Dab Iyo Cadho

48
3970

Aqalka Cad ee Trump gudihiisa, waxaa qoray Michael Wolfe waxaa turjumay  Kamaal A. Cali (Q. 24aad)

Barrack si la mid ah qof kasta oo ka mid ahaa dadkii ku xeernaa Trump, ayaa natiijada doorashada ka soo baxday ay ula muuqatay in ay la mid ahayd ku guulaysasho bakhtiyaanasiib oo aanay maskaxdu rumaysan karin – Saaxiibkaagii aan xisaabta guushaba lagu darsan, ayaa madaxweyne noqonaya. Laakiin Barrack waa uu niyadjebiyey saaxiibkii Trump. In kasta oo uu ka helay taleefanno aan tiro lahayn oo ahaa baryo iyo codsi uu kaga doonayo in uu la shaqeeyo, haddana kama uu ogolaan. Waxa uu u sheegay, “Anigu maalqabeen weyn ayaa aan ahay” Sidaas daraadeed suurtagal in aanay ahayn in uu faraha ka qaado shirkadihiisa iyo danihiisa ganacsi oo ay ku jiraan maalgashiyo waaweyn oo uu Bariga dhexe ku lahaa – Maadaama oo uu Barrack maalgashiyo waaweyn Bariga dhexe ku leeyahay, diidmadiisani waa mid si marka loo eego, uu ku raalligelinayo hay’adaha ka shaqeeya dabagalka iyo la socoshada macaamilka iyo anshaxa ganacsatada. (Waxa uu diidanaa in ceebi kaga timaaddo xilka uu ka qabto Aqalka Cad, oo ay iska horyimaaddaan danaha siyaasiga ah iyo kuwa ganacsigu taasina ay wax u dhinto ganacsigiisa), Laakiin Trump isagu dan kama uu lahayn isdiidooyinka dhinaca akhlaaqda iyo sharciga ah ee ka dhex dhalanaya ganacsigiisa gaarka ah iyo shaqada qaranka uu u hayo.

Barrack isagu arrintaas waxa uu u arkayey dhibaato uu u badheedhayo iyo in ay kallifaad ku tahay. Sida oo kale, Barrack, oo xaaska ay hadda wada joogaan ay tahay tii afaraad ee uu guursado, imika wax amateed ah uma uu haynin in ay noloshiisii loofarka iyo hawada ahayd ee uu ku soo qaatay inta badan ee sannadihii uu la saaxiibka ahaa Trump, dib loo soo faqo marka uu xilka qabto, oo ay isu beddesho fadeexado ay dadweynuhu ogaadaan.

Beddelka uu Trump haystay waxa uu ahaa wiilka uu soddogga u yahay. Bilo uu ol’oluhu ku jiray qasaawasalan iyo amakaag kaddib, (Haddii aanay Trump ula muuqan in uu sidan ahaa, dadka kale badankooda oo uu xitaa qoyskiisu ku jiraaba waa ay arkayeen xaalka ol’olaha), Kushner ayaa soo farageliyey xaalka oo noqday gacanyarihiisa, hareer taagan, hadlaya marka la’ lahadlo oo keliya, laakiin haddana mar kasta jeedinayey, aragtiyo deggen oo qurux badan. Corey Lewandowski waxa uu Kushner ugu yeedhi jiray ‘madaxa Adeegeyaasha’ [Ereygan oo ah The Butler waxa waxa uu ka soo dheegtay masraxiyad Maraykan ah oo soo baxday sannadkii 2013.  Asal ahaanna ereyga macnihiisu waa shaqaale hoosaadka inta badan ka hawlgala guryaha waaweyn]. Trump waxa uu bilaabay in uu aamino in wiilka uu sodogga u yahay, uu si aan wax loo dhigaa jirin u yahay nin maskax badan. Sababaha uu sidaa ugu maleeyeyna waxaa ka mid ahaa Kushner oo ay ka muuqatay in uu fahmay sida ay tahay in looga leexdo jidka Trump.

Si ka hor imanaysa xeerarka, dhaqanka iyo wax kasta oo uu qofku ka biyo diido, ayaa ay u muuqatay in madaxweynuhu go’aansaday in uu isku xeero qoyskiisa. Reer Trump, dhammaantood – marka laga reebo xaaskiisa, oo sabab aan la fahmin, u sii joogaysay New York – inta kale oo dhami waxa ay u soo guurayeen Aqalka Cad, dhammaantoodna waxa ay filanayeen in la siiyo waajibaad u qalma heerka ay ka dhex joogaan ururka Trump, iyada oo aanay jirin cid kale oo si cad u bixin karta talo ehelka Trump xil doonkooda ku liddi ah.

Ugu dambayntii, gabadha aad loo buunbuuniyo ee codka garabka midigta ah, Trump na aad u taageerta Ann Coulter, ayaa inta ay ku soo istaagtay madaxweynaha la doortay waxa ay tidhi, “Cidina waxba si cad kuuguma sheegayso. Laakiin, [Aniga ayaa kuu sheegaya ee] carruurtaada ma shaqaalaysiin kartid, ma shaqaalaysiin kartid.” Trump waa uu ku sii adkaystay in uu xaq u leeyahay in qoyskiisu ay caawiyaan, isaga oo isla markaana dalbanayey in la fahmo. Waa qoys, ayaa uu yidhi. Laakiin shaqalihiisu waxa ay fahmeen dhibaatada arrintani keeni doontaa in aanay noqon doonin oo keliya, La soco….

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here