Berlin (Geeska)- Xarunta xogta iyo dhowrista tayada ee dalka Jarmalka ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in geedka Qolofalka aynu u naqaanno oo cuntada kulayl iyo ur fiican u sameeyaa uu aad ugu fiican yahay guud ahaan caafimaadka qofka.
Xaruntu waxa ay caddaysay in xeeldheerayaal baadhitaan ku sameeyey qolafalku ay ogaadeen in saliid dabiici ah oo ku jirtaa ay si weyn ula tagaallanto bakteeriyada kana hortagto in jeermisku uu ku tarmo jidhka, isla markaana uu firfircooni ku abuuro shaqada midhicirada.
Laakiin dhinaca kalana xaruntu waxa ay ka digtay in ku talax tagga cunitaanka qolofalku ay keeni karto dhibaatooyin caafimaadk. Iyaga oo si gaar ah u xusay in maadadda Coumarin oo ku jirta qolafalku ay khatar caafimaad darro ku keento beerka.
Ugu dambayntiina waxa ay xaruntu ku talisay in isticmaalka qolafalku uu u fiican yahay caafimaadka, laakiin ay muhiim tahay si qiyaasan oo tusaale ahaan maalintii ka badnayn laba 2 giraam qofka loo isticmaalo. Labada Giraam ayaa u dhigma malqacadda Shaaha oo aan aad loo tuulin ee masaxan.
ont-size:10.5pt; font-family:"Arial Narrow","sans-serif"'>- Deeqsinimada waxa aan u aqaannaa, marka uu qof waxa uu rabo ku ku bixiyo wax kasta oo qaali agtiisa ku ah, ee haddana uu weli aaminsan yahay, in qiime aad u yari kaga baxay (Simone De Beauvoir)
– Ma jiro qof weli faqiir ku noqday wax uu bixiyey awgii. (Anne Frank)
– Umadda weynideeda iyo horumarka akhlaaqdeeda waxaa lagu qiyaasaa uun hadba sida ay ula macaamilaan xayawaanka ku dhex nool. (Mahatma Gandhi)
– Qofka noloshiisu waxa ay qiimo leedahay inta uu qiimo ku kordhinayo nolosha dadka kale. waa jacayl, saaxiibtinimo iyo naxariis. (Simone de Beauvoir)
– Qasab ma’aha in wax kasta oo aan afka ka idhi aan waafaqsanahay sida uu yahay. (Marshal McLuhan)
– In sida aad tahay iyo itaalkaaga u noolaato, nusqaaniba ha ku jirto ee, ayaa ka fiican in aad ku noolaato iska-yeel-yeelka nolosha qof kale, xitaa haddii ay dhamaystiran tahay. (Bhagavad Gita).