Wasiir Samaale Oo Sheegay Inuu Dakhliga Dalku Kordhay

0
532

samaaleHargasya( Geeska )- Wasiirka maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa sheegay in bilahii la soo dhaafay kor u kac xoogani uu ku yimi cashuuraha ka soo xarooda kastamada, dekedaha iyo meelo kaleba.

Wasiirka maaliyadu waxa uu sheegay in aanu samayn wax cashuur kordhin ah  balse ganacsatadu ay si fiican cashuurtii u baxiyeen, si fiicana loo  maamulay, waxa kale uu wasiiriku ugu baaqay ganacsatada in ay iska ilaaliyaan xaaraanta oo ay bixyaan cashuuraha ku waajibay, isla markaasna ay shayga ay sidaan si sax ah u sheegaan.

Sidan waxa uu ku sheegay wasiirka maaliyadu  mar uu ka hadlaayay furitaankii Carwada ganacsiga ee labaad oo shalay Hargeysa ka furantay, waxaanu ugu danbayntii ganacsatada u sheegay in ay si fiican u tix galin doonaan oo ay u fududayn doonaan waxii cashuuraad ah.

Ugu horayntii wasiirka maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale isaga oo ka hadlaaya sida ay cashuurta u bixiyaan dadka ka ganacsada qaadku waxa uu yidhi “Aniga oo dadka qaadka ka waaniya in la cuno, haddana dadka qaadka ka shaqeeya waxay bixiyaan cashuur, cashuurtoodaasna aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqayaa, laakiin dadka waxaan leeyahay qaadka hala yareeyo cunitaankiisa si lacagta inagaga baxaysa u yaraato, aniga oo dadka qaadka soo galiya dalka cashuurta sida wanaagsan ee ay bixiyaan aad uga mahadnaqaaya.” Ayaa uu yidhi wasiir Samaale, waxaanu isaga oo hadalkiisa siita uu yidhi “Waliba bilahii ugu danbeeyay iyadoo aan cashuurtii la kordhin, hafday tahay dekedaha, hafday tahay qaadka iyo hadfay meelo kale tahayba aad ayay sare ugu kacday, taasina xil gaara oo ay isa-saareen dadkii cashuurta bixinayay ayaan u arkaa. Waxaan leeyahay waxa uu dalkeenu horumar ku gaadhi karaa inaga oo gacmaha is qabsana, inaga oo ganacsatadeena si cadaalad ah oo nadiifa ah wax ay u cashuurtaan, oo qofku waxa uu wadanka soo galinaayo aanu ku sheegin wax kale, oo isaga oo Kumbuyuutaro soo galinaaya aanu ku sheegin caano,  dhamaan dadka ay wasaarad maaliyad ahaan cilaaqaadku naga dhaxeeyaan ee ay cashuuruu ku waajibeen waxa aan u balan qaadaynaa inaan si aad iyo aad ah ula saa’irayno oo aanu siinayno tixgalin gaar ah, oo marka loo baahdo cashuurta in la fudaydiyo inaan fudaydinayno.”