Qisada Jiritaanka Qarqoosh, Sababta Uu Ku Yimi Hal-Ku- Dhegga ‘Xukun Qarqoosh Iyo Xukunkiisa Yaabka Lahaa (3)

32
3946

Hargeysa (Geeska)- Xukunnadiisii yaabka lahaa: Qaybtanna waxa aynu ku eegi doonnaa dowr ka mid ah xukunnadii yaabka lahaa ee taariikhdu inoo soo werjisay in uu gaadhay Qaraqoosh, iyada oo aan illaa hadda fasiraad buuxda laga haynin sababta ku kallifaysay in uu xukunno sidan loogu murmo gaadho.

Ninkii ganacsadaha deynta ku lahaa

  1. Nin ka mid ah muwaadiniintii uu xukumayey, ayaa maalin maalmaha ka mid ah uga soo dacwooday ganacsade uu ku eedaynayey in uu maal ka cunay. Qaraqoosh waxa uu u yeedhay ganacsadihii eedaysnaa waxa aanu weydiiyey sababta uu ninkan xoolaha uga cunay. Ganacsadihii ayaa ku jawaabay, “Amiiroow, wax kale oo aan sameeyo ayaan garan waayey. Mar kasta oo ay i soo gasho lacag, oo aan doono in aan ninkan xoolihiisa u celiyo, waa aan waayayey. Marka aan muddo raadiyo ee meel uu galay aan waayo, ayaa ay lacagtuna dib igu baxaysay”

Qaraqoosh ayaa cabbaar u fikiray xukunkii, labada nin, kaddib waxa uu gaadhay go’aankiisii oo noqday, “Waa in la xidhaa ninkan mudduciga ah ee deynta sheeganaya. Xabsigaas ayaa uu ku jirayaa si ninka ganacsadaha ahi marka dambe ee uu lacagta helo, aanu u waayin meel uu ugu hagaago” Ninkii deynta sheeganayey markii uu maqlay xukunkii Qaraqoosh inta uu cararay ayaa uu ku qayliyey, “Waa aan uga hadhay, deynta, Ilaahay ayaa aan ku hadhay”

  1. Qaraqoosh iyo shimbirkiisii Baaska ahaa

Qaraqoosh ayaa loo sheegay in shimbir uu lahaa oo nooca dadka canjila ee Baaska ahaa uu baxsaday. Amiirku aad ayaa uu u jeclaa shimbirkan ay gacanyarayaashiisu u sheegeen in uu qafaskii lagu xidhay ka baxsaday. Qaraqoosh inta uu xanaaqay ayaa uu amar adag ku bixiyey in la xidho dhammaan albaabada laga soo galo magaalada Qaahira, si aanu uga bixin shimbirku.

  1. Ninkii Beeraleyda ahaa iyo askarigii

Nin beeraley ah ayaa u soo cawday Amiir Qaraqoosh. Waxa uu ka dacwoonayey mid ka mid ah askartii Amiirka. ‘Ninka beeraleyda ah iyo xaaaskiisa oo toddoba bilood ah leh  oo dooni la wada socday ayaa uu askarigani gabadhii ku dhuftay nabar sababay in uu ilmuhu ka soo dhac.’ Qaraqoosh markii uu dhegeystay dacwaddii ninkan beeraleyda ah, ee ay caddaatay in eedda uu askariga ka sheeganayaa ay run tahay, ayaa uu Qaraqoosh cabbaar u fikiray xukunkii oo uu sidan ugu dhawaaqay, ‘Askariga waxa aan ku xukumay in uu gabadhan kaxeeyo oo uu guri geeyo, muddo toddoba bilood ahna gurigaas daryeel fiican ku siiyo’. Markii xukunkaas maqlay aad ayaa uu u farxay. Maadaama oo uu danyar ahaa, waxa uu aad ugu farxay in gabadhiisu ay muddo hesho daryeel iyo nafaqayn fiican, laakiin farxaddaasi waxa ay dhammaatay markii xukunka qaybtiisa dambe uu dhegeystay, “Waa in toddobadaa bilood kaddib aad soo celisaa gabadhan oo leh uur toddoba bilood ah, oo magdhow u ah uurjiifkii toddobada bilood ahaa uu gabadha ka soo riday’. Ninkii beeraleyda ahaa oo aad uga naxay xukunka dambe ee akhlaaqda baalmarsan ayaa inta uu sarakacay, oo afadiisii uu gacanta qabsaday waxa uu ku dhawaaqay in uu ninkaas askariga ah cafiyey.

Qaraqoosh oo xukunnada sidaas u foosha xun gaadhay, haddana illaa hadda taariikhyahannada tirada badan ee daraaseeyey xukunnadiisu waxa ay isku khilaafaan, in uu ahaa kelitaliye, caadil qaabka uu xukunnadiisa u dhigayaa ahaayeen kuwo aanay dadku la qabsan oo xikmad fog ku dhisan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here