Xildhibaanada Golaha Wakiilada Oo Su’aalo Badan Weydiiyay Wasiirka Madaxtooyada Oo Shalay Hortagay

1
3039

Picture6Hargeysa (Geeska) – Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo shalay hor tagay Mudanayaasha golaha Wakiilada Somaliland, ayaa u jeediyay war-bixin koobsatay waxqabadka guud ahaan hay’adaha kala duwan ee qaranka Somaliland, sida wasaaraddaha, hay’adaha Madaxa-banaan iyo ciidamada qalabka.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, waxa kale oo uu ka hadlay dilalka dalka ka dhacay sanadkan iyo sanadkii hore, dadka ciidamada la dagalaanka argagixisadu xidh-xidheen, tiradda dadka la xukumay iyo weliba kuwa marxaladdii baadhitaanka maraya.

Wasiirka Madaxtooyada oo la waydiiyey su’aalo badan oo culayskooda lahaa, ayaa isaga oo ugu horeyn ka hadlaya dambiyada dalka ka dhacay iyo sida ay sanadkan hoos ugu dhaceen uu yidhi “Waxa Xusid mudan in dambiyada guud ee dhacaa ay hoos u dhaceen, sidaanu ciidamada amaanka war-bixinada kaga hayno ee la is barbar dhigo sanadkii 2012 iyo 2013-ka, sanadkii 2012-kii dambiyada dhacay waxay ahaayeen 18,989 dambi, halka ay sanadkan oo bishii 9-aad lagu jiro ay ka marayaan 10 ilaa 12 kun wax u dhexeeya…..Dilalka laftoodu hoos bay u dhaceen, sanadkii 77 dil baa dhacay, laakiin sanadkan afartameeyo ayay marayaan”

Wasiir Xirsi, waxa kale oo uu ka hadlay safarka Madaxwayne ku xigeenka Puntland ku joogo deegaanka Taleex “Xuduudkeena ayay soo galeen qolo Puntland ka tirsan, qaa xaqiiqo jirta waana xad gudub iyo daandaansi ay Puntland ku soo qaaday xuduudaha Somaliland, dagaalku isaga oo uu lama huraan yahay, haddii xuduudaha Somaliland xad-gudubka laga dayn waayo umadda reer Somaliland, maaha ciidamada oo kaliya, maaha xukuumadda oo kaliya, umadda reer Somaliland waxay ahaan dhiiggeeda ayay ku difaacaysaa xuduudaheeda, haddana sidii caadada inoo ahayd dagaalka laguma deg-dego , lagamana deg-deggo” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Ciidamada qaranka ee geesiyaasha ah iyo xukuumadduba waxay u darban yihiin inay difaacaan xuduudaha qarankani leeyahay, waxa la arki doonaa, horena loo arkay talaabada ay qaadaan (Cidamada qaranka Somaliland) haddii laga dayn waayo (Farogalinta) waysa dul qaadanaysaa wixii suurtogal ah xukuumadda”

Wasiirka Madaxtooyada oo mudanayaasha golaha wakiilada la hadlayey muddo 1:42 ah (Hal saac iyo 42 daqiiqo), ayaa waxa su’aalo dhowr ah si darandoori ah u waydiiyey xildhibaanada golaha Wakiilada qaarkood, kuwaasi oo qaarkood wasiirka waydiiyey su’aalo taabanayey baahiyaadka bulshada iyo ogaanshiyaha waxyaabo badan oo ka daahan.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog) oo ka mid ahaa mudanayaasha su’aalaha waydiiyey wasiirka, ayaa su’aalahiisa oo mid walba uu wasiirka ka jawaabay u dhignaayeen sidan:-

Su’aal: Ciidanka la dagaalanka Argagixisada (RRU/SPU) ee aad sheegtay in xukuumaddu tayeysay  waxay habeenkii u soo dhacaan guryaha carruurta iyo xaasasku hurdaan oo ay albaabada faash ku jabiyaan, maxaa u diiday in dadka la tuhusan yahay ay xidhaan xili maalin ah ilayn xalaal iftiin-baa la qashaaye…?

Jawaabta Wasiirka: Ciidamadani waa ciidan si gaar ah loogu tababaray la dagaalanka argagixisada oo cadow ku ah qarankan iyo bulshada caalamka, cadowgaagana qofkii helayaa maalin iyo habeenba wuu doonanayaa.

Haddii aan xusana, lixdii bilood ee u dambeeyay waxa la qaaday 8 hawlgal, waxaana lagu soo qabtay 22 eedaysane, hal qof oo xukunkiisii dhacayna 10 sanadood ayaa lagu xukumay, 2 kiis waa gar sugayaal, waxaana u xidhan 7 qof, laba kiis baadhitaankii ayaa socda oo may gaadhin halkii dacwada laga oogayey 10 eedaysanana waa loo xidhay, saddex kiis way caddaan waayeen oo waa la sii daayey.

Ciidamadaasi waa ciidan u tababaran, u darban oo u diyaarsan inay cadowgooda la dagaalamaan, cadowga qaranka Somaliland la dagaalamaan oo ay qabtaan, waxaanan ku amaanayaa shaqada ay qabtaan oo ay si fiican u qabtaan.

Su’aal: Mudane Wasiir imisa hay’adood ayaa la hoos keenay Wasaaradda Madaxtooyada mudadii xukuumaddani xilka haysay, annigu waxaan ogahay Tv-ga qaranka, Haamaha shidaalka, hay’adda Wadooyinka (SRA) iyo dekedda Berbera, markaa wax ma nooga iftiimin kartaa inta hay’adood ee lagu hoos keenay..?

Jawaabta Wasiirka: Hay’adda Waddooyinka mooyaane hay’ad kale oo toos ii hoos timaadaa ma jirto, laakiin hay’adaha dawladdu waxay hoos yimaadaan Madaxwaynaha anniguna Madaxwaynaha ayaa la shaqeeyaa, dhaqaalaha aad sheegtayna toddobaadkan ayaaba laba milyan loogu dhawaaqay.

Su’aal: Wasiir, ma kuu qorshaysan tahay inaad samayso hay’ad Madax-banaan oo ka shaqeysa wadooyinka, si dhaqaale looga helo qaadhaan bixiyayaasha ka cadhooday hoos geynta Madaxtooyada ee hay’adda wadooyinka, loona soo celiyo kalsoonida shacabka soo doortay Madaxwaynaha adiga wasiirka kuu Magacaabay iyo annigan kula xisaabtamaya..?

Jawaabta Wasiirka: Marka waxaanu dhisaynaa hay’addii, waxaanu dhisaynaa shaqaalaheedii, waxaanuna dhisi doonaan sharcigeedii oo iinsha Allaah ku hor iman doona.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, oo isaguna wasiirka waydiiyey su’aalo xidhiidha oo qaarkood Wasiirka taabteen, ayaa yidhi:-

Su’aal: Mudane wasiir, Fuliye xantii ma mooge ayaa la yidhaahdaaye, Somaliland gudaheeda xan baa jirta odhanaysa Wasiirka Madaxtooyadu way ka balaadhan tahay xilka uu ku magacaaban yahay, waxaan jecelahay inaad iftiimin naga siiso xilka aad qaranka u hayso iyo halka ay debada ku hayaan awoodaha lagugu xantaa..?

Jawaabta Wasiirka:Aan kula kaftamee, intaad xisbiga WADDANI gashay Mucaaradadu way kugu badan tahaye, ma waxaad ilowday markaad UCID ahayd, waxaan odhan lahaa odey (Guddoomiyaha Waddani) haka eryin (Customer-ka) ee Mucaaradadaada miyir u yeel.

Xilkaygu waa wax cad oo dastuuri ah, maaha wax aan annigu samaystay ama cid kale samaysay, halkana waa la iga ansixiyey oo waad fadhiday, xilkii la ii ansixiyey oo ah wasiirka Madaxtooyada ayaan qaranka u  ahaa, haddiise aad ujeeddo maxaad ka shaqeysaa oo ay isaga kaa khaldanto (Leader ship ama Manager), Madaxwaynuhu waa hogaamiyihii qaranka, anniguna waxaan uga shaqeeyaa hawlihiisa maalin laha ah, xafiiskiisa ayaan uga shaqeeyaa, oo ah maamul.

