Qisada Ninkii Ugu Horreeyey Qaaradda Afrika Ee Taleefanka Gacanta Ku Hadlay Iyo Shirkadda Uu Aasaasay

1
1960

Kinshasa (Geeska)- Shabakadda taleefannada gacanta ee adduunku waxa ay soo martay jid dheer; waxa ay dunidu hadda ka sii gudbaysaa shabakadda jiilka Afaraad (4G) oo la sugayo in sannadka foodda innagu soo haya ee 2019 ka loo gudbo jiilka shanaad ee 5G. Waxaana horumar weyn laga sameeyey samaynta qalab awood u leh in uu sii wanaajiyo isgaadhsiinta.

Haddaba Afrika oo maanta lagu tiriiyo meelaha horumarka uu ka socdo horumarka ugu ballaadha nee arrintan la xidhiidha, ayaanay dad badani ogeyn in dalkii ugu horreeyey ee talefanka gacanta lagaga hadlay uu ahaa dalka Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Koongo.

Qofkii ugu horreeyey Afrika ee shabakadda taleefanka gacanta isticmaalaa waxa uu ahaa Miko Rwayitare, oo ah maalqabeen u dhashay dalka Rwanda. Waxa uu dhashay bishii labaad ee 1942 kii, dalkiisa oo markaas la odhan jiray Zaire ayaa uu ku qaatay waxbarashadii dugsiga hoose iyo sare. Kaddib dalka Jarmalka ayaa uu tegey, waxa aanu cilmiga Injineeriyadda ku soo qaatay jaamacadda dalkaas ku taalla ee Karlsruhe sannadkii 1970 kii.

Markii uu Jarmalka ka soo noqday waxa uu u shaqeeyey shirkado kala duwan, laakhirkii waxa uu qaatay go’aan ah in uu isagu shaqo sameeyo oo uu maalgashi la yimaaddo. Waxa uu aad uga calool xumaaday taleefannadii laynka ahaa ee dalka oo uu markaas ka talinayey Kelitaliyihii Mabutu Sese Seko, waxa aanu go’aansaday in uu raadiyo xal wax lagaga qaban karo internet ka dalka oo aad u daciif ahaa.

Miko waxa uu aasaasay shirkadda Telecel International, oo taariikhda u gashay in ay tahay sirkaddii isgaadhsiinta taleefananda gacanta ah ee ugu horreysay. Markii uu Miko go’aansaday in uu shirkaddan furo waxa uu taageero ka raadsaday Josep Gatt, oo ahaa muwaadin Maraykan ah oo ahaa agaasimaha fulinta ee shirkadda duulimaadyada Pan-American Airlines, xafiiskeeda Zaire, horena uga shaqayn jiray shirkadda duulimaadyada ee dalka Zaire oo imika loo yaqaanno jamhuuriyadda dimuqraaddiga ah ee Koongo. Gatt waxa uu lahaa xidhiidho badan oo Miko u baahnaa si qorshihiisu u guulaysto.

Booqasho uu sannadkii 1985 kii, madaxweynihii Zaire Mobuttu ku tegey Maraykanka ayaa iyaduna Miko u noqotay fursad uu ku helo dhiirrigelintii uu u baahnaa. Waxa uu ka shaqeeyey in Madaxweyne Mobuttu loo dhiibo taleefanka gacanta ee shirkadda Motorola soo saari jirtay oo markaas ahaa mid aad u culus oo xabbad jaajuur ah la moodo, waxa aanu madaxweynuhu kula soo hadlay dadkiisa joogay Kinshasa caasimadda Kongo.

“Waxa aanu taleefanno u diyaarinnay Mobutu iyo toban ka mid ah gacanyareyaashiisa. Waxa ay ahaayeen taleefanno sida jaajuurka ah. Dhib ayaanu ka mudannay sidii aanu gacanyareyaasha uga dhaadhicin lahayn in waxan aanu u dhiibnay aanu la mid ahayn fooniyaha gacanta ee Walkie-Talkie, ee uu taleefan run ah yahay. Cabsi badan ayaa ka haysay in ay taleefan dibadda ah ku hadlaan. Waxa aanu tusnay sida ay u isticmaalayaan. Waxaana mahad Alle ah in ay noo shaqaysay, waayo markaas weli tiknoolajiyaddu curdin ayaa ay ku ahayd dalka Maraykanka. Laakiin waa ay noo shaqaysay, Mobuto waxa uu awooday in Isaga oo Maraykan jooga uu taleefanka kala soo hadlo gacanyareyaashiisa joogay qasriga madaxtooyada ee Kinshasa.” Ayaa uu yidhi Josep Gatt oo ka warramayey qisada bilowgii isticmaalak taleefanka gacanta ee Afrika. Waxa aanu intaas ku sii daray in markii madaxweyne Mobuto uu isticmaalay taleefanka gacanta uu aad uga helay, bilaabayna in uu dhiirrigeliyo fikirka ah in dalkiisa laga hirgeliyo adeegga isgaadhsiitna ee taleefanka gacanta.

Miko Rwayitare sidaas ayaa uu ku bilaabay aasaaska shirkaddiisa oo uu iskaashi kala sameeyey Gatt, waxa uu iibsaday shirkad isgaadhsiinta taleefanka gacanta ahayd oo Maraykanka laga lahaa, qalabkaas iyo farsamadaas ayaanu bilow uga dhigay shirkadda cusub oo uu u bixiyey Telecel. Waxaa si dhaqso ah wax looga beddelay xeerarkii isgaadhsiitna dalka Zaire si loo fasaxo furashada shirkado isgaadhsiineed oo gaar loo leeyahay, taas oo ahayd sida keliya ee sharci lagu siin karayey shirkadda Telecel.

Shirkadda Telecel waxa ay markii ugu horreysay shaqada si rasmi ah u bilowday sannadkii 1987 kii, markii dhismaheeda la dhammaystirayna Miko Rwayitare ayaa noqday qofkii ugu horreeyey ee isaga oo qaaradda Afrika jooga taleefanka gacanta kula hadlay cid kale. Waxaa xusid mudan in madaxweyne Mobuto isagu marka uu taleefanka gacanta ku soo hadlayey uu joogay Maraykanka, gacanyareyaashiisa qasriga joogay ee uu la soo hadlayna ay Khadka xadhiga ah ee caadiga ah isticmaalayeen.

Sannadkii koowaad dadka taleefannada gacanta qaatay waxa ay noqdeen 3 kun waxa aanu adeegga taleefanka gacantu ku koobnaa caasimadda,

Miko Rwayitare waxa uu dhintay bishii sagaalaad ee sannadkii 2007, kaddib markii uu ka kici waayey qalniin fudud oo uu ku galay magaalada Brussels ee dalka Belgium ka. Waxa uu weli ahaa guddoomiya sare iyo agaasimaah fulinta ee shirkaddii uu aasaasay ee Telecel.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here