Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Oo Ka Hadlay Warar Sheegaya Inuu Xilka Iscasilayo Iyo In Kale

0
484

Hargeysa (Geeska)  –  Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay Warar lagu sheegay inuu ka degayo Xilka uu Qaranka u hayo ee ah Guddoomiyaha Golaha Guurtida.

Toddobaadkii hore ayaa waxa soo baxay Warar kala duwan, kuwaasi oo lagu sheegay in Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan uu xilka iska casilayo, isla-markaana uu Wasiirka Arrimaha guduhu noqon doono Guddoomiyaha cusub ee Golahaasi.

Balse, Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo Shalay hadal kooban u jeediyey Mudaneyaasha Golaha Guurtida, ayaa meesha ka saaray inuu xilligan bannaynayo xilka Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland.

Saleebaan Maxamuud Aadan wuxuu sheegay in Guddoomiyaha Guurtidu hadduu is casilayo uu Warqadda istiqaaladda u gudbiyo Golaha Guurtida, balse aanu Madaxweynaha ama cid kale u dirin “Golahani isaga ayaa i doortay, cid alaale cid kale oo i doortay ma jirto, dadweyne ima dooran, Madaxweyne ima dooran, cid kale oo i dooratay ma jirto, haddii warka aad raadinaysaan bixinayo Golaha ayaan u sheegi, ma cid kale ayaan u sheegi, hawsheena aan wadano ajandihii baynu galaynaa” ayuu yidhi, isagoo iska fogaynaya Warka sheegaya in xilligan ka tagayo Xilka uu hayo.

 

Geeska.net/Hargeisa Office