Qaramada Midoobay Oo Xukuumadda Kala Hadashay Sidii Xeryo Loogu Samayn Lahaa Qoxootiga Ku Sugan Somaliland

0
612

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Shalay Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefti ka socda Hay’adda Qoxootiga Adduunka ee Magaceeda loo soo gaabiyo UNHCR.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada oo soo gaadhay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa lagu faahfaahiyey waxyaabaha ay ka wada-hadleen Madaxweynaha iyo Weftiga ka socda Hay’adda UNHCR, waxaanu War-saxaafadeedkaasi u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu qasriga madaxtooyada kulan kula qaatay masuuliyiin sarsare oo ka socda hay’adda qaxoontiga adduunka ee loo soo gaabiyo (UNHCR) oo uu hoggaaminayo Ergeyga gaarka ah ee Geeska Afrika u qaabilsan Amb. Maxamed Cabdi Affey oo ay wehelinayaan masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay wakiilka hay’adda u qaabilsan dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, Magatte Guisse.

Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka labada dhinac iyo arrimo la xidhiidha qaxoontiga ku sugan Somaliland oo ay xukuumaddu u caddaysay weftiga inay hayaan dad ku dhaw 14,000-kun oo qaxoonti ah kana yimi dalalka gobolka iyo dalal ka baxsan mandaqada Geeska.

Qodobada kulankaa lagu lafo-gurayna waxa ka mid ahaa xaaladda guud ee qaxoontiga ku sugan gudaha Jamhuuriyadda Somaliland sidii loo meelayn lahaa.

Samaynta xeryo qaxoonti oo lagu hayo dadka ay Somaliland u aqoonsan tahay inay yihiin qaxoonti.

Sidoo kale waxa laga wada hadlay doorka ay hay’adda UNHCR ka qaadan karto yagleelida xeryaha qaxoontiga iyo saamaynta ay yeelan karaan xeryaha qaxoontigu marka loo eego mustaqbalka fog iyo habka ugu habboon ee loo diyaarin karo ama loona hayn karo qoxoontigaa, iyadoo lagu dabaqayo aqoon iyo waayo-aragnimo.

Ugu danbayntii waxa la isla gartay in arrintan loo saaro guddi farsamo oo ka kooban labada dhinac oo soo gorfeeya hannaanka ugu wanaagsan ee xal loogu heli karo qaxoontiga.

Waxaana kulankaa madaxweynaha ku wehelinaayey madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka Arrimaha dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah, Dr Ciise Kayd Maxamuud, Gudoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif) iyo Ergayga Gaarka ah ee u Qaabilsan Somaliland Qaramada Midooba Dr Maxamed Warsame Ducaale.”

 

Geeska.net/Hargeisa Office