Qodobbo Ka Mid Ah Buugga: Doqonniimada Siyaasiga Ah – Sidee Uu Doqonku Madaxnimada Ku Gaadhaa (3)

0
805

Waa qayb kale oo ah guudmarka nuxurka Buugga ‘Al-Qabaa’ A-siyaasi: Kayfa Yasilu Al-Qabiyu Ilaa Kursiyi Alxukmi’ ee uu qoray qoraa / saxafi Maxamed Tawfiiq oo u dhashay dalka Masar, kagana warramayo madaxda doqmaha ah ama is doqomeeya iyo sida ay xukunka ku yimaaddaan, uguna negaadaan.

SAMAYNTA DOQONKA

Qoraagu waxa uu aaminsanyahay hoggaamiye kasta oo doqon ahi in uu dhabarka ku hayo oo ay dhiirrigelinayaan saddex qaybood oo bulshada ka mid ahi:

  1. Nin dhar diineed xidhan (Wadaad)
  2. Warbaahin wax majara habaabinaysa.
  3. Waxbarasho fasahaaday.
  4. Gacanyareyaal wanaag bi’iyeyaal ah.
  5. Shacab maqaneyaal ah.

Arrintaas oo uu faahfaahinayo ayaa uu ku sheegayaa in, waxbarashada oo ay tahay in ay noqoto qadyad wadaniyadeed, in hoggaamiyaha doqonka ahi u beddelo dadkana u tuso in ay tahay arrin amniga qaranka ku xidhan. Sidaas awgeed hay’adaha amniga ayaa saamayn ku yeesha waxbarahadii iyo hannaankii ama nidaamkii waxbarasho. Mararka qaarkoodna iyaga ayaaba soo magacaaba guddoonada waxbarashada ee goballada, isla markaana ka daba shaqeeya macallimiinta iyo waxa ay dhigayaan. Waxa kale oo lagu yaqaannaa dugsiyada oo ay ugu magac daraan dad ama arrimo amniga la xidhiidha.

Habkani waxa uu ugu dambaynta keenaa in waxbarashadu ay u adeegto nidaamka dawladda. Waana sababta keenta in manhajka waxbarashadu u unoqdo mid ka madhan hal-abuurkii laga fili lahaa ardayga. Soona saaro arday iyo nidaam u adeega aragtida dawladda. Waxa uu qoraagu aaminsan yahay in arrintani ay gacan ka geysatay in uu hoos u dhaco halbeegga fariidnimo ama garaad badnida bulshadu celcelis ahaan noqon lahaa, isla markaana fududeeyo in khuraafaadku uu bulshada ku dhex faafo.

Waxa kale oo uu qoraagu is dultaagayaa warbaahinta iyo kaalinta ay ku leedahay dhiirrigelinta hoggaamiyaha doqonka ah. Waxa uu sheegayaa in wararka iyo barnaamijyada ama warbixinaha ka baxaya warbaahintu ay yihiin kuwo majara habaabinaya bulshada wacyigeeda. Isla markaana abuuraya aragti u adeegaysa nidaamka ama dadka u jihaynaya hab ku qasbaya in ay aqbalaan nidaamak maamul iyo aragtiyihiisa.

Waxa kale oo dhibtan sii badinaya, dadka gacanyareyaasha u ah ama ka agdhow hoggaamiyaha doqonka ah, oo ka shaqeeya sidii munaafaqiinta oo keliyi ay fursad ugu heli lahaayeen in ay noqdaan dadka ku xeeran hoggaamiyaha, dadkaas ayaanay u sii maraan sidii ay hoggaamiyaha laftigiisa u majara habaabin lahaayeen uguna qancin lahaayeen waxa ay rabaan.

Munaafaqiinta ugu badan ee gacanyareyaasha hoggaamiyaha doqonka ahi ku soo ururiyaan hoggaammiyaha hareerihiisa, kana dhigaan gacanyareyaashiisu waxa ay isugu jiraan kuwo dadka caadiga ah ay ka soo dhex xushaan, karraaniyiin iyo gacayareyaasha ay ka keenaan xafiisyada maamulka, Wadaado, suugaanyahan, fannaaniin iyo aqoonyahan.