“Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Maxamuud, ayaa fadhigii maanta ee golaha wasiirrada waxa uu ku war-galiyey golaha wasiirrada in todobaadka soo socda golohu yeelan doono kulamo socon doona sadex maalmood,”
Sidaa waxaa yidhi afhayeenka madaxweyne Siilaanyo oo khamiistii 4-ta Oktoobar la hadlayey saxaafadda, waxa aanu sii faahfaahiyey ujeedada kulankaa la xisaabtanka uu ku sheegay iyo qaabka uu u dhici doono, “Kulamadaasi oo lagu qiimeynayo dibna loogu eegi doono wax qabadkii xukuumada u fuley mudadii ay jirtey iyo kuwa aan la fulin. waxa kale oo kulamadaas bilaabmi doona maalinta Sabtida lagaga hadli doonaa qorshaha ku tallo-gal ee dhinaca wax qabadka iyo horumarinta qaranka ee sanadka soo socda.”
Waxa ay ahaayeen hadallo ay aad ugu diirsadeen dad badan oo sannadkii u dambeeyeyba qabay dood ah in xukuumadda madaxweyne Siilaanyo wax-qabadkeedu aad u hooseeyo isla markaana ay baal marsan tahay hannaanka dawladnimo wanaagga. Waxaa la filanayey in la xisaabtankan uu madaxweyne Siilaanyo ugu yeedhayo wasiiradiisu noqdo mid ku dhisan tiirarkii maamul ee la yaqaannay, waayo ereyga la xisaabtan ee loo isticmaalay ayaa ah mid cilmiya oo muujinaya,
“In masuul kasta laga rabo inuu soo bandhigo waxa uga fulay qorshihii wax-qabad ee laga rabay iyo inta aanu fulin caqabadda ka hor-istaagtay” waxa uu qof kastaa filayey in natiijada la xisaabtankaa ka soo baxdaa ay noqon doonto ta caadiga ah ee uu cilmi ahaan keensanayo ereyga Xisaabtan oo ah, “In la saxo waxa qaldan, tallaabada ku haboonna laga qaado masuulka isagu ka baydhay ama gaabis aan loo baahnayn la yimi” marka laga tago la xisaabtanka waxa aan isna ka miisaan yarayn ereyga uu afhayeenku ku sifeeyey kulamadaas ee ahaa qiimayn iyo dib u eegis lagu samayno waxqabadkii xukuumadda ee labadii sano. Marka aynu qiimayn nidhaahno waxaa ka soo baxaya macne ah in la qiimeeyo ama go’aan laga gaadho dabeecadda, qiimaha, kartida, tayada, baaxadda, midhaha iyo saamaynta shaqada masuul kasta ku kaga soo aadday siyaasadda madaxweynaha oo iyaduna ka duulaysa barnaamijkii siyaasadeed ee xisbigiisa.
Waxaa la yidhaahdaa natiijada u dambaysa ee is qiimaynta iyo xisaabtanka xukuumadeed ka soo baxdaa waxa ay anfacdaa: 1) Muwaadinka oo u isticmaala muraayad uu ka daawado wax-qabadka uu ku kasbaday codkiisa, waxa aanu bud dhig uga dhiga taageerada siyaasadeed ee hadda kadib uu xukuumaddaa siinayo. 2) Madaxweynaha ama masuulka siyaasadda ugu sarreeyaana waxa uu ka dhigtaa muraayad uu ka dheegto wax-qabadka taariikhda u geli doonta, bulshadana taageerada uu hadda kadib kaga heli doonaa miisaanka uu leeyahay.
Haddii uu yahay hoggaamiye baraarugsan oo si ka duwan madaxda dunida saddexaad u fikiraya qiimayntaas waxa uu ku gartaa illaa xadka siyaasadda dalku u socoto jihadii uu doonayey iyo meelaha wax ka beddelka mudan oo uu dhaqso wax uga qabto.
Marka la soo koobana qiimaynta iyo dib u eegista waxqabadka xukuumadeed waa ishaaro san oo muujinaysa illaa xadka uu hoggaamiyahaasi yahay mid diyaar u ah in uu wax qabto, waana calaamadda koowaad ee lagu garto maamul wanaagga.
