Qaswadihii Shalay, Shahiidka Maanta: Siday Dawladuhu U Dambabasaan Gefafka Ay Ka Galaan uwaadiniinta

0
683

Dawladda Shiinaha ayaa dhakhtar Li Wenliang oo ahaa qofkii ugu horreeyey adduunka oo dhan ugu hor ogaaday dillaacisa xanuunka ‘Coronavirus’ laakiin markii dambe isagu u dhintay, waxa ay ku maamuustay darajada ‘Shahiid’.

Li Wenliang ayaa xilli aanay adduunyadu ka warqabin xanuunkan isagu helay, kaddibna waxa uu baraha bulshada ku faafiyey digniin uu ku sheegayo in uu soo baxay fayras khatar badan oo loo baahan yahay in laga feejignaado. Arrintani waxa ay ka cadhaysiisay bilayska magaalada Wuhan ee dalka Shiinaaha oo markiiba qaaday ol’ole xadhi iyo cagajulayn ah oo ay ku aamusiinayaan.

Sida uu ku warramayo talefishanka CCTV oo ay leedahay dawladda Shiinuhu, Li Wenliang waxa uu ka mid ahaa 12 mihnadleyaal caafimaad ah oo 2-dii bishan Abriil ay dawladda Shiinuhu ku abaalmarisay billad sharaf sare oo uu bixiyo xisbiga Shuuciga ah ee dalkaas ka taliyaa. Wargeyska Global Times oo isagana ay dawladda Shiinuhu leedahayna waxa uu sheegay in ‘Billadda Shahiid’ ay tahay tan ugu sarraysa ee uu xisbiga Shuuciga ah ee Shiinuhu ku maamuuso muwaadinka la dilo isaga oo dalkiisa u adeegaya.

Li oo ahaa dhakhtar cudurrada indhaha bartay waxa uu ka hawlgalayey cisbitaalka dhexe ee magaalada Wuhan, bishii Diisambar 2019 kii ayaanu saaxiibbadii adeegga bulshadu ku xidhiidho ee “WeChat” waxa uu ugu diray warbixin uu isagu diyaariyey oo si argagax leh u qeexaysa xanuun cusub oo u eeg xanuunkii SARS’.

Markiiba bilayska oo warbixintan helay ayaa xabsiga u taxaabay Li, lamana sii deyn illaa uu qasab ku saxeexay warqad uu ku caddaynayo in uu ‘dacaayado been ah faafinayey’ faallo been abuur ahna sameeyey. Muddo kaddib ayaa Fayraskii uu ka digayey oo ‘Corona’ ahaa ku dhacay Dr. Li qudhiisa, waxa aanu isla dhakhtarka uu ka shaqaynayey ugu dhintay 7-dii Bishii Feebarweri 2020 ka. laakiin maalmo yar ka hor dhimashadiisii ayaa uu badheedhay oo waxa uu wargeyska ‘The New York Times’ u sheegay haddii dawladda Shiinuhu ay goor hore sheegi lahayd xogta xanuunkan, in xaalku sidan haddda aad uga fiicnaan lahaa.

Dhimashada Li iyo warkiisa soo baxay waxa uu abuuray cadho badan oo ay dadka Shiinuhu dawladdooda kaga dalbanayaan in xorriyadda hadalka ay dhowrto, iskana deyso dabagalka iyo baadhista hadallada dadku ku faafinayaan baraha bulshada. Waxa aanay ugu baaqeen in ay dawladdu raalligelin ka bixiso arrinka dhakhtarkaas. Taas oo keentay culays ugu dambayn dawladda Shiinaha ku kallifay in 19 kii Maarso ay shaaciso in ciqaabtii Dr. Li ay sharci darro ahayd. Bilayskuna ay tahay in uu masuuliyadda gefkaas qaato, isaga oo dembigaas hore ugu diiwaangashanna tirtiraya.

Maalintii Sabtida ee 4-ta Abriilna waxaa dalka Shiinaha oo dhan laga sameeyey 3 daqiiqo oo aamus ah oo lagu xusayo dadkii dhintay iyaga oo badbaadinaya dadka uu fayraska ‘CORONAVIRUS’ ku dhacay.