Qisas Iyo Dhacdooyin Xiise Leh Oo La Xidhiidha Dhaarinta Madaxweyneyaasha Maraykanka

0
544

Kharashaadka uu madaxweynaha xilka ka tagaa taliska ciidamada qalabka sida kaga helayo xilkiisii ahaa taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ayaa gaadhaya boqollaal kun oo doolarka Maraykanka ah sannadkii. Tusaale ahaan sannadkii 2015ka madaxweynihii hore ee Maraykanka ee Jimmy Carter lacagta uu ciidamada ka helay waxa ay gaadhay 200 oo kun oo doolar, halka madaxweyne George W. Bush uu sannadkaas ka helay ciidamada lacag dhan 800 oo kun oo doolar, dabcan waxa ay kuxidhan tahay hadba isticmaalka uu adeegyadan laga bixinayo qofku isticmaalo ee.

Bilowgii hore sharciga Maraykanku madaxweynaha waxa uun uu u ogolaa in uu mushaharkiisa badhkii qaato sannadka koowaad ee uu xilka ka sii maqan yahay, kadibna shaqo tago, oo aanu kharashaadka qaranka culays kale ku keenin, arrintaas oo weli sideedii ah, ayaa in yar wax ka beddel lagu sameeyey sannadkii 1958kii, markii Harry Truman oo ahaa madaxweynihii 33 ee Maraykanka ee xilka hayey intii u dhexeysay 1945 illaa 1953 kii, ay ku dhacday faro-madhnaan dhaqaale oo aad u ba’ani. Truman oo dalka Maraykanka si aad ah looga tixgelinjiray, maadaama oo uu sumcad fiican ku helay dib u dhiskii dhaqaalaha Yurubta galbeed ee dagaalkii labaad kadib, iyo nidaamkii khasaaraha yaraa ee uu ku hoggaaminayey dagaalkii qaboobaa ee adduunka iyo sidoo kale kaalintii uu ku lahaa NATO. Aad ayaa looga xumaaday busaaradda heshay ee uu awoodi kari waayey in uu si caadiya u sii wato nolol maalmeed u qalma.

Madaxweyne Truman dartii waxaa sharciga loogu daray in madaxweynaha xilka ka dega loo ogolaado kharash sannad le ah, oo laakiin muddo xaddidan soconaya, qaddar ahaanna u dhigma inta ay qaataan xoghayeyaasha xukuumaddu (Wasiirradu), waxa aana mushaharkaas xaddidaya muddadiisa iyo qaddarkiisaba golaha kongareeska oo kulan ka yeelanaya.

Si kastaba ha ahaato ee, sharcigaas dhaqaalaha kooban loogu ogolaanayey madaxweyneyaasha hore ayaa u muuqda in aanu sii socon doonin. Gaar ahaan intii ka dambaysay sannadkii 2015kii oo uu golaha Kongareeska Maraykanka oo uu xisbiga Jamhuurigu aqlabiyaddiisa lahaa uu soosaaray qabyo-qoraal sharci oo xaddidaya muddada ay soconayso lacagta hawlgabka ah iyo kharashaadka kale ee madaxweyneyaasha hore qaataan oo imika wadartoodu isku tahay 200 oo kun oo doolar sannadkii. 

Waxa kale oo uu sharcigan cusub ee aan weli dhaqangelin dhigayaa in lala socdo dakhliga kale ee madaxdweynaha ka soo gala shaqooyinka shakhsiga ah ee uu qabto ama ganacsiyadiisa, iyada oo mar kasta oo uu hal doolar oo uu shaqaystay soo galo, halkaas doolar laga jari doono lacagta uu hawlgabka u qaato, macnuhuna noqonayo in lacagta si shakhsi ah ugu soo korodhaa ay dhimi doonto lacagta uu dawladda ka qaato, illaa aakhirka ay is goostaan, oo lacagta uu dawladda ka qaataa joogsato.

Arrintan ayaa laga yaabaa marka hore in ay dad badani ula muuqato mid adag, oo ay u qaataan in aanu madaxweynaha hore awoodi Karin in uu shaqaysto dakhli u dhigma kan uu ka qaadanayo dawladda, laakiin malahaasi waxa uu meesha ka baxayaa, marka aad eegto dakhliga ay madaxweynayaasha hore ee Maraykanku ka helaan khudbadaha waayo-aragnimadooda ku salaysan ee ay ka jeediyaan shiararka iyo madalaha cilmiga iyo siyaasaddaba, sidoo kale waxaa ay lacag aad u badan ka helaan buugaagta ay qoraan, sidaa awgeed muddo gaaban gudahood ayaa uu madaxweynuhu ku gaadhayaa dakhliga u xaddidan in haddii uu gaadho laga joojiyo lacagta hawlgabka ee uu dawladda ka qaato.

Si kastaba ha ahaato ee madaxweynihii dhowaan xilku ka dhammaaday ee Maraykanka Barak Obama ayaa isagu codka diidmada qayaxan ee sharciga dalkiisu siinayo ku hor istaagay sharcigaas Kongareeska, isaga oo taas ku sababeeyey in haddii sharcigaas uu saxeexo ay noqonayso in uu saameeyo dhaqaalaha shaqaalaha sharcigu gaarka u siinayo madaxweynayaasha hore, iyo haayadda aammaanka sirta ah ee madaxda Maraykanka ilaalisa oo u xil saaran in ay sugto ammaanka madaxweynaha hore inta uu nool yahay.

Obama warqad daboolan ayaa uu xafiiska u sii dhigay Trump

Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay Axaddii ay bishan Koowaad ahayd 22 waxa u ku sheegay in uu aad uga helay oo dareenkiisa ay taabatay warqad uu ku tilmaamay, “Heer sare” oo uu madaxweynihii uu xilka kala wareegay u sii saaray miiska xafiiska madaxweynaha ee Guriga Cad ee Maraykanka.

Donald Trump oo gacanta ku haya warqadda uu uga tegey Obama ayaa inta uu kor u qaaday markii uu si kooban Guriga Cad gudihiisa kula hadlayey warbaahinta waxa uu yidhi, “Xafiiska Guriga Cad ayaa aan tegey, kadib waxa an ka helay warqad aad u heer sarraysa oo uu iga sii tegey Madaxweyne Obama” Isaga oo intaas ku sii daray,  La soco………….