Nin Ambaday, Meel Uu U Kacay Way Ula Eekaatay:- Ismaaciil O. Laari

8
222

 

maqaalTaas waxa la mid ah Siyaasadda Debedda ee Dawladda SomaliLand ee hadda Talada haysa.

Markii ay dawladda hadda jirtaa talada la wareegtay waxay ku dhawaaqday in Siyaasadda Debedda ay wax ka bedelidoonto lana imandoonto hab cusub oo lagu raadinayo Ictiraaf Caalami ah.

Dad badani waxay ka warsugayeen in Dawladdu u soo bandhigidoonto labada Gole ee Sharci-dejinta iyo ka Guurtida Nidaamka cusub ee dawladdu ku dhwaaqday inay ku hagayso Siyaasaddeeda Debedda si labada Gole u siiyaan kalsooni, ama u diidaan haddii habka Cusubi ka hor-imanayo Goàankii 18 May 1991 Shacabku kula soo noqday Dawladoodii 26 June 1960 ee ay ku darsadeen Soomaaliya 1st July 1969. Halkii laga sugayey inay Dawladdu soo bandhigto Qorshaheeda Cusub ee ay ku dhawaaqday ayaa mar keliya waxaa Shacab-weynaha reer SomaliLand ku noqotay Fajiciso iyo Anfariir Wasiirkii Arimaha Debedda oo ka qayb-galay shir loogu qabtay Kooxa Soomaaliya UK!!!! Waxay ahayd markii ugu horaysay ee Magac SomaliLand ah lagaga qayb-galo Shir loo qabtay qaybaha isku haya Soomaaliya oo SomaliLand ku jirto.

Taasi waxay Dhirbaaxo weyn iyo dhabar-jebin ku noqotay Goàankii 18 May 1991 Shacabku qaadtay ee ay kula soo noqdeen Dawladoodii Lixdankii !!!!!!!  Dhinaca kale ka qayb-galka shirkaasi waxa uu u noqday Dadka diidan jiritaanka SomaliLand gaar ahaan Koonfurtii lala midoobay farxad iyo reynreyn , kuwaas oo hore quus uga taagnaa in SomaliLand ka noqoto Goàankeeda , waxaanu ku beeray ididiilo weyn oo ah in jiritaanka SomaliLand waaqici ahayn  meela aanuu gaadhsiisaneyn,lana mid yihiin maamul Gobolada kale sida Punland iyo Galmudug .

Fool xumada iyo shikaga ka qayb-galka shirkaasi uu huwanaa waxaad ka garankartaa Wasiirka Arimaha Debedda ee ka qayb-galay oo sida la sheegay markii uu Madaarka Hargeysa ka soo degay si dhuumasho ah magaalada u soo galay cabsi uu ka qabo gadood shacbi darteed. Xagga Beesha Caalamka ka qayb-galka shirkaasi waxa uu tusay in SomaliLand Goàankeeda laga soo celinkaro oo aanay wax ka soo qaad lahayn sheegashadooda ah in aanay Soomaliya ka mid ahayn ayse yihiin SomaliLand oo xornimadeeda qadatay 26 June 1960 lana midawday Somaliya 1st July 1960.

 Hadaba waxa is weydiin leh Dawladda talada dalka haysaa maanta ee tidhi waxaanu la imaneynaa isbedel Siyaasadeed, taladeedii ma waxay noqotay shaki-gelinta jiritaanka Somaliland?

 Runtii Mawqifkaas ahaa in SomaliLand aanay marnaba ka qayb-gelin shir loo qabanayo Soomliya haddii aan marka hore aan la aqoonsan jiritaanka SomaliLand oo dhalatay 26 June 1960, dhaxashayna  xudoodo Caalami ah, iskeedna ugu biirtay Soomaaliya 1st July 1960, ujeedaduna ay ahayd in la helo Soomaaliweyn , lana waayey Soomaliweyn, labadii midoobayna dhib kala muteen, goàansadayna shacab –weynaha reer SomaliLand eyaga oo isu dhan Madax iyo Minjoba,Cidna aan la qasbin inay la soo noqdaan Dawladoodii Lixdankii ee ay geeyeen Xamar,  ma garan karno Dood ka qaro-weyn kana Cad oo ay la imankarato dawlad kasta oo SomaliLand ka dhisantaa ,ha noqoto tan hadda jirta ama ha noqoto mid imandoontaè. Mawqifkaas xaqiiqda taariikhiga ah ku qotoma ee ay hore u goàansadeen Shacab-weynaha reer SomaliLand ee ay shardi uga dhigeen ka qayb-gal shir magac Soomaliyeed lagu qabanyo waa mawqifkii ay hore ugu taagnaayeen dawladihii kale dambeeyey ee soo maray SomaliLand. 

Dawladdii Daahir Riyaale oo runtii aad shacabku ugu nacay musuqmaasaq iyo siyaasad xumo dalka  gudihiisa ah waxay aad iyo aad ugu amaanayd mawqifyadeeda Siyaasadeed ee ay iska taagi jirtay markasta oo loogu yeedho inay ka soo qayb-galaan shirarka loo qabanayo kooxa Soomaliya .  

 Waxaan aad ula yaabay weedh ka soo yeedhay Wasiirka arimaha Debedda shir Jaraaìd oo uu ku qabtay Madaarka Hargeisa markii uu u ambabaxayey Shirkii Nairobi ee Golaha Amaanku ugu yeedhay Qaybaha ay yidhaahdaan waxay isku hayaan Siyaasadda Soomaaliya oo  SomliLand-na ku jirto.

