London (Geeska)- Cilmi baadhis dhowaan soo baxday ayaa daah-furtay natiijo, ay dad badani u arkeen in ay warwar ku furi karto dadka shaqeeya ee dunida oo marka horeba la aaminsan yahay in ay la degeen diiqad, warwar, culays iyo xanuuno nafsi ah iyo cabsi shaqo oo joogto ah, taas oo ah in qofka oo xilka uu shaqada ka hayaa sii bataa ay leedahay dhibaatooyin dhinaca caafimaadka ah..
Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Warwick ee ku taalla dalka Ingiriiska ayaa sheegay in cilmibaadhistan ay ku ogaadeen in dallacaadda shaqadu ay boqolkiiba 10 kor u qaaddo dhiig-karka, qofka shaqaalaha ahna ka dhigto qof mashquulku ku badan yahay isla markaana aan fursad u helin nasasho iyo in uu caafimaadkiisa daryeelo. Xeel-dheerayaasha cilmi baadhistan sameeyey waxa kale oo ay sheegeen in dadka shaqo wanaag ay la yimaaddeen awgeed loo dallacsiiyey, ay dhacdo in boqolkiiba 20 ka mid ah uu shaqo wanaagoodu mar kale hoos u dhaco, isla markaana dhiiggoodu boqolkiiba 10 uu kaco. Mid ka mid ah khubarada daraasadda samaysay oo arrintan ka hadlaya ayaa yidhi, "Shaqada oo lagu dallacsiiyaa ma'aha wax fiican sida dadka qaar u haystaan, waxaana daraasaddan ku caddaatay in caafimaadka nafsiga ah ee maamulayaasha iyo masuuliyiintu sii xumaado mar kasta oo la dallacsiiyo shaqadooda.
Culim badan oo looga dambeeyo cilmiga bulshada ayaa aaminsan in ruuxa oo shaqadii uu hayey la dallacsiiyaa ay markaba ku soo jeediso indhaha shaqaalaha oo laga yaabo in kuwii ay isku heerka ahaayeen ay markaba u arkaan in isaga loo eexday, sidaa awgeed ay ku bilaabaan la shaqayn la’aan iyo ficil qarsoodi ah oo ay mar kasta ol’ole u gelayaan in ay masuulkan dallacay xilka ka tuuraan. Haddaba dagaalladaas joogtada ah iyo culayska shaqo ee ku soo kordhay iyo dabcan la xisaabtanka oo intii hore ka badanayaa waxa ay qofka ku abuuraan culays nafsi ah, dabeecad xumo iyo diiqad nafsiya, sidoo kale waxa gala colaad iyo in uu mar kasta cid iska dhici ku fikiro.