“Qaranku Waxa Uu U Baahan Yahay In La Soo Celiyo Wada Shaqaynta. Waxaan U Soo Jeedinayna Xukuumadu Inay Soo Celiso Wada Shaqayntii”

0
519

Picture6Hargeysa(Geeska):-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),ahna guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa sheegay in Xeerka Diiwaan galinta iyo ka Diiwaan-galinta codbixiyeyaasha ee Xukuumadu u soo gudbisay Golaha Wakiilada Somaliland aanu ahayn sidii ay ku heshiiyeen Komishanka Doorashooyinka,Axsaabta Qaranka iyo Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland,waxaana uu carabka ku dhuftay in aanay marnaba ka xisbi ahaan aanay aqbali doonin waxyaabo carqalad ku keeni kara in Doorashooyinku ay dalka wakhtigoodii ku qabsoomaan. Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa hadalkan ka sheegay munaasibad soo dhawayn ah oo Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ku qaabilay Fanaanada Caanka ah Mujaahidad Sahra Axmed Maxamuud(Sahra Halgan) iyo Siyaasiga Aadan Ruush oo ku soo biiray Xisbiga WADDANI,waxaan uu ugu horayn uu faah faahin ka bixiyey waxyaabihii ay markii hore ku heshiiyeen Komishanka Doorashooyinka,Axsaabta Qaranka Iyo Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland,isaga oo carabka ku dhuftay in ay ku heshiiyeen in lakala madaxbaanaysiiyo Diiwaan gelinta Muwaadiniinta iyo ta codbixiyeyaashaba,isla mar ahaantana ay u heshiis ay ka midaysan yihiin ay u gudbiyeen beesha caalamka gaar ahaan deeq bixiyeyaasha Somaliland ka taageera arrimaha Doorashooyinka Somaliland.

"Maadaama aynu filayno in Doorashooyinku ay qabsoomaan 2015-ka,waxaa Guddida Doorashooyinka Qaranka,Axsaabta Qaranka,Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Akaadamiyada Nabada iyo Horumarintu ay bilaabeen bishii shanaad 2013-kii in laga hadlo arrimaha Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka,Waxaa laysla qaatay in Laba Diiwaan gelinood uu dalku u baahan yahay,midi waxa weeyaan Diiwaan gelinta Muwaadiniinta iyo ta codbixiyeyaasha,waxaana tijaaboyin badan oo dalal badan laga sameeyey waxaa lagu xaqiijiyey in Diiwaangelintaasi ay u baahantahay Afar Sanadood Illaa Toban Sano,Sidaas daraadeed waxaa la go'aansaday oo kale in Diiwaangelintii Codbixiyeyaasha la dhinac wado oo aan laysku dabrin.Go'aankaasi waxaa uu ahaa go'aan la wada qaatay oo qaranku sida uu u dhan yahay uu wada qaatay.Markaa Bishii Todobaad 2015-kii waxaa Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyada Somaliland ay Axsaabta Qaranka,Komishanka,Iyo Wasaarada Daakhiligu ku wada saxeexeen in lagu heshiiyey in Labada Diiwaan gelinood ay yihiin Diiwaan gelin uu qaranku u baahan yahay oo ay kala madaxbanaanaadaan oo ay isbarbar socdaan(Dual Track Approuch).Heshiiskaas waxaa loo gudbiyey deeqbixiyeyaasha oo laga codsaday maadaama uu dalkii ku heshiiyey  arrintaas in ay naga taageeraan,deeqbixiyeyaashu waxaa ay yidhaahdeen soo kala cadeeya Labada Diiwaan gelinood Cida qabanaysa”Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Cirro

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu intaasi ku daray:“Markale ayaan si wada jira u saxeexnay anaga oo Deeqbixiyaasha u sheegayna in Diiwaangelinta Muwaadinka ay ka masuultahay Wasaarada Arrimaha Gudahu,Diiwaan gelinta Codbixiyeyaashana ay ka masuultahay Gudida Doorashooyinka Qaranka.Haddaba si taa loo sii xoojiyo waxaa 17/11/2013-kii si uu u laabqaboojiyo Axsaabta iyo Qaranka iyo Deeqbixiyaashaba uu Waraaq uu nuxurkeedu ahaa kala madaxbanaanida labada Diiwaangelinood iyo in uu taageer sanyahay heshiiskaa ay Axsaabta,Wasaarada Arrimaha Guddaha iyo Komishanku ay wada saxeexeen uu ku ogalaaday,waxaana arrintaas loo gudbiyey deeqbixiyeyaasha iyo Axsaabta Qaranka.Haddaba bishii Febuary/2014-kii markii uu soo baxay mad madaw soo galay waxaan ay deeqbixiyeyaashu inaga codsadeen in ay labadaas Diiwaangalinood isdabri karaan iyo inkale waxaana ay cadaysay isla bishaaba in aanay isdabrayn".

