Suldaan Maxamed Oo Si Kulul Uga Hadlay Khilaafka UCID, Daboolkana Ka Qaaday Sir Uu Sheegay Inuu Ka Hayo Sifir Iyo Madaxweynaha

3
1074

 

suldaan

Hargeysa (Geeska) Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi ayaa ka hadlay khilaafka soo kala dhex galay xisbiga Ucid, waxaanay digniin culus u soo jeediyeen xukumada Somaliland ee uu hogaaminaayo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Sidoo kale suldaan Maxamed Sudlaan Cabdiqaadir wuxuu ka hadlay qorshe lagu damacsan yahay in lagu mideeyo Somaliland iyo Somaliya, taas oo bilihii la soo dhaafay lagaga dooday sida uu sheegay dalka Jabuuti.

Ugu horayn wuxuu ka hadlayaa Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir khilaafka xisbiga Ucid ka dhex aloosan, wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan gocday in aan ka hadlo arrinta xasxaasiyada ku kicinaysa umada reer Somaliland ee xisbigan Ucid. Xisbi waliba horta wuxuu leeyahay shuruuc iyo qodobo dastuuriya, waxaanan filayaa haddii la is yidhaahdo qalaan qal iyo qas galiya cid walba waxaa soo qabanaysa waxa weeye shuruucda xisbiga u taala. Xisbigu markuu wax badalaayo wuxuu wax ku badalaa congress, laakin waxaa jirta mar aan congress-ka wakhtigiisi dhawayn, laakin uu gudoomiyuhu u leeyahay awood inuu cidna badalo cidna xisbiga ku soo daro. Xubnaha xisbiga ka tirsan ee imika dhinaca kale ka soo jeeda Aadan Waqaf oo kale waxba kala qarsanmayno oo waxa weeye si cad gudoomiyaha ayaa u magacaabay isaga oo markii hore ahaa wasiirkii gaashaandhiga ee Somaliland, markii xilkii laga qaaday Faysal ayuu ahaa cidii xisbiga ku soo dartay, congress-na laguma dooran shuruud kale oo loo marayna anigu maan arkayn. Markaa in maanta xisbigi isku qabsado wax aan macno lahayn, anaga waxay nala tahay qas iyo wareer in meesha loo jeedo. Xubno qaarkood in la yidhi soo bur buriya xisbiga way dhici kartaa, laakin xisbigu mid ku bur buraya qof iyo laba iyo saddex uma aragno, waana xisbi qaran oo axsaabta kale ee  qaranku ee labada ahi haddii ay ka talin waayaan  wanaaga iyo samaha xisbiga Ucid jiritaankiisa, waxa weeyaan xisbina xisbi ma xukumi karo mafaatiixna kama haysan karo. Madaxweynaha waxaa loogu dhiibay mafaatiixda xisbiga in marka uu akhristo shuruucda u taala inuu furayaasha u soo celiyo gudoomiyaha xaqa u leh. Cidii ku gardaroota xisbigana anagu waxaanu u aragnaa cid qaranimadayada baabinaysa, sidaas-daraadeed maamada oo uu madaxweynuhu muddo gacanta ku hayey furayaashii xisbiga waxaanu ka codsanaynaa inuu cidii xaq u lahayd gacantooda ku soo celiyo xisbigina uu sidaas ku hawl galo, haddii taas la waayo xisbi xisbi ka haysan maayo furaha oo laba mid uun weeye in xisbigii furayaashiisii loo soo celiyo oo cidii xaqa u lahayd ee mutaysatay ee ku soo halgantay ee soo aas aastay gacantiisa la soo galiyo iyo in cidii la yidhaahdo waa lagaa xoog roon yahay oo ay xoog xoog noqoto oo hadii ay dagaal noqotana diyaar ayey u madu u tahay inay magaca xisbigooda ku dagaalamaan.

