Qarax Xalay Cawayskii Lala Eegtay Guriga Taliyaha Sirdoonka Gobalka Sool

0
571

laasHargaysa( Geeska )- Aqalka taliyaha sirdoonka ee gobalka Sool Mr. Carab Qawdhan,  ayaa xalay cawayskii lagu weeraray bambo gacmeedyo waxaana ku dhintay hal askari oo kamid ah ilaaladiisa.

Weerarkan lala beegsaday guriga taliyaha sirdoonka ayaanay cid kale wax ku noqon, waxana lagu soo waramaayaa in wakhtiga guriga banbooyinka lagu weerarayay uu ku sugnaa taliyahu, balse aanay wax dhibaato ahi ka soo gaadhin.

Falkan ayaanay jirin cid loo qabtay sida uu Geeska Afrika u  xaqiijiyay maayarka magaalada Laasacaanood Kayse Maxamed Xaaji, waxaana sida oo kale maayarku sheegay in xeerilaaliye ku xigeenkii dhawaan lagu toogtay magaaladda laasacaanood loo hayo saddex qof oo mid kamid ah uu ku eedaysan yahay toogashadiisa.

Maayarka Laasacaanood Kayse Maxamed Xaaji oo dhacdadan ka waramaaya waxa uu yidhi“Waxa uu ahaa bamka gacanta laga tuuro, hal askari ayaa ku dhintay waxaanu ahaa nin da’weyn oo imika waxa uu yaala qolka maydka ee cisbitaalka, aroortana [saaka] waa la aasayaa insha allaah, taliyahana waxba may soo gaadhin laakiin gurigiisa markaas waa uu joogay.”

Ugu danbayantii waxa uu maayarku ka waramay dad loo hayo toogashadii xeer ilaaliya dagmada Laasacaanood “Waxa loo qabtay falkii hore sadex nin, mid gacan  ku dhiigle ah, mid lasocday iyo mid kale oo madax ka ahaa.”