“Golahayaga Guurtidu Maaha In Aanu Xisbiyada Qaarna Dhabarka Saarno, Qaarna Muduci Ku Noqono”

1
1410

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Muuse Ibraahim Aw Nuur, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ayaa ka hadlay mooshinka ay wadaan Xildhibaano ay isku Gole yihiin, waxaanu tilmaamay in Golaha Guurtidu aan looga baahnayn inay fidno huruda kiciso, oo dhib aan jirin abuurto, oo Mooshin aan hadda loo baahnayn ay keento, balse waajibkeedu yahay inay Xisbiyada iyo umadda isku soo dhaweeyso, oo wax kastoo khilaaf iyo dhibaato abuuri kara ay ka digtoonato.

Xildhibaan Muuse Ibraahim Aw Nuur, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Arinkani arin suurtagalaya muu ahayn, arin ay Guurtidu ku shaqo leedahayna maaha, Guurtida waajibaadkeedu waa inay dadka isku soo dhaweeyso, laakiin inay iyadu mooshino ku keento maaha, inay iyadu muduci noqotana maaha, Guurtidina mooshinkani fool xumo ayuu ku yahay, Guurtidu Xisbiyada iyo dhammaan Somaliland oo dhan bay dhex u tahay, balse Guurtidu maaha inay moosihn keento, oo cid mudici ku noqoto, mana aha inay kiciso umadda oo degan, haddii aanu nahay Golaha Guurtida waxaa lanooga baahan yahay in dad kala fog aanu isku keeno, oo Xisbiyada kala fogaaday aanu isku soo dhaweeyno, dadka qabaa’ilka ku kala fogaaday in aanu isku soo dhaweeyno, ta naloo igmaday ee waajibkayga ahi taas weeye, laakiin maaha in fidno huruda aanu kicino, Golahayaga Guurtidu maaha   in aanu Xisbiyada qaarna dhabarka saarno, qaarna aanu muduci ku noqono, mana ah waxaan la isku haynin in aanu meesha soo galino, Xildhibaanada aanu isku Golaha nahay waxaan leeyahay  dadka ayeynu isku soo dhaweeynaa, ee  baahi aynu maanta Mooshin u keena ma jirto,oo aynu ka talino nasteexa dalka iyo dadka, oo aynu ka feejignaano wax kasta oo dhib keenaya”

Xildhibaan Muuse mar uu ka hadlaayey Doorashooyinka ayaa yidhi “Doorashooyinku wey muuqdaan inay dib u dhacayaan, cid waliba wey og tahay Mucaaradku wey og yihiin, Muxaafidku wey og yihiin, wakhtigii loo diyaar-garoobi lahaana wey dhaaftay, sida ugu macquulsan ayey noqonaysaa inay Doorashooyinku dalka ugu dhacaan, haddii ALLE ka dhigo”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here