Wasiirka oo ka warbixinaya shirka ay ka qayb-gelayaan ayaa waxa uu ku tilmaamay inay u tahay Guul SomaliLand ka qayb-galka shirkaas!!!!!!!!!!!! Wasiirku isaga oo guushaas(waa sida uu isagu u haystee) macneynaya waxa uu yidhi: Golaha Ammaanku aad ayey u mahadsan yihiin waayo waxay naga aqbaleen Codsigayagii ahaa inay annaga si gaar ah noola kulmaan oo ayna na dhex-fadhiisin Qaybaha kale ee Soomaaliya !

Waxa aad u nasiibdaro ah in Wasiirka Arimaha Debadda ee SomaliLand garanba hadafka shirka loo qabanayo iyo Cidda loo qabanyo! Waxa kale oo aad u nasiibdaro ah in Wasiirku ku sheego Guul Codsiga  uu leeyahay waa nalaka aqbalay!

 Wasiirkeenu maba aha nin habeenba jiray haddii uu u haysato inuu Guul ugu soo hooyey SomaliLand Codsiga uu leeyahay waa layga aqbalay!

Waxa xaqiiqo ah in shirka Nairobi loo qabtay Qaybaha Soomaliya oo dhan oo ay SomaliLand-na ku jirto. Ka qayb-galka SomaliLand ay shirkaas ka qay-gashaana macnaheedu waxa uu yahay SomaliLand oo aqbashay inay ka mid tahay Soomaaliya. Taas waxa markhaati u ah Codsiga uu sheegayo Wasiirka Arimaha Debeddu ee uu leeyahay waa nala ka aqbalay. Taas oo macnaheedu yahay : waanu aqoonsanahay inaanu Soomaliya ka mid nahaye min fadlakum si gaar ah anaga  noola kulma!

Inkasta oo aynaan caddeynkarin in laga aqbalay SomaliLand codsigaas bahdilaada ah iyo inkale, ayaa haddana ka qayb-galaka shirkaasi waxa uu u noqday  kuwa neceb jiritaanka SomliLand oo ay ugu horeeyaan kuwa ku uruuray Idaacadda bbc-da damaashaad iyo dabaal-deg, waxayna ku sheegeen wararkii ay soo gudbinayeen in “ Wufuuddii qaybaha kala kedisan ee Soomaaliya oo ay SomaliLand-na ku jirto Miis soo wada fadhiisteen kalana arinsadeen Xubnaha ka socda Golaha Ammaanka xal u helidda Mushkuladda Soomaaliya.”

Inkasta oo Wasiirka aramaha Debaddu ku dooday in aanay shirkaas qaybaha kale ee Soomalida kala qayb-gelin haddana waxaa shaki wayn laga qabaa in SomaliLand shirkaas si dadban u dhex fadhiisatay, shakhsi  metelena u dirsadeen. Waayo, waraysi Wasiirku siiyey warbaahinta, gaar ahaan Idaacadda bbc-laanta Afsoomaaliga si cad uma diidin sheekadaas, ilaa haddana maynu maqal wax ashakato ah ama dacwad ah oo ay ka muujiyeen warkaas ah in shakhsi sheeganaya inuu ka socda SomliLand ku fadhiistay kursigii SomaliLand loogu talogalay. Haddiise Wafdigu arintaas waxba aanuu kala socon ayseba dhacday miyaanay ahayn inay kala xidhiidhaan Ciddii Shirka qabanqaabinaysay sida arinkaasi u dhacay raali-gelin rasmi ahna ka dalbadaan. 

 

Si kastaba ha ahaatee wax shaki ah kama qabo in  Madaxweyne Axmed – Siilaanyo iyo Dawladdisu daacad ka tahay Qaranimada SomaliLand, wasiirkiisa  arimaha debedduna daacad u yahay dalkiisa iyo dadkiisaba, xaalkuse ka yahay nin Ambaday meel uu u kacay waa ula ekaatay.

 

Ugu dambeyntii waxaynu xusuusinaynaa Dawladdeena ka qayb-galka shirarka noocaas ah iyo kuwa la midka ahiba  inay shaki weyn gelinayaan gudo iyo debedba Dooda SomaliLand ee ah inay ahaayeen Dal jiray,xornimadiisana qaatay 26 June 1969,lana midoobay Sooomaaliya 1st July 1969,xaqna u leh inay dib uga noqdaan midawgaas. Marka keliya ee Soomaaliya la is hor fadhiisankaraana waa marka laga xisaabtamayo labadii dawladood ee laysku daray 1st 1960. Taasina waxay imankartaa oo keliya marka Soomaaliyadii Lixdankii Talyaaniga Gobanimada ka qaadatay Degenaasho ku soo noqoto,yeelatana  Dawlad ay u dhanyihiin. Suurogalna ma aha in la yidhaado xoriyadda SomaliLand ha la weydiiyo Soomaaliya, Beesha Caalaamkuna inanama duudsiinkarto Xoriyaddii aynu qaadanay 26 June 1969.

 

Gebogebo ahaan waxaan ku soo goynayaa Maqaalkan malaha waxa fiicnaan lahayd 26 June in loo xuso Qaranimada SomaliLand, 18 May-na  loo aqoonsado ka noqoshadii Midawgii Lixdankii . Waayo, SomaliLand ma ay dhalan 18 May 1991 ee waxay dhalatay 26 June 1969 wayse luntay, Sumadda dib loogu helikaraana waa 26 June 1969.

 

Ismaaciil O. Laari, Switzerland

Comments are closed.