Cali Xoor-Xoor Oo Tahli Waayay Qabyo Tirka Dhismeyaal Maamulkii Ka Horeeyay U Bineeyay Dekeda

0
700

 

xoorMaamulka cusub ee dekeda Berbera ayaa ku guul daraystay in ay dhamaystiraan Dhismeyaal laga bilaabay dekeda Berbera.

 

Dhisameyaashan oo isugu jiray kuwo dekaddu gaar u leedahay  iyo qaar loogu talo galay in ay wakiiladda Maraakiibtu  hawlahooda ugu fududeeyaan ganacastadda ayaan sidii la rabay ilaa hadda u wadin hawlaha.

Wararka ay helayso shabakadda caalamiga ah ee Hadhwanaagnews ayaa sheegaya in dhisme uu maamulkii hore u dhamaystiray qalabkiisii oo loogu talo galay in wakiiladda Maraakiibtu ay adeegyadda ugu fududeeyaan ganacsatu uu ilaa hadda u xidhan yahay sababo u muuqda hawl fulin la’aan dhinaca maamulka Dekeda Ah.

Sidoo kale dhisme lagu kordhiyay dekadda Berbera ayaa isna qabyo ah, waxaana uu maamulka cusub kagala wareegay maamulkii hore isaga oo uu dhismihiisu socdo.

Ma jirto ilaa hadda wax faah-faahin ah oo uu maamulka dekeda Berbera ka soo saaray qabyadda dhismeyaashan cusub, balse waxa loo badinayaa in ay tamar darnaani u run sheegtay.

Sidoo kale wararka ka imanaya Magaaladda Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil ayaa sheegaya in dab-damiskii ka dhex shaqayn jiray Dekedu la joojiyay, kaas oo aan la garanayn sababta ka dambaysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa wakhtigii uu xukunka dibadda ka joogay Maamulka xukuumadii Daahir Rayaale ku canbaarayn jiray in lacagaha ka soo xarooda Dekeda Berbera si toos ah loo hoos geeyay Madaxtooyadda, balse ka dib markii uu taladda la wareegayba bilo uun ka dib ayuu dekeda Berbera ka hoos siibay Wasaaradda Kaluumaysiga oo uu markii uu hore ku daray.

Waxaanu markiiba dib u soo celiyay maareeyihii hore ee dekeda Berbera Cali Cumar Maxamed oo isagu muddo dheer ka shaqaynayay dekeda Berbera, waxaanu Madaxweyne Siilaanyo ka doortay Maariyii hore Axmed Yuusuf Dirir oo isagu wax badan ka qabtay

Waxaana maamulka Dekeda Berbera uu si toos ah u hoos tagaa Madaxtooyadda oo ahayd halkii uu wakhtigii hore ku ceebayn jiray.

Inta badan lacagaha iyo kharashaadka ka soo xarooda Dekeda Berbera ayay shacabka reer Somaliland Rumaysan yihiin in ay si toos ah ugu dhacdo qasnadda Madaxtooyadda oo ah halka uu maamulkeedu hoos tago.

Mar aanu wax ka weydiinay dadka Magaaladda Berbera sida ay u arkaan dayacnaanta ka muuqata Maamulka Dekeda ayaa waxa ay sheegeen in ay la yaaban yihiin hab-dhaqanka xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo iyadu wakhtigii ay xukunka dabadda ka joogtay farta ugu fiiqi jirtay dhaqaale uruursi ay ku tuhmaysay xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin, balse ay qaaday talaabo la mid ah tii ay wakhtigaasi sheegi jirtay.

Maxamed Ismaaciil oo ka mid Dhalinyaradda Magaaladda Berbera oo aanu arrimahaasi wax ka weydiinay ayaa yidhi ?Maamulka Dekeda Berbera waxa uu ku guul daraysatay in uu ka dhabeeyo talaabooyinkii uu qaaday Maariyihii isaga ka horeeyay, waxaanu hadda u dhaxeeyaa xafiiskiisa iyo gurigiisa, laakiin ma oga in uu dalka oo dhan wakiil uga yahay Dekeda Berbera? ayuu yidhi.

Si kastaba ha ahaatee Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed, ayaan haba yaraatee waxba ku soo kordhinin dekedda Berbera intii uu hadda joogay.

Xigasho: Shabakadda Wararka Ee Hadhwanaag News