Xildhibaan Cabdiraxmaan-Dheere oo ka hadlay shirkii KULMIYE iyo mawqifkooda hadda

0
568

download

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo ka ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada,oo ahaa Musharaxa doonayey inuu u tartamo xilka Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye,balse ka mid ahaa garabkii is bahaysiga ee qaadacay Shirkii Shanaad ee Golaha dhexe ee Kulmiye, ayaa ka hadlay wararka sheegay inay isbahaysigu ku biirayaan Xisbiyada kale, waxaanu tilmaamay in aanay ka baxaynin Xisbiga Kulmiye, balse ay doonayaan inay ku soo celiyaan Dimuqraadiyadii iyo Sharicigii uu Xisbigooda KULMIYE  lahaa.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale waxa farriin u diray Madaxweyne Siilaanyo.

Ugu horayn xildhibaanka oo ka hadlaya go’aankooda wuxuu yidhi  "Haddii aanu diidnay in Xisbiga cid gaar ah loo afduubo, haddii aanu diidnay in Xisbiga cid gaar ah loo xidho, haddii aanu diiday in Sharciga iyo Shuruucda Dastuurka Xisbiga ee la baalmaray, macnaheedu maaha Xisbiga Kulmiye ayaanu ka baxayna,waanu ku jiraynaa, waxaana doonaynaa in Dimuqraadiyadii Xisbiga dib aanu u soo celino, in Sharciga iyo Xeerka Xisbiga la raaco, waxa aanu doonaynaa in cid gaar ah aan  loo xidhin Xisbiga,balse si xor iyo xalaal ah loogu dhex tartamo".

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo Madaxweyne Siilaanyo farriin  u diraya ayaa yidhi  "Madaxweyne madaama aad tanaasushay waxa aanu ka filaynay inaad dhex noqoto, waxa aanu kaa filaynay inaad Oday noo noqoto, waxa aanu kaa filaynay in aad ku baaqdo in si xor ah loo tartamo, waxa aanu ka filaynay in wixii khilaaf  iyo tabasho ah ee ku soo kordha Xisbiga xaliso, balse Madaxweyne kamaanu filayn in talaabada aad qaaday keento inay Wasiiro, Wasiir ku xigeeno iyo Agaasimayaal ka tirsan Xukuumaddaada ay iska casilaan, Madaxweyne kamaanu filayn in talaabada aad qaaday ay keento dhaawac halis ku ah Xisbiga oo dhibaatadiisi ilaa hadda taagan tahay, kamaanu filayn in talaabada aad qaado inaad cid gaar ah ku taageerto, kamaanu filayn in aad Xisbiga u kala hiiliso, haddana Madaxweyne waxa aan kugu baaqayaa inaad soo celiso Dimuqraadiyadii iyo Sharcigii Xisbiga, waxa aan kugula talinayaa in aanad Xisbiga kala godobsan ee aad isku wado, haddii kale Xisbiga Kulmiye oo ah Xisbigii taladda dalka hayey oo laga doonayey inuu hormood iyo hor socod  u noqdo Xisbiyada kale, waa dhibaato aad weyn."