Qiimaha Sarrifka Dollarka Oo Hoos U Dhacay Iyo Quutal Daruuriga Oo Halkiisii Taagan

0
744

 

lacagHargeysa(Geeska)-Qiimihii sarrifka dollarku ka marayay magaalada caasimada Hargeysa ayaa maalmihii u dambeeyay meel hoose gaadhay, iyadoo aanay maceeshadiina wax ku kordhay mooye wax ka dhacay aanay jirin.

Qiimaha sarrifka 100-ka dollar ayaa shalay magaalada Hargeysa ka marayay 540,000, halka uu maalmo ka hor marayay 600,000, waxaana halkaas laga dareemayaa inuu jiro hoos u dhac ku yimid qiimihii sarifka dollarku ka marayay suuqyada dalka. Si rasmi ah looma garanayo sababta keentay hoos u dhaca qiimaha dollarka waxase la qiyaasayaa in dollar badan oo suuqyada soo galay uu arrintan sababay. Hase yeeshe hoos u dhaca qiimaha sarifka dollarku, wuxuu saamayn ku yeeshay bulshada Somaliland ee danyarta u badan maadaama oo qiimihii quutal daruuriga kala duwan aanay waxba iska bedelin iyadoo weliba uu hoos u dhacani ku soo beegmay bisha barakaysan ee Ramadaan.

Sidaas oo kale qiimaha halka litir ee Batroolka ah ayaa u muuqda inuu maalinba maalinta ka dambaysa sare u sii kacayo. Hargeysa gudaheeda waxa uu litirka Batroolka ahi ka marayaa qiyaastii 7000 SLSH (Toddoba kun), waxa isna loo tirinayaa shidaal yaraan dalka ka jirta, inkastoo ay xukuumaddu arrintaas dafirto.

Si kastaba ha ahaate dhibaatooyinkan oo dhami waxa ay hadimo ku yihiin bulshada danyarta ah ee Somaliland kuwaas oo aan awoodi karin gadashada quutal daruuriga, mana jiro wax qorshe ah oo muuqda oo ay xukuumadu ku doonayso inay dhibaatadan ku xaliso, masuuliyiinta ku shaqada lihina indhaha ayaad moodaa inay ku daawanayaan dhibaatadan.