Qodobbadii Is-Qiimaynta Golaha Xukuumadu Waa Midhihii Darayga: Nin Duuduub Ku Liqa Iyo Mid Iska Dayaba

1
603

 

kkkHalkaa waxaa ka muuqanaysa in qiimaynta ka soo baxday shirkii dib-isu qiimaynta golaha xukuumaddu ay tahay mid badheedh ama xisaab xumo awgeed loo buun buuniyey si aad uga weyn caqliga oo gaadhsiisan heer illaa boqolkiiba 65 ah in laga badbadiyey wax qabadka. Haddii boqol iyo lixdan qodob oo la rabay in xukuumaddu dhamaystirto shan sano laga fuliyey in ka yar toban qodob oo keliya, taas macnaheedu waxa uu noqonayaa in saddexda sano ee hadhay waxa la qaban karaa uu yahay in ka yar 15 qodob oo kale, waa haddii xawaaruhu aanu sida uu hadda yahay hoos uga dhicin, waayo waa dabeecadda aadamaha in bilowga hawsha uu dardar ku galo, dibna gaabis iyo daal lagu arko.

 

Marka la isku wada daro ee xawaaraha hawl-socodkana laga soo qaado sida uu ku soo socday labadii sano, malo-awaalka inooga soo baxayaa waxa uu noqonayaa in xukuumaddo 20 qodob oo keliya ka fulin karto ballan qaadkii boqol iyo lixdanka qodob madaxa la galay.. haddii aynu si aan rasmi ahayn boqollay ugu eegnana waxa ay noqonaysaa in ka yar boqolkiiba 15 (shan iyo toban) keliya in ay xukuumaddu qaban karto shanteeda sano.

Ceebta hawl-qabad la’aanta waa looga naxariisan karaa xukuumadda oo waxa aynu odhan karnaa culayska hawsha ayaa aad u badnaa, dhaqaalaha iyo xidhiidhada diblumaasi ee dalkana waa aynu la soconnaa oo xawaare intaa ka badan laguma socon karo, waase haddii ay xukuumadda hadda jirtaa qirato in buug-yarahaa hore lagu diyaariyey qaab qiiro iyo caadifad ah oo aan loo miidaan dayeyn ballan qaadyada ku jira iyo duruufaha fulintooda ku xeeran iyo waqtiga la haysto.

Kala maan:

Khudbaddii koowaad ee uu madaxweyne Siilaanyo u jeediyey labada gole bishii February 2011-ka ayaa ay dad badan fahmi kari waayeen kadib markii ay ka waayeen wixii la filayey oo ahaa in qorshaha wax-qabad ee madaxweynuhu ku talogalay uu noqdo mid ku salaysan buug-yarihii uu ol’olaha ku galay, waxaa uu madaxweynuhu sheegay qodobbo hor leh iyo kuwo beddelen oo markiiba muujiyey in ay yihiin qorshe cudub oo hadda la dejiyey, iyo in aan buuggii dib loo eegin.

Markii uu madaxweyne Siilaanyo jeediyey khudbad sannadeedkii labada gole bishii January 14-keedii ee 2012-ka, waxa uu madaxweynuhu ku sheegay in xukuumadda ballan qaadkeedii ka qabatay boqolkiiba 85, taas oo xataa ka badan tirada ay hadda sheegayso ee ah boqolkiiba 70 ka, waxa aanu mar saddexaad qaaday ballamo hor leh oo ay tahay in uu wax ka qaban doono sannadka soo socda. Dad badan ayaa markiiba ku dooday in iska daa buuggii ol’olaha lagu galay oo aanu xataa madaxweynuhu dib u eegin ballan qaadkii sannadkaa kii ka horreeyey uu sameeyey. Waxaa sii kordhay tirada qodobbadii madaxweynaha fulintooda laga sugayey, waxaana muuqday in la-xisaabtanka xukuumadda dhexdeedu aad u liiito, oo aan la ogeyn wixii hore waxa ka fulay iyo inta qabyada ah,oo  waagii beryaaba uu wato hormo hor leh iyo ballan qaadyo aan kuwii hore waxba u ogeyn.

