Qodobbo Ka Mid Ah Buugga ’13 Arrimood Oo Aanu Cilmiga Saynisku Weli Fahmin’ (Q.1aad)

0
560

BUUGGA13 Things that don’t make Sense’ oo uu qoray qoraaga ingiriiska u dhashay ee Michael Brooks, waxa uu ka warramayaa doodda iyo qeexda arrimo nolosha aadamaha ka mid ah oo aanu illaa hadda Saynisku jawaab u helin. Inkasta oo uu Saynisku qarniyo badan daraasayn iyo daahfur ku waday dhinacyada kala duwan ee nolosha aadamaha, haddana waxa uu qoraagu fashilinayaa in inta illaa hadda la ogaaday aanay ka badnayn boqolkiiba 4 keliya oo ka mid ah arrimaha nolosha. Waxa aanu taxayaa qodobbo 13 ah oo qarniyadaas ay Saynisyahannadu dadaalka wadeen, aanay haddana weli fahmin.

Buuggan oo la daabacay sannadkii 2008, waxaa lagu tiriya in uu ka mid yahay buugaagta cilmiga falsafadda iyo ‘maangalka’ (Logic) loogu akhriska badnaa tobankii sano ee u dambeeyey. Haddii aynu macnihiisa guud si kale u dhignana, waxa uu ina fahamsiinayaa sida aqoontu dhammaanteed ugu jirto gacanta Alle (SWT), inta uu aadamaha u daahfurayna aadka ugu kooban tahay.

Buuggan oo ay afka carabiga u rogeen Axmed Cabdallah A-Samaax iyo Taxfullaah Sheekh, iyaga oo cinwaan uga dhigay ’13 arrimood oo nolosha aadamaha ka mid ah, oo aan weli la fahmin’, ayaa waxaa soo-koobid ku samaysay shabakadda ‘Al-maktabatul caama’. Kaas oo aynu innaguna dhowrkan qodob ka soo qaadannay.

Qoraagu inta aanu soo bandhigin 13 ka arrimood ee uu sheegayo in saynisku aanu illaa hadda jawaab sax ah u haynin, waxa uu hoosta ka xariiqaya in aqoonta aadamuhu u leeyahay noloshu ay boqolkiiba 4 keliya ka tahay koonka. Qodobbada uu sheegay in aanay sayniska iyo saynisyahannadu illaa hadda furfuri garanayna waxaa ka mid ah;

  1. Xurriyadda Doonista

Xurriyadda uu qofku u leeyahay doonista oo afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo ‘Free Will’ waa awoodda uu qof u leeyahay in uu kala doorto falal kala duwan oo iyada oo aan lagu qasbin uu waxa uu rabo samayn karo. Waana arrinta ay inta badan ka dhashaan abaal marinnuhu, oo tusaale ahaan, ammaanta, ciqaabta iyo xukunnada la mid ah waxa uun lagu fuliyaa qofku marka uu falka uu sameeyey ahaa mid uu xoriyaddiisa ku sameeyey ee aanay jirin cid ku qasbaysay. Sida oo kale waa sababta qofka aynu u siinno talada, isugu dayno in aynu arrin ka joogsigiisa ama samayntiisa ku qancinno ama arrin loo mamnuuco, arin kalana loo fasaxo. taas oo aan macno yeelanayn haddii aanu qofku iskii isaga oo xor ah waxa uu falayo u dooran Karin. Qofku waxa uu isaga oo xor ah oo maankiisa iyo miyirkiisaba qaba uu dooran karo ayuun baa uu ku mutaysan karaa ammaan iyo ciqaab hadba midka ay mudantahay.

Aadamuhu waxa uu weligiiba aaminsanaa in uu xaq u leeyahay helitaanka xurriyad uu ku dooran karo ama ku fali karo waxa uu rabo. Arrintaas oo ay cilmiga iyo taariikhduna wax badan sii adkeeyeen. Laakiin qoraagu waxa uu sheegayaa in ay been tahay ‘Xuriyadda doonista’ ee uu aadamuhu afka ka sheegtaa.

Qoraagu si uu u muujiyo in aanay jirin wax la yidhaahdo, ‘Xurriyadda doonistu’ waxa uu marag u soo qaadanayaa aragtiyaha culimada cilmiga Dareenwadayaasha aadamaha, oo sheegaysa in ‘Doonista Xorta ah’ ee qofku ay tahay ‘Is moodsiis’ iyo wax aan jirin. Waxa aynu ognahay in aadamuhu marar badan u dagaalamo wax uu ugu yeedho xorriyaddii doonistiisa oo laga qaaday, laakiin qoraaga buuggani waxa uu sheegayaa in dagaallankaas lagu sheegay xorriyad raadinta qudhiisu uu yahay is moodsiis iyo wax aanu qofku xorriyaddiisa ku dooran Karin. La soco…