Qisada Maalqabeenkii Haddii Uu E-Mail Yeelan Lahaa Noqon Lahaa Shaqaale Hoosaadka Shirkadda Microsoft

0
766

Washington (Geeska)-  Muddo ay shaqo la’aani haysay kadib ayaa uu rajo fiican helay markii shirkadda caanka ah ee Microsoft ay u sheegtay in ay siinayso shaqo uu ka raadsaday oo ahayd badhi-wale (Adeege xafiis oo qaybaha kala duwan u qaada waraaqaha). Maamulihii waaxda shaqaalaha iyo shaqaalayta ayaa la kulmay si uu ugu wargeliyo shaqada arrimo kale oo muhiim u ahaana kala hadlo. Markii ay dhammaysteen ayaa uu maamuluhu ku wargeliyey in uu qoro e-mail kiisa si loogu soo diro dhambaalka loogu sheegayo in uu shaqadii helay.

Ninkii waxa uu maamulihii ugu jawaabay, “Ma’ lihi E-mal ii gaar ah iyo akoon bangi midna” maamulihii oo u arkay in ninkani aanu la jaanqaadi karin shaqada shirkaddan weyn ee tiknoolajiyadda ka shaqaysa ayaa si degdeg ah ugu jawaab celiyey, “Waa aan ka xumahay. Haddii aanad e-mail lahayn, taas macnaheedu waa in aanad dunidaba la socon, qof aan dunida la soconina shaqo halkan kama heli karo!”

Ninkii isaga oo niyadjabsan ayaa uu iska tegey. Markan waxaa jeebkiisa ku jiray 10 Doolar oo keliya, waxa uu go’aansaday in uu tago suuqa khudradda oo uu ka soo iibsaday 10 kiiloo oo khudrad ah kadibna ku sii iibiyo jidka uu sii socdo. Intii uu sii socday ayaa uu wada iibiyey tamaandhadii laba saacadood gudahoodna tobankii doolar ee uu haystay waxa ay u noqdeen 20  doolar, hunguri ayaa galay oo dhowr jeer ayaa uu arrintii ku celiyey waxa aanu gurigiisii ku noqday isaga oo 80 doolar sita.

Arrintani rajo fiican ayaa ay ninkan gelisay, waxa aanu bilaabay in uu subax kasta ku soo kallaho suuqan oo khudraddan soo jumlad iibsado kadibna jidadka ku iibiyo.

Muddo gaaban kadib ganacsigiisii waa uu batay oo gaadhi gacan (Kaariyoone) ayaa uu iibsaday, si uu khudradda ugu iibiyo, haddana waa ay sii badatay oo gaadhi yar oo dul furan ayaa uu iibsaday si uu noocyada kala duwan ee khudradda ugu iibiyo. Ugu dambayntiina baabuur badan oo shaaracyada kala duwan ee magaalada u diro ayaabu ka dhigay.

Shan sano kadib ninkani waxa uu noqday maalqabeen Maraykanka laga yaqaanno oo ka ganacsada khudradda iyo cuntooyinka kala duwan.

Maalin maalmaha ka mid ah oo uu ninkani qandaraas ganacsi gelayey ayaa ninkii dillaalka u ahaa uu ka dalbaday in uu u qoro E-mailkiisa si ay isugu dhaafsadaan qoraallada heshiiska, laakiin ninkii maalqabeenka ahaa ayaa u sheegay in aanu lahaynba E-mail. Dillaalkii uu warkaas u qaadan la’ ayaa ugu jawaabay, “E-mail ma’ lihid, haddana waxa aad ku guulaysatay in aad samayso ganacsiga sidan u weyn, bal ka warran haddii aad e-mail dadku kaala soo xidhiidho lahaan lahaydna sida uu u weynaan lahaa ganacsigaagu?!” isaga oo u jeeda in uu aad inta hadda uga sii weynaan lahaa. Ninkii ganacsadaha ahaa waxa uu ugu jawaabay, “Haddii aan e-mail lahaan lahaa, maanta waxa aan ahaan lahaa badhi-wale ka shaqeeya shirkadda Microsoft!!”