, waxaanu tilmaamay inay kala yihiin kaaf iyo kala dheeri.

fffffffffffffffffffffffMd. Faysal, oo shalay waraysi gaar ah siiyay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee wada dega Ceerigaabo ee dhawaan ragga iska dilay, waxaanu ugu baaqay inay colaadda nabadda ku bedelaan.“Marka hore aniga oo ku hadlaaya afka xisbiga UCID iyo umada reer Somaliland iyo inta nabada jecelba wax aan ugu baaqayaa dadka reer Ceerigaabo inay nabadooda ilaashadaan, maanta waxa tusaale fiican inoo ah dalkaas aynu jaarka nahay ee Somaliya labaatan sano ayay dagaalamyeen wax faa’ido ah kamay helin oo aan khasaare ahayn, markaa inagoo tusaale fiican haysana nabadan dhadhaminay wanaageeda  maanta in aynu labaatan sano kadib aynu casrul jaahiligii ku noqono oo aynu qabaa’il  isku dilnaa waxayba ila tahay inay tahay shaqo shaydaan, markaa waxaan leeyahay nabdiina qaata oo dad walaalo ah ayaad tihiin oo reer Sanaaga, markaa sababtii laydunku kala kaxaynayay ee afarta beelood iska baabiya hal gobal oo isku dad ah oo isku diina ayaad tihiin oo walaalo ayaad tihiin ee naabdiina ilaashada.

 

Dawladana waxaan leeyahay bari way ka seexatay, ilaa iyo inta aanu Sanaag bari maamul kajirin Ceerigaabona nabadeedu waxay noqonaysaa mid aan dhamaystirnayan, waa in maamulka la fidiyaa oo dadka sharciga,horumarka iyo  dawaldnimada lagaadhsiiyaa labaatan sano ayuu dhulkaasu maqanyahay oo wax inaga hor joogana aanu jirin maamul xumo dhexdeenaa mooyaane , markaa waxan leeyhaay dawladuna dhulkaas maamulka iyo kala danbaynta h agayso, waxii awooda dawladeeda  iyo dhaqaale ah si cadaalada dadkaas wada dagan ee reer Sanaag haloogu qaybiyo.” Ayuu yidhi Faysal.

Waraysigaas, waxa kale oo uu Faysal kaga hadlay qoraal ay dhawaan u qoreen komishanka doorashooyinka oo ay ku dalbadeen in loo buuxiyo jagada guddoomiyaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi iyo jagada maayar xigeenka Hargeysa Maxamed Cabdillaahi Uurcade, oo dhawaan ku biiray ururka wadani ee siyaasiga ah, waxaanu sheegay Faysal inaanay ka hadhayn buuxinta boosaskaas. Waraysigaas uu Geeska Afrikala yeeshay wuxuu u dhacay sidan:

Guddoomiye kooxda isku magacawday Awdal State waxay doorteen madaxwayne iyo ku xigeen adigu sideed u aragtaa?

Awdal-State kaasu baryahanba way socotay horena umaanu maqli jirin ee waxa keenayaa waxa weeye dadku waxbay tirsanayaan, reer Awdal waxa weeyaan dadkii Somaliland ku dhawaaqay, wax weeyaan dadkii heesta calanka qaranka Sameeyay, dadkii nabada ka shaqeeyay markii dagaalkii sokeeye, Boorama waa magaaladaan u bixinay magaaladii nabadgalyada, waa dadkii labaatankaas sanadoodba dalka nabadooda ka sahqaynayay laakiin waxa weeye waxa waxan keenayaa waxbaa la tirsanayaa, iyagoo kaliyaata maahe waxa soo socota qaarkale oo bariga lagaga dhawaaqi doono oo qolada SSC ay ku dhawaaqayso oo hada lawado ayaa jira, waxa jira dagaal sokeeye oo isaguna inagagag furan soonaha kililka shanaad waxaas oo dhan waa ay isku xidhan yihiin oo gacan shisheeye ayaa ku jirta oo la doonayo in Somaliland la baab’iiyo maanta talo dawladeedna ma hayno iyo qorshe ma hayno hogaan ay waxaasu u muuqato, gudaheenii waa tan oo ururo iyo xisbiyo aynu samaysanayno, waa tan beelihii dhaxena ay shir beeleedyada ku dhawaaqayaan markaa waxa loo baahan yahay in talo qaran laysugu yimaado arimahan inagu shidan ee hareeraha inagaga shidan ee aynu arkayno ee aynaan siyaasad ka lahayn, waxa loo baahan yahay in laysugu yimaado sidii waxan looga gudbi lahaa. Awdal State iyo SSC waxa dhiirigeliyay maamulkan Siilaanyo ee ka qayb galaya shirarkii ay gobalada Somaliya fadhiyeen.

