Qofka Oo Aanu Macaan Hayn Haddii Macaankiisu Kor U Kaco Waa Calaamad Muujinaysa In Uu Kelyo Xanuun Jiro

0
848

1Oslo (Geeska)- Cilmibaadhis lagu sameeyey dalka Norway ayaa daahfurtay in dadka ka cabanaya macaankooda oo inta dabiiciga ah ka sarreeya balse haddana aan gaadhin xadka loo aqoonsan yahay in uu cudurka Macaanku hayo ay u dhow dahay in ay qabaan dhibaato caafimaad oo dhinaca keliyaha ah.

Cilmibaadhistu waxa ay heshay in dadka heerka sonkortoodo ka sarrayso inta dabiiciga ah, balse aan heerka cudurka Macaanka gaadhin ay aad ugu dhowdahay in ay qabaan laba xanuun oo kelyaha la xidhiidha midkood. Waa in ay badan tahay heerka Barootiinta Albumin ee kaadida soo raacaysa, ama in uu khalkhal ka jiro shaqada kelyaha ee ah nadiifinta dhiigga.

Tirokoobyadii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in Sagaalkii qof ee kasta ee dunida ku nool uu mid ka mid ah qabo cudurka macaanka oo inta badan la xidhiidha miisaanka iyo gabowga, yimaaddana marka uu jidhka qofku awoodi waayo in uu soo daayo Hormoonka in ku filan oo ah hormoonka Insulin ama uu hormoonkaas u adeegsan kari waayo in uu sonkorta u beddelo tamar.

In kasta oo ay dhakhaatiirtu isku waafaqsan yihiin in Macaanku uu xidhiidh la leeyahay ama keeno Kelyo xanuun waxa ay ku kala aragti duwan yihiin heerka macaanku marka uu gaadho uu khatar ku noqon karo dadka aan qabin cudurka macaanka, waxa kale oo ay isku khialafsan yihiin sida lagu ogaan karo loona daweyn karo dadka qaba macaanka dhiigga oo ka sarreeya inta dabiiciga ah balse aan cudurka Macaanka noqon, iyo in kaas loo arki karo uun in uu horudhac u yahay cudurkaas oo qofka ku soo waajahan.