Qisada Gabadh Saygeeda U Guurisay Saaxiibaddeed, Muddo Kaddibna Sheegtay In Ay Kaga Noqotay Ninkii

0
1001

Dahraan (Geeska)- Muhtaab oo ah hooyo u dhalatay dalka Iiraan oo laba carruur ah dhashay, ayaa mar ay xanuunsatay, waxa uu dhakhtarkii ay tagtay ku sheegay in ay qabto xanuunka Kansarka. Muhtaab oo 35 sano jir ah waxa ay markiiba qaadday tallaabooyin ay geerida isugu diyaarinayso oo ay ka bilowday in ay saygeeda ku qasabtay in uu iyada saaxiibaddeed guursado. Sidiaas ay rabtay ayaa ay u dhacday oo saygeedii waxa uu guursaday iyada saaxiibadeed, ilmihii koowaad ayaana dhaqso ugu calool galay.

Muddo yar kaddib ayaa ay Muhtaab mar kale ku noqotay dhakhtarta si ay u soo ogaato xaalkeedu halka uu marayo, laakiin waxaa loo sheegay in shaybaadhkii hore loogu sameeyey qaldanaa, oo aanay haba yaraato ee cudurka Kansarka iyo cudur kale oo dilaa ah midna qabin. Haddii ay shaybaadh kale tagtayna isla arrintan ayaa mar kale loo sii xaqiijiyey. Muhtaab waxa ay u tagtay odaygeeda, waxa aanay ka dalbatay in uu dhaqso u furo saaxiibaddeeda ay iyadu marka hore minyarada uga dhigtay, laakiin waa uu ka diiday codsigaas.

Muhtaab waxa ay dacwad arrintan la xidhiidha ka furatay mid ka mid ah maxkamadaha arrimaha oqyska, oo markii dacwadda iyada iyo saygeeda la dhegeysanayey, ku doodday in sababta ay odaygeeda ugu guurinaysay ay ahayd wanaag ay qoyskeeda la doonaysay, dhimashadeeda kaddib, laakiin maadaama oo imika ay caddaatay in shaybaadhkaasi qaldanaa ay qasab tahay in ay tagto xaaskii beddelka ahayd ee ay ninkeeda sii siinaysay.

Dacwaddan oo lagu sheegay mid ku cusub, xitaa qareennada ruugcadaaga ah ee dalka Iiraan, ayaa la sheegay in ninka oo lagu magacaabo Muxammed Cali uu ku doodayo in isaga iyo xaaskiisa cusubi ay marka hore aad u diiddanaayeen in ay isguursadaan, laakiin ay qasab kaga dhigtay Muhtaab oo filaysay in ay dhimanayso, sidaa awgeed aanay suurtagal ahayn in uu haddana dalabkeeda aqbalo oo uu bannaanka dhigo xaaskiisa cusub oo aanu wax dhib ah ku arkin, isla markaana uur leh.

Muxamed waxa uu ku dooday in uu diyaar u yahay in uu labadiisa xaasba haysto, diyaarna u yahay daryeelkooda iyo la noolaanshiyahooda. Iyada oo la ogyahayna in sharciga dalka Iiraan oo ku dhisan shareecada Islaamku uu ninka u ogolyahay afar xaas.

Dacwaddan oo weli socota ayaa garsooraha qaadaya oo lagu magacaabo Bahruus Muhaadshir waxa uu sheegay in muddo tobannaan sano ah oo uu garsoore ka ahaa maxkamadaha arrimaha qoyska, ay dacwadda noocan ahi tahay mid imika ku cusub, waxa aanu dalbaday in la siiyo waqti dheeraad ah oo uu kaga baaraandego, ka hor inta anau go’aanka soo saarin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here