Waa qaybtii labaad ee guud marka nuxurka BUUGGA ‘13 Things that don’t make Sense’ oo uu qoray qoraaga ingiriiska u dhashay ee Michael Brooks. Gaar ahaan qaybtii uu kaga doodayey jiritaanka ‘Doonista xorta ah”
Haddii aynu inyar dul istaagno dooddan qoraaga ee la xidhiidha jiritaanka ama jiritaan la’aanta xoriyadda doonista. Waxaa xusid mudan in ‘Xoriyadda doonistu’ ay tahay sababta dareenka bani’aadamnimo iyo go’aamada uu qofku gaadho aynu ugu tirinno in ay yihiin awoodda ugu sarraysa ee akhlaaqeed iyo siyaasadeed ee adduunka.
Laakiin qoraaga iyo mufakiriin kalaba waxa ay su’aal gelinayaan in ay jirtaba ‘Xorriyad dooniseed’ oo uu qifku leeyahay. Waxa aanay sheegayaan in ay tahay sheekabaraley aan ku fadhiyin aasaas cilmiya. Waxa aanay dooddooda ku salaynayaan xogta uu illaa hadda saynisku ka ogyahay aadamaha oo iftiiminaysa in qofku uu doonis leeyahay, go’aamo uu doonistaas ku dhisayna gaadhi karo. Laakiin aanay doonistaasi xor ahayn, maadaama oo go’aamada iyo doonista qofka ay qaabeeyaan ama ay ku dhismaan, duruufaha bayooloji iyo xaaladaha bulsho ee ku xeeran oo dabcan isaga doonistiisana ka baxsan, ama afkaar iyo caqiido uu aaminsanyahay oo maskaxdiisa ku jirta.
Tusaale ahaan haddii aad ra’yiga aad qabto dib u raacdo asalkiisa halka uu ku arooro, waxa aad adiguba garan kartaa in aad xakamayn yar ku leedahay rayigaas samaysankiisa iyo in aanad si xorriyad ah u qaadan waxa aad ku fikirayso, waxa aad dareemayso iyo waxa aad doonaysaba. Marka ay xaalado gaar ah oo fikir iyo cabsi ama dareen nafasadeed lihi kula soo darsaan, waxa aad aragtaa adiga oo aan habeenkii ka seexanayn ka fikirkooda iyo rogrogista sida aad uga baxsan karto cabsida ku xeeran, mana awoodid in aad maskaxdaada ka saarto oo aad nafta u fasaxdo hurdada laga yaabo in ay aad u doonayso. Macnaheedu waa in aad hurdo doonayso laakiin haddana aanad xor u ahayn in aad iskaa u seexato, balse ay jiraan waxyaabo kale oo ku xeeran oo doonistaadaas ku xidhan, oo dabcan warwarkaas ah. Tusaale dhow haddaynu doonnana waa sababta loo aaminsan yahay in qofka aan nolol maalmeedkiisa ka adkayni in aanu go’aankiisu gacanta ugu jirin. (Calool baahani in aanu go’aankeedu gacanteeda ku jirin).
Inkasta oo doonista xorta ahi ahayd qadiyad aad u shaqaysay qarniyadii dhexe ee dawladnimada iyo nidaamka maamul ee adduunku dhismayey. Haddana waxaa marba mark aka dambaysa soo baxaysa in aadamaha ay khatar ku tahay aaminsta in uu ‘Doonis xor ah’ leeyahay. Dhibta ugu dhow ee ay dadka ku keeni kartaana waa in fahamkaas qaldan ay ka faa’iidaystaan xukuumadaha iyo shirkadaha waaweyn ee ganacsigu.
Waxa ay abuuraan nidaam cilminafsi ku dhisan oo ay siyaasadahooda ama ganacsigooda kaga dhaadhicinayaan maskaxdeenna. Waa waxa loo yaqaanno ‘Suuqgeynta’ ama ol’oleyaasha siyaasadeed iyo barnaamijyada wacyigelinta ah. Waa hab maskaxda aadamaha lagu qabsanayo, kaddibna isaga oo moodaya in uu doonistiisa xorta ah ku go’aansaday ayaa uu taageerayaa siyaasad ama xukuumadda, sida oo kalana iibsanayaa badeecadda ama adeegga ganacsi ee la moodsiiyey in uu doonistiisa xorta ah ku doortay, laakiin runtu tahay in lagu beeray maskaxdiisa.
Dooddani waxa ay aaminsantahay in go’aamada iyo doorashada qofku ay mar kasta xakameeyaan dababrro la xidhiidha tamarta, awoodda, waqtiga, dabeecadda ku xeeran qofka, xaaladda bulsho, waayaha nololeed, iyo abuurta qofka ama cabsida, rejada iyo dareennada la midka ah ee ku xeeran.
Haddaba marka aad iibsanayso badeecad, ama mihnad aad ku shaqayso aad dooranayso, ama xitaa saygaaga / afadaada dooranayso, iyo marka aad siyaasiga dooranaysaba ha moodin in doonistaada oo xor ah aad ku dooratay, balse waxaa jira awood kale iyo sababo kale oo go’aankaagu ka dhashay, kuwaas oo kaa hor istaagayey in aad qaadato go’aan aan ahayn kaas. Waxa aanay dooddu tahay qofku, ma doonis xor ah ayaa uu leeyahay, mise arrimo hore maskaxdiisa loogu shubay ayaa ay doonistiisu ku dhisantahay?