“Madaxweyne Tabashooyinka Jira Ee La Tirsanayo Wax Ka Qabo’

0
670

Xildhibaan Barkhad Obsiiye

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye, oo ka mid ah Xidlhibaanada Golaha Wakiilada, kana soo jeeda Gobolka Awdal, ayaa ka hadlay xaalada dalka, waxaanu baaq u diray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Dalkii maanta meel xun buu marayaa, waxaad mooda inay xaaladii nabadgalyo faraha ka sii baxayso, gaar ahaan Goboladii darafyada, waxaynu ognahay in Barriga jabhad ka dilaacday, halka Galbeedkana jabhadi ka dilaacday, markaas in nabadgalyada dalka xooga la saaro waa mid daruuriya,  Madaxweyne haddii tabashooyinka jira ee la tirsanayo aad wax ka qabato, Suldaan iyo Askari jabhadeenaya ma jirayaan,  Madaxweyne in badan bay Beelaha darafyada Somaliland tabashooyin qabeen, waxay ahayd in mar horeba tabashooyinkaas aad wax ka qabato, waxay ahayd inaad daacad ka noqoto saami-qaybsiga, oo waliba aad adigu u badheedho in Doorashada saami-qaybsi lagu galo, si Beelaha darafyadu waxay tirsanayaan ay u helaan, sidaas darteed Madaxweyne waxaa muuqata inay Somaliland darafyada ka soo yaraanayso, ee wax badan ka bedel nidaamkaaga siyaasadeed, oo kalsoonidii shacabka soo celi”

Dhinaca kale Xildhibaankan ayaa ALLE uga baryey inuu u naariisto janadiina ka waraabiyo Taliyihii Ciidanka Booliska Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Imaan, oo shalay lagu aasay magaalada Hargeysa Samir iyo imaana uu ka siiyo dhammaan Shacabka Somaliland ee uu ka baxay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here