Geesta kale Suldaanka ayaa cod dheer ku sheegay in la maleegaayo qorshe madaxweynaha Somaliland lagu damacsan yahay in madaxweyne looga dhigo dalka qalalaasuhu ka taagan yahay ee Soomaaliya, waxaanu hadalkiisa ku yidhi “Shirkii la iskugu yimi jabuuti ee ay aqoon yahanada Soomaaliyeed oo dhami isugu yimaadeen, umada reer Somaliland wali shirkaas go’aamadiisa may akhrisan, kuwaasna anaa saxaafada u dhiibi oo go’aamadii ka soo qaatay jabuuti kana qayb qaatay. Runtu waxay tahay oo uu shirku u furmay bur burinta Somaliland. Shirkaas aqoonyahanadu isugu yimaadeen waxaa la yidhi madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland halaga dhigo madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya, madaxweynaha Puntland waa inuu ku soo baxaa madaxweyne ku xigeen ama ra’iisal wasaare kolba sida ay isla qaataan Somaliland iyo Puntland. Ciidanka Sh. Shariif UN-ku u tobabaray, ciidankaas, ciidanka Somaliland iyo ka Puntland, saddexdaas ciidan waa in laga dhigaa ciidamo qaranka Soomaaliyeed. Rag baa jiray soo maray madaxweynaha iyaga oo shirkaas u socda. Cismaan Jaamac markuu halkan soo maray shirka jabuuti ayuu ku socday, Sifir ninka la yidhaahdaa shirka jabuuti ayuu u socday oo madaxweynahana way is arkaan oo wixi ay isku arkeena waxyaabo badan ayaa ka soo baxay. Sifir markii ugu danbaysay ee uu ka soo baxay Jabuuti halkan (Somaliland) ayuu soo maray oo madaxweynaha way is arkeen. Is aragoodii balankii lagu kala tagay E-mailkii uu Sifir u soo diray rag jabuuti jooga oo aanan halkan magacyadooda ka sheegayn wuxuu yidhi madaxweynuhu wuxuu qabsaday muddo, hal sano hala i siiiyo sidii aan u kala jab jabin lahaa maamulka Somaliland. Waxaan filayaa waxyaabahan dhacaya imika inay taasi ku sal leedahy oo ay xaqiijinteedina intaas tahay. Waxaan leeyahay madaxweynaha heshiis kaligaa ma gali kartid oo umada Somaliland way u soo jeedaa gobanimadeeda iyo gooni isu taageeda, waxaan leeyahay axsaabtan muranka dhex yaala hadii aad dhamayn kari waydo odayaal dhaqameed ayaa wadanka jira soo dhex dhig oo furayaasha noo soo wareeji anaga ayaa arrinkooda galiye. Waxaan ku boorinayaa madaxweynaha”.

Waxaa isna shirkaas jaraa’id ka hadlay Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi oo ka mida salaadiinta Somaliland, waxaanu sheegay in si qaawan loola dhaqmay masuuliyiinta xisbiga Ucid, waxaanu yidhi “Waxaan qabaa in aanay xiniiyo waqaf ku jira ahayn kuwa lagu haysto Ucid ama Faysal ee ay yihiin kuwo laabta loo garaacaayo oo laga danbeeyo, waxaan leeyahay halaga daayo sidan qaawan ee wax loo wado, hadii sidan qaawan laga dayn waayo si qaawan ayaa loo wada hadli doonaa, nabaduna waxay dan u tahay raga kursiga dahabka ah ku fadhiya ee imika laabta garaacaya, waxaan leeyahay kursiga dabahbka reer idinma keenin ee Somaliland oo dhan ayaa idin keentay, waxaan idin leeyahay ka daaya awooda aad ku isticmaalaysaan xisbiga. Maalintii baarlamanka laga qufulay ragii ku dhintay wali way nagaga maqan yihiin, waxaanan ku ilawnay nabad galyadii Somaliland, hadii laga dayn waayo rag danbe ayaa ku dhiman doona oo si cad ayaa la isugu iman doonaa, sidaas daraadeed waxaanu leenahay halaga daayo sidan loola dhaqmaayo xisbiga Ucid iyo gudoomiyahan kolba guriga laga xidhanaayo. Hadiise la doonaayo in la wada ilaaliyo nabad galyada Somaliland diyaar ayaaH

argeysa (Geeska) Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi ayaa ka hadlay khilaafka soo kala dhex galay xisbiga Ucid, waxaanay digniin culus u soo jeediyeen xukumada Somaliland ee uu hogaaminaayo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Sidoo kale suldaan Maxamed Sudlaan Cabdiqaadir wuxuu ka hadlay qorshe lagu damacsan yahay in lagu mideeyo Somaliland iyo Somaliya, taas oo bilihii la soo dhaafay lagaga dooday sida uu sheegay dalka Jabuuti.

