Qisada Nin Magaca Usaama Bin Laadin Dartii Ku Noqday Maalqabeen Haysta Malaayiin Lacag Ah

0
555

Picture9Washington (Geeska)- Nin Yemeni ah oo magaciisu yahay Usaama Saalix ayaa helay 4.7 Milyan oo doolar oo magdhow ah, kadib markii uu ku guulaystay dacwad uu ku soo oogay shirkaddii uu ka shaqaynayey oo shaqada ka eriday kadib markii uu caan ku noqday Bin Laadin oo ay dadkii shaqaalaha ahaa iyo kuwii ka ag dhowaa ugu yeedhi jireen maadaama oo uu magaca koowaad ee Usaama la wadaago hoggaamiyihii shabakadda Al-Qaacida ee Usaama Bin Laadin. Usaama Saalic oo ku nool dalka Maraykanku waxa uu ka shaqaynayey meherad weyn oo lagu iibiyo dharka dumarka oo ku taalla magaalada New York ee dalka Maraykanka, laakiin waxa uu cadaawad badan iyo weerarro af iyo addinba leh kala kulmay shaqaalihii Maraykanka ahaa ee ay meheradda wada joogeen oo iyagu mar kasta ku tilmaami jiray in uu yahay argagaxiso, sababtuna ay tahay keliya magaciisa Usaama ah, kuwaas oo aakhirkiina u bixiyey Bin Laadin.

Usaama Saalax oo karaani ka ah meheraddan oo lagu magacaabo Pretty Girl waxa uu saacaddii mushahar u qaadanayey 7.15 doolar oo keliya, laakiin hadda waa Milyan-dheer, ka taajiray caydii iyo aflagaadadii ay ku hayeen saaxiibbadiisa shaqadu, kadib markii ay maxkamaddu u amartay lacagtan magdhowga ah.

Usaama waxa uu saaxiibbadii kala kulmay xaqiraad, cabsi gelin iyo xataa mararka qaarkood in ay gacanta u qaadaan oo ay garaacaan. Maxkamadda uu Usaama u dacwooday  ayaa maamulka meheraddan ku helay dembi ah in ay waxba ka qaban waayeen joojinta xad-gudubkaas iyo jidh dilkaas ay shaqaalahooda kale ku hayeen wiilkan dhalinyarada ah meheradda gudaheeda iyada oo la joogo, iyo in ay shaqaalaha ka joojin waayeen in ay ninkan ugu yeedhaan magaca ah, “Usaama Bin Laadin”  taas oo ay samayn karaayeen, maadaama oo ay shaqaalahoodii yihiin.

Sidoo kale maxkamadda waxaa u caddaaday in maamulka meheraddani uu iska dhego mariyey cabashooyin dhowr ah oo uu Usaama Saalax uga gudbiyey dhibaatadan uu shaqaalaha kala kulmayey, wax tallaabo ahna kama ay qaadin shaqaalaha. Usaama Saalix oo kadib markii xukunkan lagu dhawaaqay jimcihii toddobaadkii tegey la hadlayey warbaahinta ayaa yidhi, “In la igu sheego in aan ahay argagaxiso, iyo in aan ahay Bin Laadin waxa aan u arkaa ihaano iyo ka been abuur la igula kacay aniga iyo ciriqa aan ku abtirsadaba”

Ninka Usaama sida tooska ah u weeraray,  kana badheedhi jiray aflagaadaynta oo lagu magacaabo James Robinson waxa uu ahaa waardiyaha amniga meheradda, waxa aanu caan ku yahay nacaybka Carabta oo uu ku tilmaamo in ay yihiin “Qudhun”, waxa aanu odhan jiray, Usaama Saalix waa in uu dib ugu noqdaa Yemen. Maxkamadda qaadaysay dacwaddan ayaa Robinson ku heshay dembi ah  xumayn iyo xad-gudub ka dhan ah xuquuqda Usaama Saalix. Waa markii ugu horreysay ee qof helo magdhow lacageed oo uu ku kasbaday “Argagaxiso” lagu sheegay awgeed, iyo in lagu shabbahay hoggaamiyihii Al-Qaacida Usaama Bin Laadin.