3. Qodobka saddexaad ee ka soo baxay is qiimayntii golaha xukuumaddu waxa uu mar kale ballan qaadayaa 130 qodob oo ay xukuumaddu rabto in ay wax ka qabato sannadka 2013-ka, arrinta yaabka lihi waxa ay tahay in xukuumaddu mar kasta sii kordhinayso balan qaadkeeda wax-qabad  iyada oo aan kuwii hore ka soo bixin ama aan ku darin wax yaabaha kuwii hore qabyada ka ah, tusaale ahaan iyada ay dadweynuhu sugayaan in xukuumaddu fuliso qodobbadii ku xusnaa buug-yarihii olo’olaha Kulmiye ku galay, ayaa ay ku war heleen ballan qaadyo cusub oo uu madaxweynuhu ka hor jeediyey labada gole sannadkii 2011-ka, mar kale iyada oo la sugayo in wax laga qabto labadaa ballamood ee hore isugu biiray ayuu mar kale madaxweynuhu kuwo hor leh ballan qaaday sannadkii 2012-ka, maanta oo uu isla sannadkaasi dabayaaqo yahayna waxa uu tiradii hore ku sii daray 130 qodob oo uu ka dhigtay qorshaha wax-qabad ee sannadka dambe.

Arrintan waxaa ka dhalanaya in wax-qabadka xukuumaddu uu noqdo mid xaddidan maadaama oo ay hubaal tahay in aanay ka wada dabbaalan karin ballan-qaadyadaa iska daba tagay, waxa aanay muujinaysaa sida aanay marnaba diyaar ugu ahayn in qiimayn lagu sameeyo wax qabadkeedii hore iyo in lagula xisaabtamo mar kasta ballamaha ka horreeya kuwa ay markaa dusha u ridanayso.

4. Qodobka shanaad ee qodobbadii ka soo baxay shirka golaha xukuumaddu waxa uu mar kale ku celinayaa in wax laga qaban doono nabadaynta gobollada bariga, maamul fidinta iyo horumarinta gobolladaas, waxase ay dadka arrintan u dhuun daloolaa wax iska weydiinayaan sababta aanay xukuumaddu u soo hadal qaadin waxa hortaagan fulidda qodobkan oo ku jiray buug-yarihii, mar kalana labadii sano ee xukuumaddu jirtayba ay ku darsatay qorshaheeda wax-qabad, waxaa jira fikir odhanaya, in mar kale lagu daro qodobbada wax laga qabanayo, waxaa kaga haboonayd in laga warramo caqabadaha illaa hadda hortaagan in sidii la rabay uu qodobkani u fulo iyo sida ay xukuumaddu ku saxayso. Qodobkan oo keliya ma’aha kuwa uu madaxweyne Siilaanyo mar kale ku soo celiyey ballan qaadkooda isaga oo aan ka waramin waxa markii hore ka baajiyey ama sababta ay u fuli weyday iyo cidda masuuliyaddeeda leh. Waxa uu mar kale ku celiyey in uu wax ka qabanayo, cadaaladda iyo garsoorka, shaqo u abuuridda dhalinyarada iyo kobcinta dhaqaalaha, (Sida, Beeraha, Kalluumaysiga iyo Xoolaha). Arrimahan oo dhammaantood si toos ah ama si dadban ugu jiray ballan-qaadyadii uu madaxweynuhu ol’olaha ku galay iyo kuwii ka dambeeyey ee labadii sano ee uu talada hayey uu bulshada u qaaday.

Waxaa iyaduna xiisaheeda leh in madaxweyne Siilaanyo oo markii uu talada yimi, khudbaddiisii u horraysay ka cabanayey in aanu xafiiska ugu iman qorshe siyaasadeed dejisan, gaar ahaan dhinaca arrimaha dibadda uu maanta oo laba sano ka soo wareegtay intii uu qasriga joogay weli ka hadlayo dejinta qorshe iyo siyaasad guud oo dalka lagu hagayo gaar ahaan dhinaca arrimaha dibadda  iyo xidhiidhada diblumaasiyadeed ee bulshada caalamka lala yeelanayo, iyada oo weliba la og yahay in isla qodobkani ka mid ahaa kuwii uu madaxweynuhu ol’olaha ku galay. La soco qaybta u dambaysa iyo cadadka salaasada…

Comments are closed.