Golaha Wakiilada Oo Wax Ka Bedel Ku Samaynaya Qaabka Ay Hay’ada Sirdoonku U Dhisantahay

0
3478

 

Picture1Hargaysa ( Geeska )- Gudoomiyaha arrimaha gudaha ee guddi hoosaadka golaha wakiilada xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, oo warbixn ka jeediyay golaha wakiilada horteeda ayaa daboolka ka qaaday in xeer  cusub oo ay u sameeyeen hay’ada sirdoonka qaranka ay hay’adaas kaga dhigayaan mid shacab ah, isla markaasna ay xeerka ugu soo diyaariyeen in loo sameeyo Agaasime iyo agaasime ku xigeen, taas oo hay’adda ka dhigaysa mid  aan ciidan ahayn.

 

Hay’adda sirdoonka ayaa intii ay jirtay Somaliland u dhisnayd qaab ciidan, isla markaasna lahayd taliye iyo taliye ku xigeen, waxaanu xeerkan meesha ka saarayaa in ay hay’adaasu u sii dhisnaato qaabkii ciidan ee ay u dhisnayd.

Gudoomiyaha arimaha gudaha ee gudi hoosaadka golaha wakiilada xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo xeerkan golaha ay soo hordhigeen,isaga oo sharaxaad ka bixinaaya waxa uu yidhi “War la helaabaa talo la helaa, markii hore hay’ada sirdoonka qaranku waxay ahayd mid sidii ciidan u dhisan, sida uu sheegaayo dastuurku ciidankeena qarankuna waa saddex uun, markaas hay’adii waxa laga dhigay hay’ad madaxbanaan oo aan qaab ciidan u dhisnayan.” Xildhibaanku isaga oo hadalkiisa siiwata waxa uu yidhi “Waxaanu helnay oo nagala shaqeeyay xeerkan khabiir soddon sanadood hay’adaas ka shaqaynaayay, Cabdi Kariin Aw Cali Shabeel oo khibrad soddan sanadood ah leh, waxaana loo soo dhigay hab qaran waydun akhrisan doontaan runtii oo wad haysataane. Waxaan ku soo kordhnay markii hore waxay hay’adu lahayd agaasime kaliyaata sidii loo soo diyaariyay, lakiin waxaanu u samaynay agaasime ku xigeen, qaban kara shaqooyinka agaasimahu qabto.”

Xeerkan oo wali aanu golaha wakiiladu meelmarin kana doodin, ayaa u muuqda mid meesha ka saaraya qaabkii ciidan ee uu u dhisnaa sirdoonka qaranka.