Md:Cabdiraxmaan Cirro waxaa uu sida oo kale uu daboolka ka qaaday in ay layaab ku noqotay Axsaabta mucaaradka ah in ay Xukuumada Somaliland ay golaha Wakiilada u soo gudbisay Xeer caqabad ku noqonaya in ay dalka Doorashooyin ka dhacaan,kaasi oo ay labadii Diiwaangelinood ay dusha iska saran yihiin.

"Hadaba waxaa la yaab noqotay 19/8/2014-kii uu u soo gudbiyey Golaha Wakiilada Xeer magac cusub wata oo la yidhaahdo Kaabista Xeerka Diiwaan gelinta Muwaadiniinta Iyo Codbixiyeyaasha oo wata Xeerkii Lambarkii hore,Xukuumada Somaliland hore Golaha Wakiilada ugu may soo gudbin Xeerka Muwaadiniinta,markaa xeer hore oo dhaqan gal ah oo ka yaalay arrintaasi ma uu san jirin,Xeer aan jirina Kaabis laguma samayn karo.Arrintaas markii Axsaabta qaranku kala tashadeen Gudida Doorashooyinka Qaranka waxay u cadeeyaan Kow,In Xeerka Madaxweynuhu u soo gudbiyey Golaha Wakiiladu aanu ahayn kay iyagu u soo gudbiyeen Madaxweynaha.Laba,Xeerku sida uu hada yahay haddii lagu ansixiyo in aan Diiwaan gelinta Codbixiyeyaashu aanay qabsoomi karin.Markaa arrintaasi waxaa ay caqabad ku tahay qabsoomida Diiwaangalinta Doorashooyinka Iyo sida oo kale in ay dalka ka dhacaan Doorashooyin"Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI.

Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxaa uu sida oo kale sheegay in ay kadib markii ay arkeen in Xeer caqabad ku noqonaya doorashooyinka dalka sida oo kalena ah mid ka duwan sidii ay ku heshiiyeen Axsaabta Qaranka,Komishanka Doorashooyinka iyo Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland ay ergo ula tageen Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland si uu wax uga qabto,waxaana uu sheegay in aanay illaa hada wax jawaab ah ka helin Madaxweyne Siilaanyo

"Aniga oo dhaqanka Somaliland eegayna ee Wada tashiga iyo Iswada Xilqaanka iyo wada hadalka labada guddoomiye ee Ladada Xisbiga Mucaarad ee aniga iyo Faysal aanu sidii dhaqanku ahaan jiray Ergo ugu tagnay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo aanu u xusnay in Qaranku ku heshiiyey kala madaxbanaananta lababada Diiwaan galinood iyo in aanay is dabrin si labaduba ay u qabsoomaan ergadaa aanu ugu tagnay,wax nagaga soo noqday Madaxweynaha oo jawaab ahi illaa hada ma jirto"Ayuu yidhi Md:Guddoomiye Cirro

Ugu danbayntiina guddoomiyaha Xisbiga WADDANI waxaa uu sheegay in ay rajaynayaan in arrintaasi ay ku dhamaato si habsami ah,balse waxaa uu carabka si aada ugu adkeeyey in aanay marnaba ka xisbiga ahaan aanay aqbali doonin waxyaabo carqaladaynaaya Doorashooyinku in ay dalka ka qabsoomaan wakhtigoodii loogu talagalay.

"Qaranku waxaa uu u baahan yahay in la soo celiyo wada shaqaynta,waxaanan u soo jeedinaynaa Xukuumadu in ay soo celiso wada shaqayntii Haayadaha Qaranka gaar ahaan kuwa ay khusayso arrinta Doorashadu,lana soo celiyo kala madaxbanaananta Diiwaan gelinta Codbixiyeyaasha iyo ta Muwaadiniinta si ay Doorashadu u qabsoonto wakhtigii loogu tala galay,waxaan jecelahay in aan halkan ka cadeeyo in aanu Xisbi ahaan aanu ku dadaali doono in arrintaas wadahadal lagu dhameeyo laakiin marnaba aanan aqbalaynin carqalad la sii wado oo arrintaas ku saabsan si uu dib u dhac ugu yimaado Doorashada"