Madaxweyne Axmed-Siilaanyo Oo Xaglatoosiye U Magacaabay Xil Wasiirnimo Iyo Wasaarad Cusub Oo Uu Xukuumadiisa Ku Soo Daray

1
908

 

tosyeHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa digreetooyin uu xalay soo saaray wuxuu ku magacaabay laba wasiir iyo wasiir ku xigeen, waxaana dadka la magacaabay ka mid ah Md. Saleban Ciise Axmed (Xaglatoosiye) oo loo magacaabay wasiirka dib u dejinta.

 

 

Sida uu sheegay warsaxaafadeed uu xalay soo saaray afhayeenka madaxweynaha Axmed Saleban Dhuxul, waxa kale oo uu Madaxweynuhu sameeyay wasaarad cusub oo ah wasaaradda wershadaha oo uu u magacaabay wasiirkii hore ee dib u dejinta Md. Cabdirisaaq Cali Cismaan iyo wasiir ku xigeen uu u magacaabay wasaaradda macdanta iyo biyaha. Warsaxaafadeedka madaxtooyadu wuxuu u dhignaa sidan: “ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa [xalay] digreetooyin uu soo saaray ku magacaabay wasiir iyo wasiir ku xigeen cusub, isla markaana wasiirkii hore ee Dib-u-dejintana u magacaabay wasaarad cusub. Madaxweynuhu:-

Markuu

Arkay:                          Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Tixgeliyey:                    Ahmiyadda wayn ee ay  Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka,

Markuu Arkay:                        In baahi loo qabo buuxinta jagadan hoos ku xusan,

Markuu Ka Fiirsaday:                Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,

Markuu ku Qancay:                   In uu hanan karo xilka loo magacaabay, 

Wuxuu go’aansaday 

1.         In Mudane, Saleeban Ciise Axmed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta ee JSL. 

2.      In Mudane, Cabdirasaaq Cali Cismaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Warshadaha ee JSL.

3.      In Mudane, Cabdisalaan Maxamed Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta ee JSL.”

Comments are closed.