Wasaaraddaydu waxay qabataa waxa maamul qabto, Madaxwaynuhuna wuxuu qabtaa waxa hogaamiye qabto, waayo waa hogaamiyihii qaranka, markaa waxaan u qabtaa Madaxwaynaha maamulka xafiiska iyo isku dubbaridka shaqada xafiiska Madaxtooyada, adduunkana loo yaqaano (Chief Of Staff), haddiise ay kugu cusub tahay oo aad afka ku balaadhisay, qofka ayaa shaqada sameeya, ee shaqadu qofka ma samayso, wasiirraa iga horeeyee .. Meeye… laakiin waa inaanad ka masuugin karaamadayda, dedaalkayga, kartideyda iyo aqoontayda wax kale ku sheegin.

Xildhibaan Baar Siciid: Waxa jirtay inan la yidhaahdo Nadra oo aad xidhay, inantaasi maxay kaga duwan yahay ragga wargeysyada qoraya (Kugu Qoraya) iyo kuwa Tv-yada ka hadlaya, mise waxa jira naceyb haweenka ah..?

Jawaabta Wasiirka: Qiimaha dumarki ay leeyihiin, qarankeenna iyo bulshadeenu iyo  halka shareecada islaamku ay dhigtay waa makaano qiimo leh oo aanan marnaba hoos u dhigaynin, hooyada, xaaskaygii, inantaydii iyo walaashay weeyaan, markaa haweenku marnaba wax xun ma gayaan, hasa yeeshee haddii aad ka hadashay gabadha Nadra Maxamed Jaamac ee aan annigu xili xiliyada ka mid ah dacweeyay ee aan xidhay, waxay ku kacday fal fawaaxish oo aanan filaynin inay Baar oo kale I waydiiso oo haween wax uu ku kaco ahayn, maaha cay iyo wax af laga yidhi oo kaliya ee waa cay fawaaxish ah oo ay caddeeyeen hay’adaha xuquuqal iinsaanku markii loo diray, aad dhageysateena markii ay ka hadlayeen ay sheegeen inay ahayd cay aad iyo aad u laf-jab ah, waxayna ahayd 20 fariimood oo kala duwan, taasoo ku xun shakhsiyadda qofka, shareecada islaamka iyo qarannimadeena, wixii ay tidhina iima saamaxayso inaan halkan (Xarunta Golaha Wakiilada) ka sheego waxay tidhi, laakiin haddii aad u baahato qoraal anniga ayaa kuu dhiibaya oo adiga ayaa xaakin ka noqonaya inay dambiile tahay iyo in aanay dambiile ahayn.

Haddaad u ujeedo waa haweene maad dambiga u dhaaftid, dambiga rag iyo haweenba waa loo siman yahay, dambiga fawaaxishka la yidhaahda wixii galaana waxay leeyihiin xukunno lagu xukumo, haddaad ujeedo awoodda wasiirnimo miyaad u adeegsatay,

maya..Xaasha…maxkamad ayaan tagay iyadda oo aan cidna ila socon, sidii dadkii shicibka ayaa aniguna aan meel soo fadhiistay, iyaduna meel soo fadhiisatay.

Haddaad ujeedo maad dulqaadatid malaha Xirsi ahaan ninka dadka ugu cayda badan baan ahaye, intii aanan anigu xidhin anniga oo Abu-dubia ku maqan ayay boolisku xidheen, annigu waxaan imid iyaddu oo u xidhan (qof la dulmay) oo u dulman inay afka wax ka tidhi oo kaliya, laakiin haddii aan siidayn lahaa markii aan imid waxay noqonaysaa qof marka uu doonana dadka loo xidho, marka uu doonana dadka siidaaya, waxaanse ku talagashay inaan sharciga maro, anniga oo sharaftayda iyo karaamadayda huwanna aan sidii qof caadiya maxkamadda tago oo aan uga doodo, xabsiyada, sharciga iyo ciqaabta waxa loo sameeyay in qofka khaladka lagaga qabto, masuuliyad ayaana I faraysa inaan qofka caynkaas u dhaqmaya inaan sharciga horgeeyo si uu ugu edebsado, Baarna waxaan leeyahay haweenka ayay ahayd inay anshaxa ku dambeeyaan.

Kaligay umay soo dirin fawaaxishada ee waxay u dirtay Madaxwaynaha, Madaxwayne ku xigeenka iyo Marwada koowaad, waana la heli karaa iyadda oo qoraal ah oo shirkadihii soo caddeeyeen”

Comments are closed.