Qolofta Beedku Waxa Ay Leedahay Faa’iidooyin Badan Oo Dhinaca Beeraha Ah

33
2962

Hargeysa (Geeska)- Beedka oo ka mid ah cuntooyinka loogu isticmaalka badan yahay dunida oo dhan, ayaa ay khubarada caafimaadka cuntada iyo nafaqayntu ay aaminsan yihiin in uu ka mid yahay cuntooyinka ugu faa’iidada badan jidhka aadamah. Sidaa awgeed waxa uu ka mid yahay cuntooyin tiro badan oo ka mid ah kuwa dunida laga isticmaalo, waxa aana loo diyaariyaa habab aad u tiro badan oo qaarkood dalalka iyo bulshooyinka qaar u gaar yihiin, qaarkoodna ay bulshooyin kala duwani ka siman yihiin.

Laakiin caadi ahaan beedka qaybtiisa qolafka ku hoos jirta ee isugu jirta xabka iyo qaybta huruudda ah ee fadhida ayaa ah waxa laga faa’iidaysto, cunto ahaan iyo mararka qaarkood siyaabo kale oo jidhka loogu isticmaalo. Si kastaba ha ahaato ee waxaa isa soo taraya daraasadaha cilmiga ah ee daahfuraya in qolafta beedka ee hore loo tuuri jiray imika siyaabo kala duwan looga faa’iidaysan karo.

Waxa aynu qormadan ku eegaynaa qaar ka mid ah hababka xiisaha leh ee qolafka beedka looga faa’iidaysan karo iyada oo aan warshad iyo habraacyo kale oo cilmiya la marin waxaa ka mid ah:

  1. Biyaha dheeraadka ah in laga saaro ciidda:

Beeraleydu waxa ay qolafta beedka u adeegsan karaan Garri (Quruurux) iyo galal biyood oo samays ah si ay biyaha oogada sare ee dhulka uga kaxeeyaan. Laakiin waxaa imika cilmigu ina barayaa in qolafta beedka loo adeegsan karo shaqadaas, oo weliba aanay ka waxtar yarayn hababkaas hore oo dhan, balse kaba fiican tahay, gaar ahaan marka la eego miisaankeeda khafiifka ah oo u wanaagsan marka loo isticmaalayo dhirta guryaha lagu dhex beero, gaar ahaan ubaxa ku jira koobabka ee aan culayska ciidda iyo garrida qaadi karin.

  1. Digo dabiici ah

Inta badan beeraleyda dunida saddexaad iyo sida oo beeraleyda tuulayaasha iyo dhulka miyiga ah ee dinida kale waxa ay isticmaalaan digo xoolaad ama xitaa dad mararka qaarkood oo ay ku shubaan beerahooda si ay ciddu uga hesho maaddooyin dabiici ah oo bacarimisa. Haddaba waxa ay khubaradu imika ku soo dareen qolafta beedka oo ay sheegeen in ay leedahay faa’iido kasta oo ay digadu dhulbeereedka u leedahay.

  1. Xakamaynta asiidhka ciidda

Ciiddu waxa ay leedahay asiidho, haddii isu dheellitirnaantoodu ay lunto ka hortagta in nabaadku dhulka ka soo baxo. Waxa ay khubaradu sheegayaan in qolafta beedka oo lagu shubo lagu burburiyo ciidda beertu ay sababto in ciiddu ay hesho maaddooyinka ku habboon koritaanka iyo soo bixidda dhirta, isla markaana xakamayn kara isu dheellitirnaanta asiidhadaas. Waxa ay khuabradu sheegeen in qolafta beedka oo beerta lagu shubaa ay beerta siinayso maaddooyinkaas muhiimka ah.

  1. Beedku waxa ay fogaysaa xayawaannada beerta ku dhasha qaarkood

Dhirta qaarkeed waxaa dhibaato soo gaadhsiiya xayawaannada afka qalaad lagu yidhaahdo molluscs oo ah noocyo kala duwan, sida xaaxeeyada. Haddaba waxa ay khubaradu ogaadeen in xayawaannadan dhirta dhibaateeya lagula dagaalami karo qolafta beedka, oo haddii geedka hareerihiisa la dhigo ku filan in ay erido dhammaan xayawaannadan iyo xitaa bisadaha oo la ogaaday in ay iskaga fogaadaan beerta ay gudaheeda ku arkaan qolafta badan ee beedka. Maadaama oo bisadaha laftooduna dhibaato ku keeni karaan geedka oo ay jiriddiisa xoqaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here