Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Oo Si Rasmi Ah Uga Bilaabantay Togdheer

0
571

Burco(Geeska)-Dalka Somaliland waxa shalay rasmiyan ka billaabantay  diiwaangelinta codbixiyaasha doorashada dhici doonta bisha March ee 2017-ka.

DDDDDDDDDD

163 goobood ayaa shalay lixdii subaxnimo ay ka billaabantay diiwaangelinta codbixiyaasha doorashada.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland Cabdilqaadir Iimaan ayaa sheegay in si fiican ay u socoto diiwaangelintu.

Gobolka togdheer oo isaga lagu billaabay hawsha iyadoo lixda gobol ee Somaliland mid walba bil loogu talo galay in dadka iska diiwaangeliyaan .

Waxaa la diiwaangelinayaa dadka da'doodu ka weyn tahay 16 sano jir ee Somaliland u dhashay ama muddo deganaa.

Cuqaasha deegaanka, wakiilo ka kala socda saddexda xisbi ee ka jira Somaliland ee waddani, kulmiye iyo UCID iyo shaqaalaha goobta oo ka kooban ardayda jaamacadaha iyo ciidanka ammaanka ilaalinaya ayaa jooga goob kasta jooga oo ay diiwaangelintu ka socota, waxaana qof kasta laga qaadaya faraha iyo sawirka indhaha iyadoo la isticmaalayo qalab casri ah oo koombiyuutar ku shaqeynaya .

Dhaqaala ku baxaya hawshani ayaa waxaa bixiyay xukumadda Somaliland iyo deeq-bixiyaasha caalamiga ah sida Midowga Yurub.

Xisbiyada ayaa abaabul weyn u galay in xisbi kastaa uu taageerayaashiisa keeno goobta u dhow deegaan kasta .

Gobolka togdheer oo ay hadda ka billaabatay diiwaangelinta ayaa marka ay ka dhamaato waxaa ku xigi doona gobolka Awdal kadibna gobolka Saaxil.