Dr. Abiy Axmed Oo Ku Sii Siqaya Kursiga Raysalwasaaraha Itoobiya

32
3535

Addis Ababa(Geeska/W.wararka)-Siyaasiga dhallinyarada ah ee ka soo jeeda qoomiyada Oromada Dr. Abiy Axmed ayaa u muuqda inuu ku sii dhawaanayo inuu noqdo hoggaamiyaha bedeli doona raysalwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn oo dhawaan xilkaas iska casilay.

Dr. Abey oo ah nin aftahan ah oo taageero balaadhan ku leh qoomiyada Oromada ee ugu badan dalka Itoobiya, ayaa ku guulaystay in xisbiga bulshada oromada ee OPDO uu u doorto inuu noqdo guddoomiyaha ururkaas, taas oo ay uga dan leeyihiin inuu noqdo murashaxa xisbi siyaasadeedkan oo ka mid ah xisbiyada ku bahoobay xisbiga EPRDF.

Mr. Lema Megerssa oo ah madaxweynaha kililka Oromada oo isna loo doortay guddomiye-xigeenka xisbigaas OPDO ayaa saxaafadda u sheegay in Dr. Abey xilkan loo doortay ka dib wada tashi balaadhan oo uu xisbigu sameeyay, waxaanu sheegay in golaha dhexe ee OPDO oo ka kooban 45 xubnood ay isku raaceen in Dr. Abey uu noqdo guddoomiyaha xisbigam “Waa su’aasha shacabka iyo ururkaba in loo asteeyo hoggaamiyayaal darajada federaalka.” ayuu yidhi Mr. Lema Megerssa, isagoo intaas raaciyay ahmiyada ay leedahay hoggaamiye dadka isku wadi kara, waxaanu hoosta ka xariiqay in xisbiga ODPO uu go’aankan lagu xushay Dr. Abey ku gaadhay wada tashi.

Dr. Abey Axmed ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay twitterka wuxuu ku sheegay inuu ku faraxsanyahay xisbiga ODPO inuu u doorto guddoomiye.

Raysalwasaaraha cusub ayaa noqon doona siyaasi ka tirsan baarlamaanka, waxaanu Dr. Ahmed ka tirsanyahay baarlamaanka Itoobiya isagoo sidoo kalena ka tirsan guddiga fulinta ee xisbiga lagu bahoobay ee EPRDF.

Waxa iyaguna jira siyaasiyiin kale oo ka soo jeeda isla qoomiyadan oo laga yaabo inay tartanka soo galaan, sidoo kalena siyaasiyiinta xisbiga ANDM ee Amxaarada ayaa iyaguna baratan adag ugu jira sidii uu mid ka mid ahi u noqon lahaa raysalwasaaraha.

Si kastaba ha ahaate, maalmaha inagu soo waajahan ayaa la filayaa in dalka Itoobiya yeesho raysalwasaare cusub oo bedeli doona raysalwasaarihii hore ee is casilay oo weli xilka si ku meelgaadh ah u sii haya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here