Qaraxyo Xalay Gilgilay Magaalada Muqdisho

0
532

Picture5Muqdisho(Geeska)-Magaalada Muqdisho ee Somaliya, waxa xalay gilgilay  Qaraxyo kala duwan oo inta badan lagu qaaday Xarumo ay Ciidamada Dowladda iyo AMISOM ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

Qaraxyadan oo ahaa kuwo loo adeegsaday bambooyinka gacmaha, ayaa ahaa kuwo qorshaysan, waxaanay saameeyeen dhammaan degmooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo inta badan ee magaaladana si weyn looga maqlayay dhawaaqooda.

Sidoo kale Dhawr Qarax ayaa Laga Maqlay meelo ay ka mid yihiin waddooyinka Makka Al Mukarra, Wadada u dhexeysa KM4 iyo Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho iyo weliba qeybo ka tirsan Degmada Wada Jir ee Gobolka Banaadir.

Boolisku xalay kamay soo saarin wax war ah qaraxyadan, lamana garanayo cidda wax ku noqotay marka laga reebo wiil dhallinyaro ah oo la sheegay inuu ku geeriyooday.