Wasiir Xaabsade Iyo Taliye Saqadhi Oo Soo Bandhigay Waxyaabihii Loo Adeegsan Jiray Qaraxyada Lascanod

0
616

 

 

xaabsade

Hargaysa(Geeska) Ciidamada booliska ee gobala Sool iyo masuuliyiinkale ayaa shalay ku soo bandhigay magaalda Laasacaanood hub la sheegay in loo adeegsado  argagixiso, qalabkaas oo lagu soo qabqabtay hawlgal ay si wada jira u fuliyeen cidamda booliska iyo kuwa qaranku, waxa  sidoo kale lagu soo qabtay saddex qof oo ku eedaysan inay fulin jireen falalka argagixiso ee magaaldaas laasacaanood lagula beegsan jiray  masuuliyiinta ka tirsan Somaliland.

Bandhigii hubkaas waxa goob joog ka ahaa  wasiirka warfaafinta Axmed Cabdi Xaabsade, Wasiirka ganacsiga Cabdirisaaq Khaliif Axmed, taliyaha ciidamda booliska Somaliland  Maxamed Saqadhi Dubad, badhasabka gobalka Sool Maxamed Maxamuud Cali taliyaha ciidamda booliska ee gobalka Sool Cali Ismaaciil Faarax,maayarka magaalda lasacanood iyo masuuliyiin kale.

Ugu horayntii waxa faah faahin ka bixiyay hubkaas argagixiso ee la soo qabtay iyo noocyadiisa taliyaha ciidmada booliska ee gobalka Sool Cali Ismaaciil Faarax waxaana hadaldiisa kamid ahaa “Halkan waxa yaala alaabtii cadawga noolaha oo nooc walba leh dad iyo duunyaba waa u cadaw, waxa yaala baaruudii, miinadii,rimuudkii,baastoladii,waayiradii la siticmaalayay, masaabiir, daynabadii, waxa kaloo yaala joogii alaabtaas lagu soo guray, waxa yaala cajaladii fariimaa laysugu dhiibayay, xabagtii,dismiskii iyo xabagtii, waxa taala saacadii wax lagu qarxinayay, wax alaale iyo waxii noolaha cadawga u ahaa oo dhan ayaa yaala. Ciidamda booliska iyo kuwa qarankuba way iska kaashadeen hawlgalkan, dhawr meelod ayaa alaabta laga soo kala saaray oo ay kamid tahay dhisme dhexdii, dhul hoostii oo aanu qodnay, waxa laga soo saaray siliga guryaha dhexdiisa ilaahay ayaan mahadaa leh.”

Sidoo kale waxa xafladaas lagu soo bandhigayay hubka loo adeegsado falalka argagixiso ee lagu qabtay magaalda laasacaanood hadalo adag ka soo jeediyay wasiirka war faafinta Axmed Cabdi Xaabsade oo daboolka ka qaaday inay ku guulaysteen xarintii falalka argagaxiso ee magaalda Laasacaanood laga fulin jiray waxaana hadaladiisa kamid ahaa“Maanta waxa aanu gaadhnay guul aad u balaadhan oo ah 17 dil baa ka dhacay magaaladan, haddana xaruntii waxani ka soo baxayeen waanu halnay waanan haynaa, waxa nasiib daro ah dadka magaalada jooga ee u dhashay looma iman karo lagamana shaqayn karo hadaany iyagu gacanta ku haynin oo aanay u sahlahayn inay waxaasu  fulaan. Kii guriga ka kiraynayay, Kii raashinka siinanayay, kii la shaqaynayay iyo kii garsb siinayay intuba waxa ay ahaayeen dadkii magaalsda anaguna waxanu balan qaadaynaa waxii arintaa ku lug yeesha inaanu talaabo sharciya ka qaadayno. Guryaha laga kireeyay ninka leh iyo ka ka kireeyayba talaaban ka qaadaynaa maxaa yeelay waa uu ogyahay gurigiisa waxa yaala.”

Magaalda Laasacaanood ayaa maalmihii u danbeeyay waxa ciidamda boolisku ay ka wadeen hawlgalo lagu daba joogo kooxaha magaaldaas ka gaysta dilalka qorshaysan, waxaana inta badan magaalsda Laasacaanood si wayn looga dareemayaa dhaq dhaqaaqa ciidamada. Sida ay masuuliyiintu aaminsanyihiin waxay u muuqataa in hadda la helay furihii mushkiladda Lascanod oo noqotay magaalo bahalo galeen ah.