In madaxweyne Siilaanyo uu qaabkaa u maray qiimaynta xukuumaddiisu ma cadda, hase ahaato ee bidhaadhama ka dhex muuqda natiijada ka soo baxday fadhiyadii is-qiimaynta ahaa ee xukuumaddu waxa ay ina tusaysaa wax aad uga fog wixii laga filayey ama aynu odhan karno waxa ay ahaayeen kulamo ka madhan dhammaan calaamadaha iyo xeerarka lagu yaqaanno is qiimaynta iyo la xisaabtanka masuuliyiinta qaranka wax loogu diray. Waxa ay ahayd warbixin u eeg tii dawladdii kacaanka, oo dhammaanteed ka warramaysa khayr iyo guul la gaadhay iyo samo badan oo la sugayo, laguma arag caqabad keliya, qalad la saxay ma jirin, masuul la tilmaamay ama tallaabo laga qaadayna haba sheegin.
Haddii aynu mid mid u dul istaagno 12 qodob oo uu qasriga madaxtooyadu caddeeyey in ay ka soo baxeen kulamadii la xisaabtanka iyo is qiimaynta ahaa waxa aynu odhan karnaa sidan:
1. Qodobka koowaad ee ka soo baxay golaha wasiirradaba waxaa ka muuqda in laga baydhay ujeedadii marka hore ay madaxtooyadu ku sheegtay kulankan oo ahayd la xisaabtan iyo is qiimayn, waayo waxaa ka muuqata in la sameeyey qiimayn ah dhan keliya, taas oo ah in la falanqeeyey wax-qabadkii xukuumadda ee illaa heer tuule, waxaana afka laga dhowray in la falanqeeyo wax yaabaha aan qabsoomin ama tabashooyinka jira.
2“Shirku wuxuu isla qaatay in la fuliyey balanqaadyadii Bulshada loogu balanqaaday shanta sano 70%” ayaa lagu yidhi qodobka labaad, oo ah kan ugu xasaasisan.
Marka laga hadlayo qiimayn tiro iyo boqollay ku dhisan waa arrin cilmi oo u baahan daraasayn iyo in dadka loo soo bandhigo qaabka xisaabtaa boqollayda ah lagu soo saaray, waxa ay u baahan tahay in la fahmo waxa la tiriyey iyo hal-beegga u yaallay ee boqollayda lagu saleeyey. Dad badan ayaa bilowgiiba la yaabay sida ay suurtogal u tahay in sidaa sahlan ama muddadaa gaaban lagu gaadhi karo natiijadan. Qodobkan oo ahaa kan bulshada dhexdeeda ugu ugu doodad iyo naqdiga badnaa, ayaa u muuqda in uu ka fogyahay caqliga caadiga ah, inta aynaan xisaabtiisa oo waqti iyo celcelis badan u baahan ku horrayn, waxaa yaab leh in xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo hadda talada haysay laba sano oo keliya ay tidhaahdo waxa aanu guul ku dhamaynay qorshahayagii ku talogalka shanta sano ahaa boqolkiiba 70, taas oo u dhiganta in sannad kasta oo ka mid ah labadaa sano la qabanayey boqolkiiba 35, midhaha ka soo baxayaana ay noqonayaan in saddex sano gudahood ay ku dhamaystirayso boqolkiiba 100 iyo dheeraad. Caqliga caadiga ah ee muwaadinku waxa uu si weydiinayaa xawaaraha uu ku arko xukuumadda madaxweyne Siilaanyo sida ay uga soo bixi karto in buuggii ballan qaadka ahaa lagu dhamaystiro saddex sano, oo labada sano ee dambe dheeraad lagu daro.
Geeska Afrikaoo si guud mar ah u eegay buuggii xisbiga Kulmiye uu ol’olaha ku galay waxaa deymada koowadba u soo baxday natiijo aad uga duwan ta uu golaha xukuumaddu ku doodayo. Tusaale ahaan qodobbada ballan-qaadka wax ka qabasho ee buug-yarahaa inta tirsiga cad leh oo keliya ayaa ah 160 oo laga filayey in xukuumadda madaxweyne Siilaanyo wax ka qabato, laakiin waxaa Geeska Afrika u soo baxay in xukuumaddu illaa hadda wax ka qabatay in ka yar toban qodob oo keliya, taasna macnaheedu noqonayo in wax qabadka illaa hadda ee xukuumaddu aanu ka badnayn boqolkiiba lix.
