CIID MUBAARAK

0
711

 

Waxa mahad leh weynaha ina abuuray adduunka oo203517,xcitefun-lovely-eid-mubarak-red-card dhanna iska leh, waxaa naxariis iyo nabadgelyo mudan nebigeennii Suubanaa ee Muxamed NNKHA.

 

Intaa kadib…Wargeyska Geeska Afrika waxa uu akhristayaashiisa sharafta badan iyo guud ahaanba bulshada caalamka u dirayaa salaam iyo hambalyo ku aaddan ciidda aynu maanta u dabbaal degeyno ee ciidal Adxa.

Waa maalin mudan in aynu Alle uga mahadnaqno badhaadhaha iyo khayrka uu inoogu beriyey waagan san iyo in aynu ka barino inuu ina waafajiyo khayrka iyo samaanta ku jira maalintan iyo maalmaha soo socdaba iyo in uu dhammaanteen ina huwiyo dembi dhaaf iyo naxariis aan la soo koobi karin.

Malaayiin innaga mid ah ayaa maanta ku bariisanaya buurta barakaysan ee Minaa’ kadib markii ay maalintii shalay dhammaanteed ku qaateen Carafa oo ah tiirka ugu weyn ee xajka. Malaayiin kale oo ah muslimiin aanu waqtigu u saamixin inay sannadkan tagaan iyo kuwo hore u soo gutay waajibaadka xajka ayaa iyaguna maalintii shalay ku qaatay soon. Waxa aynu leenahay dhammaantood Alle ha ka aqbalo wanaagga hana ku abaal mariyo khayr iyo samaan tiro badan.

Aynu dhammaanteen u hannayno fadliga weyn iyo nimcada Alle siiyey oo ah in uu u suurtogeliyey inay gutaan tiirka shanaad ee diinteena iyo in uu cimri gaadhsiiyey maalintan weyn oo ay waqti noloshooda ka mid ah ku qaateen goobaha xurmada leh, innaga oo dhankeenana ka baryey

Wargeyska Geeska Afrika isaga oo muslimiinta dunida oo dhan la wadaagaya farxadda maalintan barakaysan, waxa uu akhristayaashiisa, muwaadiniinta reer Somaliland iyo guud ahaan bulshada islaamka ah u hibaynayaa hambalyo ku aaddan farxadda maalinta ciidal Adxa.

Wargeysku waxa uu Alle ka baryayaa in sidii aynu uga barannay uu inoogu wado nimcada oo ciido badan oo dambana uu innagu simo innaga oo ku nimcaysan amni iyo xasilooni, horumar iyo barwaaqo, cibaado san iyo muslimnimo dhab ah.

Waxa uu wargeysku Weynaha ka baryayaa in muslimiinta dunida oo dhan uu, kuwaado negi uu negaanshiyo iyo barwaaqo u sii siyaadiyo kuwooda colaadaha, abaaraha ama masiibooyinka kale lagu imtixaamayna uu badhaadhe iyo nabad, horumar iyo barwaaqo ugu beddelo.

Waxa aanu mar kale idiinka hambalyeynaynaa farxadda ciidda Al-adxa waxa aanuna Alle idinka rajaynaynaa inuu ka dhigo ciid farxadeed, oo marar badan soo noqoto innaga oo intan ka sii horumarsan, badqabna, faraxsan, oo muslimnimada ku dheggen.

Walaalaheena xajka ku aaddanna waxa aynu Alle uga baryaynaa inuu ku soo guryo celiyo nabad iyo badqab iyaga iyo muslimiinta kale ee waajibka xajka ay wada guteenna uu Alle ka aqbalo kana abaal mariyo.