“Qori Waxba Lagu Kala Qaadi Maayo Oo Waxba Ma Gooyo”

0
716

Wasiirka Ganacsiga Oo La Hadlay Reer Awdal

Boorama(Geeska)-Wasiirka ganacsiga iyo dalxiiska Md.Maxamuud Xasan Sacad ( Saajin), ayaa reer Boorame ku dhaliilay inay qoriga wax ku doontaan waxaanu sheegay in aan barwaaqo,ganacsi, waxbarasho iyo salaad toona aanay jirayn haddii amnigu faraha ka baxo.

Waxa uu wasiirka si cadho leh dadka Boorama ugu sheegay inay kala doortaan nolol iyo nolol la’aan, waxaanu ka hadlaayay arimaha amaan daro ee ka soo kordhaaya gobalka Awdal oo uu kaga qaybgalay xaflad, waxaanu isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi“ Gobalka waxa ku soo kordhay waxyaabo lama filaan ah meel aanay nabadgalyo jirin barwaaqo ma timaado, dhalinyarada Awdal waxay ka sheekeeyaan nabadgalyo, nabadgalyo hadaanay jirin salaada la tukan maayo, al-amnu wal iimaan ayaa la yidhi, iimaan iyo amni lama odhan,hadaanay jirin ma jirayso, baraha bulshadu ay ku xidhiidhaa faa’ido iyo khasaare labadaba waa uu leeyahay laakiin sidaan ugu dhaqano khasaarahiisa ayaa faro badan, Gobalka Awdal waxyaabo badan ayaa jira tabashona wa ay jiraysaa, tabashadana waxa fiican in loo doono si qurux badan oo afka lagu doono, ma qurux badna in qori lagu doono, buuraha ayaa qoryo la’la korayaa yaa idiin imanaaya,maalmo dhawayd waxa joogay Maansoor qolyo Kings College u socota waa kuwii wax idin baraayay ee caruurta wax baraayay markay maqleen arintii ayay yidhaahdeen ma tagi karno cida kalena iman mayso,kuwo kale oo ka danbeeyaana iman maayaan, Boorame waxaan filaynaa inay noqoto caasimadii Geeska  haddii dariiqaasi Jabuuti ku xidhmo,halkaasna uu Jigjiga kaga xidhmo, halkaasna uu Hargeysa kaga xidhmo maxay noqon lahayd, laakiin inagu hadii aynu qoryo qaadanayno oo buuraha korayno maxay noqon doontaa, runta aan isku sheegno waxa la tabnaayo si sharaf leh aan u doonano, halkan ayuu alle inagu abuuray kuligeen ma noolaan karno reer Awdal ayaan sheegayaa  waa inaan dadka la dhaqanaa, waa inaan nabad ku noolaanaa, waxa idinka maqana waa in si sharaf leh loo raadiyaa, qori waxba lagu kala qaadi maayo oo waxba ma gooyo,waxaasaa hada socda waan xoraynaynaa ayaa ay leeyihiin waxay xoraynayaana garan maayo cid u wakiilatayna garan maayo, waxaan idinkula talin lahaa ganacsi socon maayo barwaaqana jiri mayso hadii sidan aynu wax ka badali wayno.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here