Weriye Dhaawacyo Madaxa Ah Loogu Gaystay Laascaanood

0
495

Lascanod(Geeska)-Weriye Barkhad Cumar oo Laascaanood uga warama Telefishanka qaranka Somaliland ayaa dhaawac madaxa ah waxa soo gaadhsiiyey Askari ka mid ah Ilaalada Maayirka Magaalada xili uu doonayey in uu u galo kulan ay lahaayeen Golaha Degaanka.

1

Askariga Falkan geystey ayaa la xidhay sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Sool Cabdi Khayre.

Weriye Barkhad ayaa waxa madaxa ka gaadhay nabaro kala duwan, waana fal ku cusub saxaafadda Somaliland dhexdeeda, waxaanu caafimaadka weriyuhu yahay mid taam ah, inkastoo nabarada soo gaadhay yihiin kuwo khatar ah.