Qaraxyo Sababay Dhimashada 18 Ruux Oo Xalay Ruxay Muqdisho

42
2827

Muqdisho(Geeska/W.Wararka)-Laba qarax oo kala duwan ayaa xalay fiidkii ka dhacay magaalada Muqdisho ee Soomaaliya, kuwaas oo keenay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida ay sheegtay shirkadda gawaadhida gurmadka degdegga ah, in ka badan 18 qof ayaa ku dhimatay laba qarax oo ka dhacay magaalada Muqdisho. `

Wararka waxay sheegayaan in labada qarax oo waaweynaa ay ka dheceen meelo u dhow madaxtooyada iyo dhismaha ciidammada Nabad Sugidda Soomaaliya.

Qaraxyada waxaa loo adeegsaday gawaadhi laga buuxiyay waxyaabo qarxa waxaana ka dambeeyay rasaas aad u xoog badan, sida ay dad goobjoogayaal ah sheegayaan.

Ciidamadda dowladda Soomaaliya waxay sheegeen in ay fashiliyeen qaraxyadaasi oo ay tilmaameen in mid ka mid ah uu ka dhacay meesha gawadhida la dhigto ee hoteelka Dorbin oo hore u ahaan jiray Baar FIAT, sida lagu qoray wakaaladda wararka  Muqdisho ee SONNA.

Dowladda waxay sheegatay in ay soo afjareen weerarka Al-Shabaab. Afhayeen u hadlay wuxuu sheegay in illaa shan ka mid ah dableyda ay ku dileen goobaha ay israsaaseynta ka dhaceen. Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here