Shalay: Ciidammada Booliska Oo Bariga Iyo Galbeedka Dalkaba Ku Gubay Qaadkii Ugu Badnaa Iyo Tirada Gaadiidka Ay La Wareegeen

0
749

Hargeysa (Geeska) – Ciidammada Booliska Somaliland ayaa weli wada dedaallada ay kaga hor-tagayaan in Dalka soo geliyo Jaad Sharci-darro ah, maaddaama oo la mabnuucay muddo 25 Maalmood ah, si looga taxadiro Xanuunka dunida ku faafaya ee Covid_19.

Shalay oo keliya waxa Ciidammada Boolisku ay Xarumahooda Gobollada dalka ku kala yaalla ku gubeen Qaad faro badan, kaasi oo lagu soo qabtay Hawl-gallo ay sameeyeen Ciidammada ammaanka oo iskaashanaya.

Magaalooyinka Burco, Gobolka Gabiley, Hawd, Xariirad iyo meelo kale oo badan ayaa Ciidammadu ku gubeen Qaad tiro ahaan aad u badan, waxaana la soo bandhigay Gaadiidkii siday ee lagu qabtay, gaadiidkaasi oo la sheegay in Ciidammadu la wareegayaan.

Taliyaha Hawl-galinta Ciidammada Booliska Somaliland,  Maxamed Ducaale oo Shalay ka hadlayey Goob ka mid ah Taliska Ciidammada Birmadka ee Magaalada Hargeysa ayaa ayaa si guud uga war-bixiyey Qaadka Ciidammadu gubeen, waxaanu yidhi  “Qaadka aynu halkan ku gubanayno waxa laga qabtay Kooneyaasha Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, qaadkaasi waa lagu soo qabtay Awaamiirtii Xukuumadda Somaliland ka soo saartay ka hor-tagga Xanuunka Covid_19.

Hargeysa waxaanu Xalay (Habeen hore) ku soo qabanay 93 kiiloo oo Qaad ah iyo 214 Marduuf oo Qaad ah iyo Lix jawaan oo Guraangur ah, Gaadiidka lagu qabtay Qaadkaasi waxay ahaayeen 9.”

Taliyuhu waxa kale oo uu sheegay “Gobolka Awdal waxa lagu gubay 200 Kiiloo oo Qaad ah, Gobolka Togdheer 1,070 Marduuf, Gobolka Gabiley 400 Marduuf oo Qaad ah, Degmada Xariirad 70 Marduuf oo Qaad ah, Gobolka Hawd 140 Kiiloo oo Qaad ah iyo dhammaan Gaadiidkii siday, kuwaasi oo si toos ah Xerada Birmadka loo geeyay, waxa la socda Mid walba eedaysanayaashii Qaadka sitay, kuwaasi oo iyagana Sharciga la hor-geyn doono Maxkamadda..”

Wasiir ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, Naasir Caydiid oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi  “Gobollada dalka oo dhan Gobol aan Qaad lagu qaban ma jiro, mid aan Gaadhi lagula wareegin ma jirto, Gobolka Maroodi-jeex ha ugu badnaado, Maroodi-jeex Saddexdaa Maalmood Baabuurtu waxay maraysaa 14 Gaadhi.”

Dawladda Somaliland ayaa Toddobaadkii hore soo saartay Go’aan ay muddo 25 Maalmood ah ku joojisay Jaadkii Ganacsi ahaanta loo keeni jiray Somaliland, Go’aankaasi oo qayb ka ah dedaallada lagaga gaashaamanayo in Cudurka Covid_19 uu ku faafo Somaliland.

Gudaha Somaliland, Cudurka waxa laga helay 6 Qof,  kuwaasi oo Saddex ka mid ahi ka bogsadeen Xanuunka, sida uu shalay Shaaciyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye.