Qiimaha Shidaalka Oo 12 Sano Halkii U Hoosaysay Ka Gaadhay Dunida Iyo Somaliland Oo Aan Laga Dareemin

0
837

New York (Geeska)- Shidaalka oo qiimihiisu tan iyo dabayaaqadii sannadkii hore aad hoos ugu sii socday ayaa mar kale qiimo dhac weyn uu ku yimid maalmihii u dambeeyey, waxa aanu gaadhay halkii ugu hoosaysay 12 sano, taas oo hoos martay Soddon Doolar foostadii.

Capture

Qiimaha Foostada Shidaalka ah ayaa salaasadii toddobaadkii dhowaa hoos uga dhacay 29.91 Doolar oo uu muddooyinkii u dambeeyey taagnaa, waxa aanu noqday shidaal jabkii ugu weynaa ee suuqyada dunida lagu arko tan iyo sannadkii 2003dii, in kasta oo uu isla maalintaa saacadaheedii dambe in yar kor ugu soo noqday $30.13 foostadii.

Shidaalka ayaa dunida oo dhan uu qiimihiisu boqolkiiba 30 hoos u dhacay sannadkii 2015ka, laakiin qiima dhiciisu intaas kuma uu joogsan ee haddana mar kale ayaa uu sannadkan 2016ka maalmihiisii ugu horreeyey hoos u dhacay boqolkiiba 20 dheeraad ka ah qiimo jabkii hore. Andy Lebov oo ka tirsan shirkadda shidaalka ee Liebov Co. ayaa mar uu qiimo jabka shidaalka uga waramay talefishanka Sky News oo ka mid ah ilaha uu Geeska Afrika warkan ka soo xigtay waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Suuqa shidaalka weli culays badan ayaa saaran, sababtuna waa saamaynta la filayo in ay qiimaha iibka shidaalka ku yeelan doonto soo noqoshada Iiraan ay ku soo noqonayso dhoofinta shidaalka. Kadib marka sida lagu wado dhowaan laga qaado cunaqabatayn muddo dheer ka saarnayd sayladaha shidaalak ee dunida”

Marka laga tago filashada ah in Shidaalka Iiraan uu suuqyada ku soo geli doono xaddi aad u badan oo qiimaha jebiya waxaa iyaduna arrinta qiimo jabka sii kordhisay ururka dalalka shidaalka dhoofiya oo aan laga filayn in ay qaataan wax go’aan ah oo ay shidaalkooda ku dhimayaan”

Dhinaca kalana war uu Geeska Afrika ka soo xigtay talefishanka Al-Carabiya ayaa sheegaya in khubaro ku xeeldheer ganacsiga shidaalku ay saadaalinayaan sida muuqata in shidaalka qiimihiisu uu la mid noqon doono ka lagu kala iibsado caagadda biyaha laga cabbo iyaga oo taas uga xujo dhiganaya qiimo dhaca weyn ee bilihii ugu dambeeyey sida joogtada ah ugu imanaya shidaalka. Wargeyska TIMES ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa isaga oo soo xiganaya shirkadda RAC ee Ingiriiska oo bixisa adeegyada gaadiidka waxa ay u sheegtay in sicirka halka Litir ee shidaalka ahi uu ku socdo in Toddoba sano gudahood uu noqdo in ka yar 1.23 Doolar, hoos u dhacaas xad dhaafka ah oo bilowgiisana la filayo in la arko isla sannadkan aynu ku jirno ee 2016ka.

Simon Williams oo ah afhayeenka shirkadda RAC ayaa waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxa aynu gaadhi doonnaa mar aynu rumaysan kari weyno, oo litirkii shidaalka Batrool ama Naafato uu ka jabnaado caagadda biyo sixada ah”

Shidaalka iyo Korontada ayaa dunida maanta looga aqoonsan yahay in ay ka mid yihiin aasaasiyaadka noloshada casriga ah, sababta koowaadna u yihiin warshadaynta iyo guud ahaan horumarka dhaqaale iyo nololeed ee bulsho, sidaa awgeed dalalka shidaalka loo soo dhoofiyo ayaa la filayaa in arrintani ay si weyn u caawin doonto una noqon doonto fursad ay ku sii kordhiyaan horumarkooda, waxaa iyadana la filayaa in qiimaha korontadu uu aad hoos ugu dhici doono meelo badan oo dunida ka mid ah maadaama oo shidaalku uu jabay.

Si kastaba ha ahaato ee Somaliland oo la odhan karo waxa ay ka mid tahay meelaha dunida ugu qaalisan dhinaca Korontada ayaa aanu illaa imika qiimo dhaca shidaalka dunidu wax saamayn ah ku yeelan, sidoo kale qiimo dhaca shidaalka dunida ku yimid ayaan si la taaban karo uga muuqan qiimaha iibka shidaalka ee Somaliland.