Reer awdalna waxaan leeyahay hayska xumaynina taariikhada beelo badan iyo gobalo badan yaa wax tirsanyaaya oo maamulkan Axmed Siilanyo ka tirsanaaya markaa maaha in aad idinku dusha ku qaadataan ceeb aydaan mutaysan.

Nimankaas dibada ka hadlaayana waxaan leeyahay dadka gudahu waa dad walaalo ah oo aan kala maarmayn, hadday idinka idinku filnaantay qoxoonti nimadii dadka ka daaya dhibaatada.

Gudoome Faysal ururadii iyada oo aan wali la diiwaan galin ayay olalahoodii ka bilaabeen gobaladii dalka , adiga arintaas siday kuula muuqataa?

Sharcigiibaa la laalay oo baaba’ay waad arkaysaa gudoomiyahii baarlamaanka oo ka baxay xisbigii oo yidhi xisbi aan jirin ayaan galay oo xubinimadii lumiyay ayaa ilaa hadda haddana shir gudoominaya baarlamaankii, dalka kala danbayn iyo nidaam iyo dastuur iyo xeer la ixtiraamaa waa uu baaba’ay waxa weeyaan dalkan waa uu is dhex yaacay, qoladii diiwaan galintana waxaan leenahay idinkuna arimahan arimo ka wayn ayaa iman doona hadaad imika qaban waydaan urur aan jirin oo xafiisyo furanaaya sidaad ukala saari doontaan hadhawtoole markay ururo samaysmaan ee ay tartamaan ee ay isku qabsadaan hadaydaan imika runta u kala sheegayn, taasi waxay wax yeelaysaa kal soonidii guddida diiwan galinta ee la sameeyay, fawdo ayaa dalka ka taagan, waad aragtaa imika waa layska baxay cidii doontaa xajbay tageen, wasaaradaa  iskamadhan, hay’adaa iska madhan, madaxwaynii waxa uu yidhi fasaxbaan tagaa toban casho  ayuu joogay Addis Aaba heshiisyuu ku saxeexay heshiisyadaa lama oga, waad arkaysaa wasiirka arimaha dibada waxa uu ashkateeyay shabakadda wararka  Qaran News oo ku sheegay argagaxiso markii uu u adkaysan waayay saxaafada madaxabanaan, markaa  waxa weeye sharci iyo kala danbayn waa ay dhamaatay.

Waxa jiray warqad aad u gudbiseen komishanka oo aad ku dalbanayseen inaad soo badalataan xildhibaanadii xisbigiina iska casilay arintaasu halkay ku danbaysay?

Ilaa-hadda laba qof ayaa si cad u sheegay inay ka baxeen waxaana weeye maayar kuxigeenka ina Hargeysa ood ogtahiin inuu liis ku soo baxay iyo gudoomiyaha baarlamaanka labadaas ayaanu qornay  sharci daro ayayna ku fadhiyaan, hadday sharcidaro ku fadhiyaana waa sida uu shalayto sheegayay sheekh Aadan Siiro ee dadkoo dhan sheegayeen ee khatar ayaa la galayaa, waa in uu cabiraxmaan iska casilaa meesha waa inuu isaga oo lasiman dadka ururka uu samaystay uu samaystaa, lakiin arintaas waanu daba taaganahay anaga iyo UDUB iyo saddexda xisbiba waxaan u aragnaa in ninkaas Cabdiraxmaan Ciro uu Sharci daro ku fadhiyo.

Guddoomiye Faysal Cali waxa aad mucaarad soo ahayd muddo toban sano ah, waxaad mucaarad ku soo ahayd madaxweynii hore ee Rayaale imikana Axmed Siilaanyo,  bal is barbardhig noogu samee labada madaxwayne?

Markaan is barbar dhigo Riyaale waxa uu ahaa nin madaxwayne ah oo talada gacanta ku haya, meel kasta wixii ka socda la socda, ajandahiisa ku socda, wasiiradu aanay ku dhici karin waxa aanu isagu ogayn, Siilaanyo markaad eegto waa nin aan taladii gacnta ku haynin, taladu ay baahsantahay, qorsho dibadeed, mid gudeed, mid maaliyadeed midna aan lahayn, waxa weeye nin aan hebelow aad qaldantahaye joog aan odhan karayn, markaa waxa weeye mar haddii aanu masuulku dadkiisa uu masuulka ka yahay aanu kala saari karayn, haddaanu wasaaradihiisa jeeg garaynayn, haddaanu siyaasad wadan,  sidee uu wadan u xukumi karayaa qofku, waa laysku wada dhex daatay qof qof xukumaa ma jiro, nina waxa uu ahaa nin wax kasta gacanta ku haya oo waa tii aan odhan jiray ilaa baasaboorka isagaa bixiya, kana wax allaale iyo wax uu isagu gacanta ku hayaa majirto kursiga iyo miiska oo kaliyaata yaa u soo hadhay.