Ugu horayn wuxuu ka hadlayaa Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir khilaafka xisbiga Ucid ka dhex aloosan, wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan gocday in aan ka hadlo arrinta xasxaasiyada ku kicinaysa umada reer Somaliland ee xisbigan Ucid. Xisbi waliba horta wuxuu leeyahay shuruuc iyo qodobo dastuuriya, waxaanan filayaa haddii la is yidhaahdo qalaan qal iyo qas galiya cid walba waxaa soo qabanaysa waxa weeye shuruucda xisbiga u taala. Xisbigu markuu wax badalaayo wuxuu wax ku badalaa congress, laakin waxaa jirta mar aan congress-ka wakhtigiisi dhawayn, laakin uu gudoomiyuhu u leeyahay awood inuu cidna badalo cidna xisbiga ku soo daro. Xubnaha xisbiga ka tirsan ee imika dhinaca kale ka soo jeeda Aadan Waqaf oo kale waxba kala qarsanmayno oo waxa weeye si cad gudoomiyaha ayaa u magacaabay isaga oo markii hore ahaa wasiirkii gaashaandhiga ee Somaliland, markii xilkii laga qaaday Faysal ayuu ahaa cidii xisbiga ku soo dartay, congress-na laguma dooran shuruud kale oo loo marayna anigu maan arkayn. Markaa in maanta xisbigi isku qabsado wax aan macno lahayn, anaga waxay nala tahay qas iyo wareer in meesha loo jeedo. Xubno qaarkood in la yidhi soo bur buriya xisbiga way dhici kartaa, laakin xisbigu mid ku bur buraya qof iyo laba iyo saddex uma aragno, waana xisbi qaran oo axsaabta kale ee  qaranku ee labada ahi haddii ay ka talin waayaan  wanaaga iyo samaha xisbiga Ucid jiritaankiisa, waxa weeyaan xisbina xisbi ma xukumi karo mafaatiixna kama haysan karo. Madaxweynaha waxaa loogu dhiibay mafaatiixda xisbiga in marka uu akhristo shuruucda u taala inuu furayaasha u soo celiyo gudoomiyaha xaqa u leh. Cidii ku gardaroota xisbigana anagu waxaanu u aragnaa cid qaranimadayada baabinaysa, sidaas-daraadeed maamada oo uu madaxweynuhu muddo gacanta ku hayey furayaashii xisbiga waxaanu ka codsanaynaa inuu cidii xaq u lahayd gacantooda ku soo celiyo xisbigina uu sidaas ku hawl galo, haddii taas la waayo xisbi xisbi ka haysan maayo furaha oo laba mid uun weeye in xisbigii furayaashiisii loo soo celiyo oo cidii xaqa u lahayd ee mutaysatay ee ku soo halgantay ee soo aas aastay gacantiisa la soo galiyo iyo in cidii la yidhaahdo waa lagaa xoog roon yahay oo ay xoog xoog noqoto oo hadii ay dagaal noqotana diyaar ayey u madu u tahay inay magaca xisbigooda ku dagaalamaan.