Halkaa waxaa ka muuqanaysa in qiimaynta ka soo baxday shirkii dib-isu qiimaynta golaha xukuumaddu ay tahay mid badheedh ama xisaab xumo awgeed loo buun buuniyey si aad uga weyn caqliga oo gaadhsiisan heer illaa boqolkiiba 65 ah in laga badbadiyey wax qabadka..
Halkaa waxaa ka muuqanaysa in qiimaynta ka soo baxday shirkii dib-isu qiimaynta golaha xukuumaddu ay tahay mid badheedh ama xisaab xumo awgeed loo buun buuniyey si aad uga weyn caqliga oo gaadhsiisan heer illaa boqolkiiba 65 ah in laga badbadiyey wax qabadka. Haddii boqol iyo lixdan qodob oo la rabay in xukuumaddu dhamaystirto shan sano laga fuliyey in ka yar toban qodob oo keliya, taas macnaheedu waxa uu noqonayaa in saddexda sano ee hadhay waxa la qaban karaa uu yahay in ka yar 15 qodob oo kale, waa haddii xawaaruhu aanu sida uu hadda yahay hoos uga dhicin, waayo waa dabeecadda aadamaha in bilowga hawsha uu dardar ku galo, dibna gaabis iyo daal lagu arko.
Marka la isku wada daro ee xawaaraha hawl-socodkana laga soo qaado sida uu ku soo socday labadii sano, malo-awaalka inooga soo baxayaa waxa uu noqonayaa in xukuumaddo 20 qodob oo keliya ka fulin karto ballan qaadkii boqol iyo lixdanka qodob madaxa la galay.. haddii aynu si aan rasmi ahayn boqollay ugu eegnana waxa ay noqonaysaa in ka yar boqolkiiba 15 (shan iyo toban) keliya in ay xukuumaddu qaban karto shanteeda sano.
Ceebta hawl-qabad la’aanta waa looga naxariisan karaa xukuumadda oo waxa aynu odhan karnaa culayska hawsha ayaa aad u badnaa, dhaqaalaha iyo xidhiidhada diblumaasi ee dalkana waa aynu la soconnaa oo xawaare intaa ka badan laguma socon karo, waase haddii ay xukuumadda hadda jirtaa qirato in buug-yarahaa hore lagu diyaariyey qaab qiiro iyo caadifad ah oo aan loo miidaan dayeyn ballan qaadyada ku jira iyo duruufaha fulintooda ku xeeran iyo waqtiga la haysto.
Kala maan:
Khudbaddii koowaad ee uu madaxweyne Siilaanyo u jeediyey labada gole bishii February 2011-ka ayaa ay dad badan fahmi kari waayeen kadib markii ay ka waayeen wixii la filayey oo ahaa in qorshaha wax-qabad ee madaxweynuhu ku talogalay uu noqdo mid ku salaysan buug-yarihii uu ol’olaha ku galay, waxaa uu madaxweynuhu sheegay qodobbo hor leh iyo kuwo beddelen oo markiiba muujiyey in ay yihiin qorshe cudub oo hadda la dejiyey, iyo in aan buuggii dib loo eegin.
Markii uu madaxweyne Siilaanyo jeediyey khudbad sannadeedkii labada gole bishii January 14-keedii ee 2012-ka, waxa uu madaxweynuhu ku sheegay in xukuumadda ballan qaadkeedii ka qabatay boqolkiiba 85, taas oo xataa ka badan tirada ay hadda sheegayso ee ah boqolkiiba 70 ka, waxa aanu mar saddexaad qaaday ballamo hor leh oo ay tahay in uu wax ka qaban doono sannadka soo socda. Dad badan ayaa markiiba ku dooday in iska daa buuggii ol’olaha lagu galay oo aanu xataa madaxweynuhu dib u eegin ballan qaadkii sannadkaa kii ka horreeyey uu sameeyey. Waxaa sii kordhay tirada qodobbadii madaxweynaha fulintooda laga sugayey, waxaana muuqday in la-xisaabtanka xukuumadda dhexdeedu aad u liiito, oo aan la ogeyn wixii hore waxa ka fulay iyo inta qabyada ah,oo waagii beryaaba uu wato hormo hor leh iyo ballan qaadyo aan kuwii hore waxba u ogeyn.
