Qiimaha Shidaalka Oo Kor Uga Kacay Suuqyada Somaliland, Cadadka Lacagta Ku Biirtay Halka Litir Iyo Cabashada Gaadiidleyda

0
603

Haddii Qiimaha Shidaalku sidan sii ahaado, waxa laga yaabaa in Gaadiidka Dadweynuhuna kordhiyaan Qiimaha lacagta lagu raaco

Hargeysa (Geeska) – Qiimaha Shidaalka ayaa kor uga kacay Suuqyada Somaliland.

Qiimaha shidaalka ayaa si maalin leh isku beddelaya, iyadoo si joogto uu qiimihiisu kor ugu socdo.

Tusaale ahaan, inta aanu Qiimaha shidaalku isbeddelin ama kor u kicin waxa Halka Litir ee Patrol-ka ah lagu iibinayey 4500 shilin oo Somaliland, halka uu imika ka marayo 6500 shilin, taasi oo ka dhigan in Halkii Litirba ay ku biirtay lacag gaadhaysa 2000 shilinka Somaliland ah.

Dadka Gaadiidleyda ah oo qaarkood la hadlay Wargeyska Geeska Afrika la hadlay, ayaa sheegay in arrintani ay ku tahay culays, sidaasi darteedna loo baahan yahay in Xukuumaddu soo faro-geliso oo ay wax ka qabato “Markii hore 5-ta Litir ee aan gaadhiga ku shubto waxa la iga siin jiray 22 kun iyo 500, laakiin imika waxa la iga qaadaa 31 kun iyo 500..” ayuu yidhi, mid ka mid ah Dadka gaadiidka ku dhex wata Magaalada Hargeysa.

Isbeddelka ku yimid Qiimaha shidaalka, ayaa waxa sidoo kale la socda kor u kaca uu shidaalku sabab u yahay oo ku yimid Maceeshadda Quutal-daruuriga ah.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgeshiga Somaliland oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in sababta uu qiimaha shidaalku kor uga kacay gudaha Somaliland ay tahay in qiimaha shidaalku iska beddelay suuqyada Caalamka, laakiin haddii qiimaha shidaalku sidan sii ahaado, waxa suurto-gal ah in gaadiidka Dadweynuhuna ay kor u qaadaan Qiimaha lagu raaco, sida Basaska iyo Tagaasida oo kale.

 

Geeska.net/Hargeisa Office