Dugsi Kor Loogu Qaadayo Aqoonta Carruurta Oo Laga Furay Hargeysa

0
477

Picture1Hargeysa  (Geeska) – Xaflad lagu daah-furayay Dugsi cusub oo casri ah oo aan hore noociisa oo kale dalka looga hirgalin ayaa Habeen hore  lagu qabtay Huteel Crown ee magaalada Hargeysa.

Xafladan lagu shaacinayay furitaanka Dugsigan aanu noociisu hore dalka Somaliland uga jirin, kaas oo loogu talo galay sidii loogu barbarian lahaa islamarkaana kor loogu qaadi lahaa daýarta reer somaliland ee fursada u hesha ayaa waxa ka soo qayb-galay dad aad u tiro badan oo ay ka mid yihiin qurbo-jooga reer Somaliland, xubno ka tirsan maamulka jaamacadaha dalka qaarkood iyo Agaasimaha Tacliilnta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada.

Guddoomiyaha Dugsigan Casriga ah Dr. Cabdi Huseen Gaas, oo ugu horayn ka hadlay  furitaankii xafladda daahfurka Dugsigan gaarka loo leeyahay oo la magac baxay International Academy for Educational Excellent, ayaa ka warbixiyey ujeeddada dugsigan gaarka loo leeyahay uu u sameeyey  aanay ahayn in uu lacag ka faa’iido, balse ay tahay in uu dhiso garaadka iyo aqoonta dayarta.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka waramay dusigan International Academy for Educational Excellent, (IAEE), in fasaladda uu ka koobanaan doono noqon doonaan kuwo ku haboon habka waxbarashada, isagoo sheegay in fasalkiiba ay wax ku dhigan doonaa 35 arday oo kaliya, isla markaana ay wax u dhigi doonaan, barina doonaan laba macali fasal kasta.

Guddoomiye Gaas waxa kale oo uu ka war bixiyay in Macalimiinta dugsigan ka hawl-geli doontaa ay noqon doonaan macalimiin aqoontoodu sarayso, kuna xeel dheer qaababka iyo noocyada  casriga ah ee caruurta loo dhiso garaadkooda iyo aqoontooda.

Waxaa iyaguna xafladdaa daahfurka ducsiga casriga ah ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo sharaxaad dheer ka bixiyey Dugsigan casriga ah ee uu soo kordhiyey Dr. Cabdi Huseen Gaas, iyo waxa uu ku soo kordhin doono aqoonta da’yarta casrigan joogta. Waxaanay Dr. Cabdi Gaas ku ammaaneen qaabkan waxbarasho ee cusub ee uu hindisay, waxaanay ku booriyeen bulshadda qaybaheeda kala duwan inay ubadkooda uga faa’iideeyaan fursadan qaaliga ah ee waxbarasho.