John McCain Oo Ay Kamaradu Qabatay Isagoo Ciyaaraya, Xilli Laga Doodayay Weerarka Suuriya Ee USA

6
482

Picture4Washington(Geeska)-Senator John McCain, oo ah ninka Madaxweynaha Maraykanka u fudadaynaya in loo ansixiyo dagaalka Suuriya, ayay Kamarada saxafiyiintu qabatay isagoo telefoonkiisa gacanta ku ciyaaraha ‘Game’ ku dhex jirtay mobile kiisa oo ah Iphone, wakhtigii ay socotay dhagaysigii xukuumadda Obama ay ka jeedinaysay aqalka Koongareeska Maraykanka Salaasadii.

Wargeyska Washington, ayaa shalay baahiyay sawir uu ka qaaday siyaasigan oo ku ciyaaraha telefoonkiisa gacanta, wakhti ay golaha ka socotay arrin xaasaasi ah oo ahayd khudbadii ay wasiirada madaxweyne Obama u jeedinayeen Koongareeska Maraykanka si loogu ansixiyo weerarka Suuriya. Waxase dad badan ka yaabisay in Mr. John McCain uu wakhtigaas xaasaasiga ah ku mashquulsanaa ciyaar. Hase yeeshe Mr. John McCain ma dafirin ceebtaas soo waajahday ee wuu qirtay, waxaanu bartiisa twitterka ku sheegay inay ahayd fadeexad.

Wuxuu sheegay inay khudbaduhu socdeen saddex saacadood oo xidhiidh ah taas oo uu sheegay inay ku abuurtay caajis, “Aad ayaan u jecelahay inaan dhagaysto khudbadaha saaxiibaday oo socday in ka badan saddex saacadood. Waan caajisay, waxaanan ku jeestay ciyaartaas.” Sidaas ayuu Mr. John McCain u sheegay telefishanka CNN.

Comments are closed.