“Muuse Iyo Maxamed Kaahin Lama Coloobi Karo, Waanu Tartamaynaa, Laakiin Labaduba Fadhiga Iguma Salaamaan Waana Ixtiraam Naga Dhexeeya”

0
790

London(Geeska)-Guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisiga mucaaradka ah ee Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji ismaacil Jirde, ayaa taageerayaasha xisbiyada ugu baaqay in aanay coloobin, waxaanu ugu baaqay xukuumada in la dhagaysto cabashada ka taagan Galbeedka iyo bariga dalka.

Cabdiqaadir Jirde ayaa sheegay in aanu la coloobi Karin madaxweyne Biixi iyo wasiirka arimaha gudaha Maxamed kaahin ee kaliyaata ay kala siyaasad duwan yihiin, waxaanu sidan ka sheegay shir balaadhan oo in badan oo ka mid ah asxaabta siyaasada ka qayb galeen oo uu Faysal Cali Waraabena ku jiro oo lagu qabtay dalka Ingiriiska.

Waxaanu isaga oo halkaas khudbad ka jeedinaayay uu hadalkiisa ku bilaabay“ Talo ayaanu ku nimi oo madaxda xisbiga ee UK tilifoonka ayaanu isku waraysanay hogaankiina waanu wada hadalnay markaas talo xisbi ayaanu ku nimi ee maaha si gaar ahaaneed,aad ayaanan uga mahadnaqayaa safiirka  iyo Xaaji Faysal oo hindisahaas qoladii Hargeysa la sii wadaagay , siyaasad ayaanu isku haynaa asxaabtu laakiinse colaadi ma jirto maba coloobi karno Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin midnaba lama coloobi karo colaad qof iyo colaad reer toona, xaasha, waxaanu isku khilaafsanay siyaasada waanu tartamaynaa waanu naqdiyaynaa  laakiin yaan loo qaadan in la coloobaayo, labaduba markaan la kulmo midna fadhiga iguma salaamo sarajoog ayay igu salaamaan  waana ixtiraam naga dhaxeeya  aniguna sidaas si leeg, markaas la kala tagi maayo.”

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo hadalkiisa sii wata lana hadlaya taageerayaasha xisbiyada waxa uu yidhi“ Idinku ha naga dheeraynina anaga  na daba socda, waxaan arkaa mararka qaadkood aniga iyo Muuse oo wada qoslayna  oo ay qaar soo qoreen waar tolow ma baastadii ayuu wax ugu daray, baasto wax layskuguma daree danta naga dhaxaysa ayaa ka weyn  wax walba isaguna waa uu og yahay aniguna waan ogahay, waanu tartamaynaa laysuna hanbayn maayo baarlamaanka waad aragteen waad aragteen marka asxaabtu wada hadlayso meel baa laysla gaadhayaa kulul, hadana anaga oo gacmaha is haysana ayaanu ka soo baxaynaa, idinkana taas ayaa laysinka filayaa  nin walowba xisbiga aad ku jirto taageer asxaabtu waa ay idiin baahan tahay tallow ayay idiinka baahan tahay hanti ayay idiinka baahan tahay taageera laakiinse ha ku coloobina.”

Ugu danbayntii guddoomiyaha kumeelgaadhka ah ee xisbiga Waddani waxa uu sheegay in loo baahan yahay in lays dhagaysto“Waxa jira arimo galbeedka ka taagan  iyo arimaha bariga ka taagan yaan la dhayalsan, yaan la odhan maxay samayn karaan, qofka cadaalad darada tirsanaaya ama waa wax dhab ah ama waa aaminaad uu aaminay inay wax  ka maqan yihiin  mar walba qancin ayuu u baahan yahay oo haduu qaldan yahayna la qabto hadii uu saxan yahayna lagu raaco,lama diido haddii aad diido afar qof, shan qof  oo qoryo qaatay way kugu fidaysaa  inagaba afar ayaa baxay oo la dhan jiray afarta injirta leh dawlad miyay ridi karaan waa in la xaliyaa oo loo dhago nuglaadaa,xukuumada oo kaliyaata maaha dhamaanteen ayay ina saarantahay lama dhayalsado in uu dadku kala aamuso inuu dadku kala ooto inuu dadku kala shakiyo inay gobaladu kala shakiyaan  waa in laga fogaadaa,asxaabtana door ayaanu ku leenahay  xukuumaduna door ayay ku leedahay, waxanu idinkula dardaarmaynaa oo aan xukuumadana afka uga sheegayaa ha lays dhagaysto.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here