Geesta kale Suldaanka ayaa cod dheer ku sheegay in la maleegaayo qorshe madaxweynaha Somaliland lagu damacsan yahay in madaxweyne looga dhigo dalka qalalaasuhu ka taagan yahay ee Soomaaliya, waxaanu hadalkiisa ku yidhi “Shirkii la iskugu yimi jabuuti ee ay aqoon yahanada Soomaaliyeed oo dhami isugu yimaadeen, umada reer Somaliland wali shirkaas go’aamadiisa may akhrisan, kuwaasna anaa saxaafada u dhiibi oo go’aamadii ka soo qaatay jabuuti kana qayb qaatay. Runtu waxay tahay oo uu shirku u furmay bur burinta Somaliland. Shirkaas aqoonyahanadu isugu yimaadeen waxaa la yidhi madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland halaga dhigo madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya, madaxweynaha Puntland waa inuu ku soo baxaa madaxweyne ku xigeen ama ra’iisal wasaare kolba sida ay isla qaataan Somaliland iyo Puntland. Ciidanka Sh. Shariif UN-ku u tobabaray, ciidankaas, ciidanka Somaliland iyo ka Puntland, saddexdaas ciidan waa in laga dhigaa ciidamo qaranka Soomaaliyeed. Rag baa jiray soo maray madaxweynaha iyaga oo shirkaas u socda. Cismaan Jaamac markuu halkan soo maray shirka jabuuti ayuu ku socday, Sifir ninka la yidhaahdaa shirka jabuuti ayuu u socday oo madaxweynahana way is arkaan oo wixi ay isku arkeena waxyaabo badan ayaa ka soo baxay. Sifir markii ugu danbaysay ee uu ka soo baxay Jabuuti halkan (Somaliland) ayuu soo maray oo madaxweynaha way is arkeen. Is aragoodii balankii lagu kala tagay E-mailkii uu Sifir u soo diray rag jabuuti jooga oo aanan halkan magacyadooda ka sheegayn wuxuu yidhi madaxweynuhu wuxuu qabsaday muddo, hal sano hala i siiiyo sidii aan u kala jab jabin lahaa maamulka Somaliland. Waxaan filayaa waxyaabahan dhacaya imika inay taasi ku sal leedahy oo ay xaqiijinteedina intaas tahay. Waxaan leeyahay madaxweynaha heshiis kaligaa ma gali kartid oo umada Somaliland way u soo jeedaa gobanimadeeda iyo gooni isu taageeda, waxaan leeyahay axsaabtan muranka dhex yaala hadii aad dhamayn kari waydo odayaal dhaqameed ayaa wadanka jira soo dhex dhig oo furayaasha noo soo wareeji anaga ayaa arrinkooda galiye. Waxaan ku boorinayaa madaxweynaha”.

Waxaa isna shirkaas jaraa’id ka hadlay Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi oo ka mida salaadiinta Somaliland, waxaanu sheegay in si qaawan loola dhaqmay masuuliyiinta xisbiga Ucid, waxaanu yidhi “Waxaan qabaa in aanay xiniiyo waqaf ku jira ahayn kuwa lagu haysto Ucid ama Faysal ee ay yihiin kuwo laabta loo garaacaayo oo laga danbeeyo, waxaan leeyahay halaga daayo sidan qaawan ee wax loo wado, hadii sidan qaawan laga dayn waayo si qaawan ayaa loo wada hadli doonaa, nabaduna waxay dan u tahay raga kursiga dahabka ah ku fadhiya ee imika laabta garaacaya, waxaan leeyahay kursiga dabahbka reer idinma keenin ee Somaliland oo dhan ayaa idin keentay, waxaan idin leeyahay ka daaya awooda aad ku isticmaalaysaan xisbiga. Maalintii baarlamanka laga qufulay ragii ku dhintay wali way nagaga maqan yihiin, waxaanan ku ilawnay nabad galyadii Somaliland, hadii laga dayn waayo rag danbe ayaa ku dhiman doona oo si cad ayaa la isugu iman doonaa, sidaas daraadeed waxaanu leenahay halaga daayo sidan loola dhaqmaayo xisbiga Ucid iyo gudoomiyahan kolba guriga laga xidhanaayo. Hadiise la doonaayo in la wada ilaaliyo nabad galyada Somaliland diyaar ayaanu u nahay ee si bilaa shuruuda haloogu soo celiyo furayaashii xisbigiisa iyo gudoomiyaha.”

 nu u nahay ee si bilaa shuruuda haloogu soo celiyo furayaashii xisbigiisa iyo gudoomiyaha.”

Comments are closed.