Qarax Ka Dhacay Addis Ababa Iyo Laba Qof Oo Ku Dhintay

3
651

Warbaahinta dawladda Ethiopia ayaa sheegtay in qarax ka dhacay magaalada Addis Ababa ay ku dhinteen ugu yaraan laba qof.
 Qaraxan ayaa ka dhacay xaafadda Bole oo ay ku noolyihiin Soomaali aad u tira badan,
 Dawladda Ethiopia ayaa sheegtay inay labadii sano ee la soo dhaafay ka hortagtay qaraxyo iyo weerarro la qorshaynayay.
 Ethiopia ayaa inta badan ku eedaysay falalka noocan oo kale ah jabhadaha ka jira koonfurta iyo bariga dalakaasi, iyo kooxda al Shabaab ee ka dagaalanta Somalia.

 Ciidamada Ethiopia ayaa dagaal kula jirta kooxda al Shabab oo xidhiidh la leh ururka al Qaacida, iyada oo ay ciidamo ka joogaan gudaha Somalia.

Comments are closed.