Qisas Iyo Dhacdooyin Xiise Leh Oo La Xidhiidha Dhaarinta Madaxweyneyaasha Maraykanka Kamaal A. Cali…. Qaybta 9aad

0
588

Hillary Clinton iyo xanuunkii sirta ahaa

 

Hillary Clinton, Marwadii koowaad ee hore, xildhibaan Golaha Kongareeska ka tirsanaan jirtay, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda iyo siyaasaddii birta ahayd ee dhowaan uu Trump guul madow badani ku jiro kaga helay kursiga madaxweynaha Maraykanka ayaa la aaminsanyahay in xaaladdeeda caafimaad aanay muddo dheer fiicnayn laakiin ay ku guulaysatay in ay indhaha dadka iyo qalinka warbaahinta in badan ka leexiso. Si kastaba ha ahaato ee dunida maanta oo war-isgaadhsiinta iyo aqoonta casriga ah ee Tiknoolajiyadda meel sare laga gaadhay waa ay adag tahay in qof heerka Hillary Clinton bulshada ka joogaa uu xaaladdiisa caafimaad si dhib yar u qariyo. In kasta oo warbixintii Caafimaad ee ay Hillary ku dhaaftay shardigii caafimaadka ee murashaxnimadu ay sheegaysay in xaaladdeedu fiican tahay, haddana marar badan oo ay sara joogga ka dhici gaadhay iyada oo goob fagaare ah joogta ayaa dad badan maskaxdooda su’aalo ku soo ridday, ugu dambayntiina warqad laga helay bogga sir-faafiyaha ah ee internet ka, WikiLeaks ayaa run u rogtay tuhunkii, kadib markii ay faafisay dhambaal uu dirayey masuulka ol’olaheedu uu masuuliyiin kale oo isla kooxda ah ugu caddaynayey waxyaabaha ay tahay in ay sameeyaan si doodda caafimaad ee Hillary aanay badka u iman. Ugu dambayntii Hillary Clinton waxaa lagu sheegay cudur lagu magacaabo Pneumonia oo ku dhaca sambabada iyo habdhiska neefsiga.

Waa run in muddooyinkii hore caafimaadka madaxweynaha Maraykanku uu sir ahaa, sida uu Matthew Algeo ku sheegayo buuggiisa, “The President is a sick Man” Madaxweynuhu waa nin buka. Waxa uu sheeegay in Madaxweyne Grover Cleveland oo qabay xanuunka Kansarka oo uu aad ugu xanuunsaday ayaa muddo sannado ah dadka Maraykan laga qarinayey xaaladdiisa runta ah oo xitaa uu qalniin weyn u galay iyada oo aan la ogaan.

Algeo waxa kale oo u uxusay sida madaxweyne Washigton uu u qariyey qalniin weyn oo buro laga jaray bawdyada bidixda isaga oo aan weliba aan  waqtigaas helin dawooyinka kaar jebinta iyo dawada Antibaayootigga midna. Algeo waxa uu sheegay in madaxweynuhu uu qalniinkan kadib aad u xanuunsaday oo maalmo door ah uu xaalad adag ku jiray, hawlaha dawladdana ay wadeen uun golaha xukuumaddiisu. “Muddo laba bilood ah ayaa ay ku qaadatay in uu ka soo kabto xanuunkaas, haddana dadka aadka ugu dhow ayuun baa ogaa oo sir adag ka dhigay warka caafimaadkiisa la xidhiidha” ayaa uu yidhi Algeo.

Madaxweyneyaasha Maraykan ee xaaladdooda caafimaad bulshada ka qariyey waa ay soo dhowaadeen, oo xitaa waxaa ka mid ahaa madaxweynaha illaa hadda dalkaas laga jecel yahay ee John F. Kennedy oo heshiis uu qarsoodi ula galay warbaahintu sannadkihii Lixdamaadkii indhaha dadka ka leexiyey xaaladdiisa caafimaad.

Kennedy oo da’diisa 46 ka gu’ ee keliya ah, quruxda wejigiisa iyo isu dheelli tirnaanta jooggiisa, la aaminsan yahay in ay ka mid ahaayeen sababaha dadku u jeclaadeen ayaa sidoo kale astaamahaas uga faa’idaystay in uu ku qariyo dhaawac xun oo dhabarka ka gaadhay xilligii uu socday dagaalkii labaad ee adduunku, waxa uu qariyey raadaynta ay arrintaasi ku yeelatay socodkiisa iyo weliba xanuunka joogtada ah ee uu ku hayey dhabarka oo uu dawo noloshiisa oo dhan ah u qaadan jiray.

Dacaayadaha munaasabaddii caleemo saarka:

Clinton oo ku dheygagay Inanta uu dhalay Donald Trump

 

In kasta oo maalintii Jimce ee 20kii Jeenaweri la caleemo saarayey Trump oo ol’ole aan waxba la isu hambaysan guul madow badani hadheeyey ku muquuniyey Hilary Clinton, haddana maalintii munaasabadda caleemo saarka Trump wax qiiro ah oo gaar ah kuma ay yeelan dareenka odaygeeda hore madaxweynaha u noqday ee Bill Clinton. Waayo kamaradaha warbaahinta ee munaasabadda laga duubayey ayaa muujiyey isaga oo indho aanay kaba qasnayn si dareen leh ugu eegaya gabadha uu dhalay madaxweynaha la caleemo saarayey.

Madaxweynaha hore waxa uu ku dheygagsanaa jidhka IvankaTrump, sida uu ku warramay wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriisku. Clinton waxa uu kamaradaha ka soo muuqday isaga oo dibnihiisa u qaniinsan qaab dadka faalleeyey ay ku sheegeen macaansi iyo in uu eegayo shay uu aad u xiisaynayo. Kamaradaha oo keli ahi ma’ay arkin xaalka maalintan ee Clinton, balse waxaa iyaduna isla goobtii ku aragtay afadiisa Hilary Clinton.

Sida kamaradaha laga arkayey, Hilary Clinton oo qoslaysa iyada oo hareer taagan Michelle Obama ayaa si kedis ah u aragtay saygeeda oo aan laba socon waxa lagu qoslay ee ka dhacay masraxa, balse isagu meel kale ku maqan yahay. Hillary waxa ay si adag u eegtay saygeeda oo weliba ay dareensiisay in ay eegayso si ay u tusto dareenkeeda diidan halka uu eegayo. Clinton oo isaguna markan is dareemay ayaa waxoogaa indhaha ka soo weeciyey Ivanka oo in yar wejiga u soo dadbay dhinaca Hillary Clonton, kadib Hillary ayaa inta ay indhaha si cadho leh isugu ururisay, waxa ay madaxa u dhufatay dhinaca uu ka xigay masraxa laga hadlayey. La soco………….