3. Qodobka saddexaad ee ka soo baxay is qiimayntii golaha xukuumaddu waxa uu mar kale ballan qaadayaa 130 qodob oo ay xukuumaddu rabto in ay wax ka qabato sannadka 2013-ka, arrinta yaabka lihi waxa ay tahay in xukuumaddu mar kasta sii kordhinayso balan qaadkeeda wax-qabad iyada oo aan kuwii hore ka soo bixin ama aan ku darin wax yaabaha kuwii hore qabyada ka ah, tusaale ahaan iyada ay dadweynuhu sugayaan in xukuumaddu fuliso qodobbadii ku xusnaa buug-yarihii olo’olaha Kulmiye ku galay, ayaa ay ku war heleen ballan qaadyo cusub oo uu madaxweynuhu ka hor jeediyey labada gole sannadkii 2011-ka, mar kale iyada oo la sugayo in wax laga qabto labadaa ballamood ee hore isugu biiray ayuu mar kale madaxweynuhu kuwo hor leh ballan qaaday sannadkii 2012-ka, maanta oo uu isla sannadkaasi dabayaaqo yahayna waxa uu tiradii hore ku sii daray 130 qodob oo uu ka dhigtay qorshaha wax-qabad ee sannadka dambe.
Arrintan waxaa ka dhalanaya in wax-qabadka xukuumaddu uu noqdo mid xaddidan maadaama oo ay hubaal tahay in aanay ka wada dabbaalan karin ballan-qaadyadaa iska daba tagay, waxa aanay muujinaysaa sida aanay marnaba diyaar ugu ahayn in qiimayn lagu sameeyo wax qabadkeedii hore iyo in lagula xisaabtamo mar kasta ballamaha ka horreeya kuwa ay markaa dusha u ridanayso.
4. Qodobka shanaad ee qodobbadii ka soo baxay shirka golaha xukuumaddu waxa uu mar kale ku celinayaa in wax laga qaban doono nabadaynta gobollada bariga, maamul fidinta iyo horumarinta gobolladaas, waxase ay dadka arrintan u dhuun daloolaa wax iska weydiinayaan sababta aanay xukuumaddu u soo hadal qaadin waxa hortaagan fulidda qodobkan oo ku jiray buug-yarihii, mar kalana labadii sano ee xukuumaddu jirtayba ay ku darsatay qorshaheeda wax-qabad, waxaa jira fikir odhanaya, in mar kale lagu daro qodobbada wax laga qabanayo, waxaa kaga haboonayd in laga warramo caqabadaha illaa hadda hortaagan in sidii la rabay uu qodobkani u fulo iyo sida ay xukuumaddu ku saxayso. Qodobkan oo keliya ma’aha kuwa uu madaxweyne Siilaanyo mar kale ku soo celiyey ballan qaadkooda isaga oo aan ka waramin waxa markii hore ka baajiyey ama sababta ay u fuli weyday iyo cidda masuuliyaddeeda leh. Waxa uu mar kale ku celiyey in uu wax ka qabanayo, cadaaladda iyo garsoorka, shaqo u abuuridda dhalinyarada iyo kobcinta dhaqaalaha, (Sida, Beeraha, Kalluumaysiga iyo Xoolaha). Arrimahan oo dhammaantood si toos ah ama si dadban ugu jiray ballan-qaadyadii uu madaxweynuhu ol’olaha ku galay iyo kuwii ka dambeeyey ee labadii sano ee uu talada hayey uu bulshada u qaaday.
Waxaa iyaduna xiisaheeda leh in madaxweyne Siilaanyo oo markii uu talada yimi, khudbaddiisii u horraysay ka cabanayey in aanu xafiiska ugu iman qorshe siyaasadeed dejisan, gaar ahaan dhinaca arrimaha dibadda uu maanta oo laba sano ka soo wareegtay intii uu qasriga joogay weli ka hadlayo dejinta qorshe iyo siyaasad guud oo dalka lagu hagayo gaar ahaan dhinaca arrimaha dibadda iyo xidhiidhada diblumaasiyadeed ee bulshada caalamka lala yeelanayo, iyada oo weliba la og yahay in isla qodobkani ka mid ahaa kuwii uu madaxweynuhu ol’olaha ku galay. La soco qaybta u dambaysa iyo cadadka salaasada…