Madaxweyne Siilaanyo Oo Tabashadii Reer Awdal U Saaray Guddi Wasiiro Ah Oo Soo Baadha

0
551

Picture5Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa guddi wasiiro ah oo ka kooban toddoba xubnood u saaray u kuur gelidda cabasho ay odayaasha dhaqanka ee Awdal dhawaan u gudbiyeen Madaxweynaha, taas oo la xidhiidha dhinaca saami qaybsiga.

Warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleban dhuxul, ayaa u dhignaa sidan:

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo

waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/MG/241-2682/092014 ku magacaabay Guddida Daraasadda iyo U-kuurgalka Cabashada Deegaanka Reer Awdal.

Ujeedo:  Magacaabid Guddida Daraasadda iyo U-kuurgalka Cabashada Deegaanka Reer Awdal

Ku:      Wasiirka Wasaaradda

 Gaashaandhigga                             

Ku:      Wasiirka Wasaaradda  Xannaanada

Xoolaha                                     

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Beeraha                                                            

Ku:      Wasiirka Wasaaradda

Maaliyadda                                          Ku:      Wasiirka Wasaaradda

Duulista Hawada iyo Gaadiidka

 Cirka                    

Ku:      Wasiirka Wasaaradda

Cadaaladda                                         Ku:      Wasiirka Wasaaradda

 Boosaha iyo

 Isgaadhsiinta                                   

 Mudanayaal,

 Waxa jira cabashooyin iyo tabashooyin xoogan ay ii soo gudbiyeen Salaadiinta iyo Madax-dhaqmeedka Gobolka Awdal oo ay kaga cabanayaan saami qaybsiga iyo jagooyinka shaqo ee Deegaanka Awdal. Sidaa darteed, waxaa lagama maarmaan noqotay in Guddi heer Wasiiro ah loo magacaabo hawshan si ay daraasad iyo xaqiiqo raadin uga sameeyaan arrintan.  

 Haddaba Mudanayaal, si xog iyo macluumaad dhab ah looga soo uruuriyo cabashadan; waxa aan mas’uuliyiinta warqadani sida tooska ah ugu socoto u magacaabay Guddida Daraasadda iyo U-kuurgalka arrimaha laga cabanayo ee qoraalka ku xusan, waxaana Guddoomiye u noqon doona Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.

 Sidaa darteed Mudanayaal, waxa aan idinka rajaynayaa in aad hawshan xil mug iyo miisaan leh iska saari doontaan.”